WAR-SAXAAFADEED

 

 


Waxaan ku wargelinayaa Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee XisbigaUDUB, Guddoomiyeya asha iyo Guddiyada Gobolada, Guddiyadii iyo taageerayaashii Dibadaha iyo dhammaanba taa geerayaashii Xisbiga UDUB ee Mabdaa Xisbiga ee Xalaasha ah ku soo hadhay inaanay Jirin wax iska baddeley Go`aankii Xisbiga ee lagu qaatay inaan lagu kala milmin,lana kala Godbin Xisbiyada iyo Ururada tartamaya maadaama Xisbigu qaadacay Doorashada Deegaanka, ka na mid ahayn Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada Degaanka ee 28 November, 20 12.

Sidaa darteed waaxaan halkan uga gudbinayaa Dhammaanba Bahweynta Xisbiga UDUB


1. In Xisbigu ka tanaasulay in wax carqalad ama mudaharaad ah lagu sameeyo Doorashada aanu ka qayb ahayn nabadgelyada awgeed.

2. In Xisbigu ka shaqeeyo sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xalaal ah isagoon marnaba ka kala godob galayn Xisbiyada/Ururada tartamaya.

3. In Xisbigu si nabadgelyo ah u sii wadanayo Garnaqsigii ku saabsanaa Jiritaanka Xisbinimad iisa, taasoo aan la hayn sabab sharci oo uu Xisbigu ku lumin karo Shahaadadiisa Xisbinimo maadaama oo aan gafkii G/Diiwaangelinta kaga yimi wax garawshiiyo ah laga siin loona ogol aan fursad uu ku tartamo.

4. In Xisbigu sii joogtaynayo kulamadiisii todobaadlaha ahaa si mar walba la isula socdo.

5. In Xisbigu soo dhawaynayo, meelna isugu wada keeni doono xubnihii miisaanka lahaa ee ka cadhooday cidda xisbigu u sharaxay Jagooyinka Madaxweynenimada, ama tabasho kaleb a tirsaday, balse ilaa hadda ka midka ah Madaxdii Golaha Dhexe iyo Fulinta Xisbiga UDUB.

6. Waxa marwalba karaamada iyo sharafta Xisbigu ku jirtaa Wadajirkiisa ilaa talada u damb aysa ee uu si wada jir ah ugu go`aan qaato.

7. Waxaan Bahweynta Xisbiga UDUB ka raali gelinayaa Tallaabada Md.Cali Warancade ku wii qayo Xisbiga oo aanu ku matalin Xisbiga UDUB,maadaama oo jagadii uu Xisbigu u sharaxayna la laalay, kana mid ahayn Gudiga Fulinta ee Xisbiga balse ahaa Xubin Gole Dhexe oo aan Xub naha kale waxba dheerayn. Waxaana la yaab leh ninkii reerkiisa Shakhsi kali ah ka soo heli kari waayey ee laba goor Xisbiga jabiyey inuu taageerayaal gaar ah sheegto, Xisbiguna uga ma dulqaadan doono wixii dhaawac ku keenaya.”




C/Xaliim Maxamed Muuse,
Ku simaha Xoghayaha Guud ee UDUB