War saxaafadeed

 



Guddida dhexdhexaadinta ee EMB isagoo haysta kalsoonida saddexda xisbi qaran siiyeen waxa uu dadweynaha ugu baaqayaa in kulankii ugu horree yey ee xallinta khilaafaadka siyaasadeed ay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku yeelan doonaan xarunta Madaxtooyada maalinta Sabtida ee foodda innagu haysa.


Muddada wadahadalku socdo guddidu waxa uu saddexda xisbi qaran si xurmo iyo xushmadba leh uga codsanayaa;

Inay hakiyaan/joojiyaan dacaayadaha iyo waxkasta oo kale oo waxyeello u geysan kara amma carqalad ku noqonaya habsami-u-socodka dadaalka loogu jiro raadinta xal meel-mar ah oo khilaafka siyaasadeed lagu soo afjaro.


Guddidu waxa uu xukuumadda ka codsanayaa in warbaahinta qaranka xilligan ay u adeegsato hawlaha xukuumadda, hase ahaatee ay joojiso in xisbiga talada hayaa u adeesado barnaamijadiisa xisbiyadeed.


Warbaahinta madaxabannaan iyo ka xisbiga, waxa uu guddidu ka dalbana yaa inay hubiyaan in barnaamijyada iyo qoraallada ay baahinayaan ama ay daabacayaan aanay noqon kuwo sii huriya khilaafaadka xaaasiga ah amma carqalad ku ahaada xal-u-raadinta mushkilada.


Guddida dhexdhexaadintu, waxa uu xasuusinayaa dhammaan Guddoomi yeyaasha Gobollada iyo degmooyinka dalka inay iska dhawraan, kana ilaaliyaan bulshada tallaabooyinka xiisado abuuri kara.


Guddidu waxa uu ka codsanayaa labada gole ee Baarlamaanka inay si deg deg ah u dhammaystiraan xeerka doorashooyinka si u uu noqdo mid lagu dhaqmi karo doorashooyinka (Biometric Elections) ee dalka ku noqon doona mid ugub ah.


Guddidu waxa uu ka codsanayaa culimada iyo dadweynaha inay mujtama ca ka dhaadhiciyaan dadaalka lagu jiro, is-xil-qaadka masuuliyiinta, Ilaahayna uga baryaan in xal degdeg ah la gaadho.


Guddida dhexdhexaadintu waxay u mahadcelinaysaa saddexda xisbi qaran sidii tixgelinta iyo mudnaanta lahayd oo ay kalsoonida Guddidan u siiyeen.


Sidoo kale, waxa Guddidu ammaan iyo mahadnaq u soo jeedinayaa qayba ha kala duwan ee bulshada sida salaadiinta iyo boqorrada, culima’udiinka, ganacsatada iyo waxgaradka isu taagay xallinta khilaafaadka siyaasadeed.

 


Guddida dhexdhexaadintu waxay ka kooban yihiin:



Aadan Baxnaan Xirsi Guddoomiye
Jaamac Axmed Maxamed Afhayeen
Xuseen Cali Nuur Xubin
Dr. Aadan Yuusuf Abokor Xubin
Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre Xubin
Aadan Xirsi Suge Xubin
Cabdulqaadir Cali Xasan Xubin.