WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhu urayada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u di rayaa, Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaa n Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN. CABDILAAHI SHEEKH XASAN CISMAAN oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Maanta 16/04/2013.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Oday ka baxay Bulshada Som aliland oo door-muhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland ee walaalaha ah, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golaha mudo dheer oo aad u qaaliya lagu na xasuusan-doono marxuumka.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga ba ryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaa btii Gollayaasha qaranka iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
 

 

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland