Warsaxaafadeed




Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo booqasho ku imanaya Sweden


Gudoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mujaahid Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo oo ay weheliyaan Marwadiisa Amina weris iyo xoghay aha Arimaha debeda Dr Mohamed Cabdilaahi Cumar ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku iman doona wadanka Sweden. Gudoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayo oo casuumad ka helay xisbiga Folket partiet oo ka tirsan dawlada wadaaga ah ee wadanka Sweden iyadoo isku xidhka hawshaas ay gacan weyn ka geystay SILC "Swedish international liberal center'' oo ah hayád talooyin iyo caawimo ka siisa dalalka caalamka arimaha dimoqraadiyada iyo xuquuqda biniaadamka.

Gudoomiyaha Iyo waftigiisu waxay booqshadadoodu qaadan doontaa mudo shan maalmood ah oo uga bilaabanaysa maalinta Arbacada June 10, 2009.

Gudoomiyaha iyo waftigiisu inta ay joogaan waxay la kulmi doonaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumada iyo baarlamaanka wadanka Sweden, Gaar ahaan Arimaha debeda iyo Gudiga Waaxda u qaabilsan amuuraha debeda barlamaanka Sweden, wuxuu kaloo kulan la yeelan doonaa masuuliyiin ka tirsan xarunta dimoqraadiyada aduunka ,waxa kale oo ay gudoomiyaha iyo waftigiisu la kulmi doonaan hayádaha kale oo qaabilsan mucaawanada debeda.


Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa sidii looga bartay inuu gaadhsiiyo oo ka dhaadhiciyo masuuliyiinta uu la kulmayo qadiyada Somaliland iyo sidii ay taageero dhinac walba leh ugu gaysan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarinta wadanka.

Waxa kale oo la filayaa gudoomiyuhu inuu la soo qaadi doono masuuliyiinta arimaha khuseeya doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh ee la filayo inay ka qabsoonto Somaliland dhowaan iyo weliba sidii Sweden gacan buuxda uga gaysan lahayd inay doorashadaasi ku qabsoonto.


Gudoomiyuhu wuxuu maalinta sabtida 13 june kula hadli doonaa Magaalada Stockholm jaaliyadaha Reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Sweden iyo wadamada jaarka la ah sida Norwey, Denmark iyo Finland intii iman kara .Waxa kale oo sida qorshu yahay maalintaa habeenimadeeda Kulan balaadhan oo casho ah uu la wadaagi doonaa Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada iyo Wufuuda jaaliyadaha ee ka yimi gobolada kale ee Sweden iyo wadamada jaarka la ah.


Booqashada gudoomiyaha KULMIYE ee wadanka Sweden oo ah mid aad u muhiim ah marka loo eego iyadoo wadanka Sweden bisha 1st July uu la wareegi doono gudoomiyanimada wareegta ee dalalka yurub EC.





Gudoomiyaha soo dhoweyntiisa ayaa aad loogu diyaar garoobay wadanka Sweden iyo wadamada u dhow intaba. Wuxuu ka soo degi doonaa qaybta loogu talo galay dadka muhiimka ah (VIP) ee Arlanda Airport.



Soo dhoweynta gudoomiyaha ayaa waxaa qaban qaabadeeda si xoogan ugu jiray, Dalada guud jaaliyada reer somaliland ee (Riks), jaaliyadaha stocholm, jaaliyada dhalinyarada iyo haweenka. Waxaa kale oo dedaal weyn sameeyey Wakiilada iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE wadanka Sweden oo qaarkood ka soo ambabaxayaan gobolada durugsan ee wadanka Sweden iyo wadamada jaarka ah intaba.
 




Afhayeenka Laanta Xisbiga KULMIYE Sweden
Mubarak qoorubaxay