WAR-SAXAAFADEED

 



Date: March 8 , 2011



Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Qasriga Madaxt ooyada ku qaabilay Wefti 3 Xunood ka kooban oo uu Hogaaminaayo Tin Hitchens, Director for Afri ca-ka Dawlada Ingiriiska ee Adrica.

Weftigan oo u jeedada Socdaalkoodu daba socoto soc-daalo isdaba joog ahaa oo ay madaxda  Ing iriisku ku timid Somaliland, waxa uu madaxweynuhu uga waramay ee Dhinacyada siyaasada, nabad gelyada iyo Dhaqaalaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu weftiga uga mahad naqay socdaalka ay ku yimadeen Somaliland iyo Xidhiidhka wanaagsan ee wakhtigan ka dhexeeya labada Wadan.

Tin Hitchens, Director for Africa Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia and ayaa ka  waram ay ujeeddada Socdaalkooda oo ay sheegeen in uu daba socdo socdaaladii hore ee ay dalka ku im an jireen iyo xogogaal u noqoshada guud ee Somaliland.

Xubnaha Weftigu Waxay madaxweynaha iyo Somalilandba ku amaaneen dedaalka ay ka  sameeye en dhinaca nabad-gelyada iyo horu-marka waxanay ku adkeeyeen kuna dhiiri-geliyeen inay  halka asi ka sii wadaan oo aanay ka Caajisin Dedaalkaas oo ay somaliland hore ugu caano maashay.

Dhinaca Somaliland Madaxweynaha waxa kulanka ku Wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, la taliyaha Arrimaha Ictiraaf-raadiska iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada.

Dhinaca Weftiga waxay ka koobnayeen,

1. Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia.

2. Tin Hitchens, Director for Africa

3. Matt Woods, First Secretary

 



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.