Warsaxaafadeed



Date : March 16 , 2011

Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qasri ga Madaxtooyada kulan kula yaeeshay Gudoomiyey-yaasha Gobollada Dalka waxaanu ka dh egaystay warbiximo iyo Xog-waran la Xidhiidha Xaalada Guud ee Gobollada Dalka.


Ugu horayna waxa ay Badhasaabadu ka warameen Saamaynta ay Abaaruhu ku yeesheen  N olosha Dadka iyo Xoolaha iyo Dedaalka ay Xukuumada iyo Shacabiguba ka gaysteen Samata bixinta Culayska ay Biyo la’aantu ku hayso Dadka iyo Xoolahaba.



Waxa kale oo ay ka warameen Dhinaca Nabad-gelyada oo ay sheegeen in ay xaalada nabad-gelyada Dalku inta badan ay wanaagsantahay.



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ay aa markaa ka dib Badhasaabada uga waramay Siyaasada iyo Qorshaha Xukuumada ee ku  a adan horu-marka, Kor u qaadidda Dhaqaalaha iyo Adkaynta Nabad gelyada.



Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha kula dardaarmay in ay dadka ku dhaqaan  Cada alad una soo jeedaan Nabad-gelyada iyo Midnimada Shacbiga Somaliland.



Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha u sheegay in ay had iyo jeer ku dadaalaan in  a aanay Xafiisyadoodu noqonin kuwo laga Cawdo Balse ay noqdaan kuwo la mahadiyo.



Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey , Madaxweyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan,



ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.