WAR-SAXAAFADEED

 

Date: March 1,2011


Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Qasriga  madax toooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la Xidhiidha Maalgashiga Dalka, waxaanu Madaxweynuhu si faah-faahsan u cadeeyey inay  Daw lada Somaliland Gacmo furan ku soo dhawaynayso Cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa  qayb aha kala duwan ee khayraadka Dalka. Sida:-

Beeraha, Kalluumaysiga, Bada, Ganacsiga, Macdanta, Shidaalka iyo IWM.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Shuruucda Maalgashiga iyo Nabada taala Dalku u fududdaynayso una suurta gelinayso, cidii Danaynaysa in ay maalgashato Somaliland.

Xubnaha weftiga ayaa iyaguna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka madaxweynaha iyo sida loogu soo dhaweeyey Dalka, waxaanay sheegeen in ay Nabadgelyada Somaliland iyo Khayraadka Dihin ee yaallaaba ku dhiiri gelinayaan maalgashiga dalka ee ay u yimaaeen.

Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha ku wehelinaayey ,Madaxweyne ku xigeenka JSL & Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen Sidan :-

Dato Ir. Aziz bin Mustafa Director of JPZ & Advicer

Shamsul Anuar bin Shasudin Director, Cosign Sdn bhn

Nik Arshad bin Nik Mohamed Director, Kumpulan Senireka

Nik Azlan bin Nik Mohamed Director, Kumpulan Senireka

Idris bin Mohamed Noh Director, Arab Saudi

Rosli bin Abu Bakar Broadcast

Hassan bin Samian Regional Manager, Propel Abu Dhabi, UEM


ALLAA MAHAD LEH

 



Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.