War-Saxaafadeed
Hargeisa Cable Television (HCTV)

 

Xukuumadda Somaliland waxay isku dayaysaa in ay qaaddo Tallaabooyin ka dhan ah Xorriyatul-qawlka, Ra’yi cabbirista iyo madax-banaanida Saxaafadda xorta ah ee uu bannaynayo Dastuurka Qaranka Somaliland Qodobkiisa 32aad


, xubintiisa 3aad oo dhigaysa, ‘Saxaafadda iyo hababka Warbaahinta ee kale waxay ka mid yihiin xorriyadda aasaasiga ah ee ra’yi-cabbirista. Waxaanay leeyihiin madax-bannaani dhammaystiran, mana bannaana in wax tallaabo ah laga qaado, taas oo lagu cabudhinayo.’


Sidaas darteed, tallaabada ay Xukuumaddu ku doonayso in lagu hakiyo guud ahaanba Shaqada Telefishanka HCTV oo ka timi Koox yar oo ka mid ah Golaha Wasiirada, kuwaas oo dacwad u gudbiyay Xeer-Ilaalinta guud, waxay u muuqataa mid lagu doonayo in lagu Mijo-xaabiyo Warbaahinta Madaxa bannaan, taas oo marmarsiinyo u ah in Hay’adaha Warbaahinta maalinba mid Albaabada loo laabo.

Eedaynta Xukuumadda ee ah in HCTV uu faafiyay Warar abuuray fidmo isugu jirta Dil iyo dhac ka dhacay Deegaanka Gabiley, waxaanu u aragnaa mid Xukuumaddu Masuuliyaddii ay gaarka u lahayd kula galgalanayso, isla markaana dusha u saarayso Warbaahinta Madaxa bannaan ee uu ka mid yahay HCTV, maadaama HCTV uu Warka la xidhiidha shaqaaqada Ceel-berdaale uu baahiyay 24 saacadood ka dib markii falkaasi dhacay, halka Xukuumaddu ay ku been-abuurayso in HCTV uu Warka arrintaasi la xidhiidha baahiyay ka hor inta aanu shaqaaqadu dhicin. Taasi oo ah gebi ahaanba mid aanay waxba ka jirin.

HCTV wuxuu baahiyaa Warar iyo Barnaamijyo dhammaystiran oo dhexdhexaad ah, kuna qotoma xaqiiq iyo caddaalad. Kuwaas oo salka ku haya Xeerka Saxaafadda Somaliland iyo ka Caalamiga ahba.


Waxaana marag ka ah masuuliyadda ay iska saaraan isku soo dhawaynta dadweynaha iyo ilaalinta danta Qaranka ee caamka ah.

HCTV wuxuu diyaar u yahay difaaca dacwadda Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay waddo ee ka dhanka ah guud ahaan Warbaahinta Madaxa bannaan iyo shuruucda Caalamiga ah ee ilaalinta xorriyatul-qawlka. Iyadoo hore Xukuumaddu xabsiga u dhigtay Weriyayaal door ah, imikana ku talo-jirta inay fuliso tallaabo kasta oo u suurtogelinaysa inay xidho kuwo kale oo hor leh.

Waxaanu taageersanahay Qaraarka Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay ku hor-joogsatay eedaynta qaawan ee aan suurtogalka ahayn ee Xukuumaddu ku doonayso in masuuliyadeedii kaga xuub-siibato. Sidaa darteed, waxaanu Shacabka, Ururada rayidka ah, Hay’adaha Xuquuqal-Insaanka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Warbaahintaba ugu baaqaynaa in si wada-jir ah looga hortego tallaabooyinka Xukuumaddu ku doonayso in ay ku cabudhiso Xorriyatul-qawlka. Sidoo kale, waxaanu Warbaahinta Madaxa bannaan ee Somaliland u soo jeedinaynaa in ay ka hortegaan in la laalo madax-bannaanida Saxaafadda, kuna dhaqaaqaan tallaabooyin muujinaya wada-jir iyo in ay dareenkooda ku cabbiraan shaqo-joojin muddaysan.


 




ALLAA MAHAD LEH
 




Maxamed Cabdi (Ilig)
Madaxa Wararka HCTV, ahna ku-simaha
Guddoomiyaha ee Telefishanka