WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADDA
ARRIMAHA DIBADDA

 

 


17 October, 2010
 

Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta s ocdaal ugu kicitimay wadamada Deriska aynu nahay ee Djibouti iyo Ethiopia.

Socdaalka Wasiirku wuxuu qayb ka yahay dedaalka ay Xukuumudda Somaliland ugu jirto adkaynta iyo sii balaadhinta xidhiidhka Walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Somaliland iyo wadamada aynu  De riska nahay.

Sida laga warqabo waxay Dawladaha Djibouti iyio Ethiopia Dalka u soo direen Bishii July 2010, wufuud heer Wasiiro ah kuwaasi oo uu hogaaminayay Dhinaca Djibouti Mudane Cali Cabdi Faarax, Wasiirka  Isg aadhsiinta iyo War-faafinta, halka Wafdiga Ethiopiana uu hogaaminayay Mudane Maxamuud Dirir oo ahaa Wasiirka Dalxiiska.

Wufuudaasi waxay ka soo qayb galeen Munaasibadii uu Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud  (Sii laanyo) xilka kula wareegayay 27 July 2010, waxaanay Kulamo la yeesheen Xukuumada Cusub ee  So maliland, Kulamadaasi oo lagu falanqeeyey iskaashiga iyo Danaha ka dhexeeya Somaliland iyo  Dalalka asi.

Socdaalkan Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, wu xuu jawaab u yahay Safaradii ay wufuudaasi ku yimaadeen Dalka Somaliland, waxaana la rajaynayaa in si qoto-dheer looga wada hadlo sii balaadhinta Iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga Somaliland iyo  Da lalka aynu Deriska nahay.

Muddada uu Wasiirku Socdaalka ku jiro waxaa la filayaa inuu la kulmo Madax-sare oo ka tirsan  Dalalk aasi iyo Diplomaasiyiinta Shisheeye ee fadhigoodu yahay Gobolka.

Socdaalkan wuxuu ku soo beegmay xili Bulshada Caalamku u muujisay taageero iyo Iskaashi  Xukuuma da Cusub ee Somaliland, waxaanu Wasiirku inta uu Safarka ku jiro ka shaqayn doonaa Taageerada ay Somaliland ku leedahay Gobolka.