WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) wa xa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012
Xilal kala duwan ugu magacaab ay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo
wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo
wacyigelinta JSL, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Afhayeenka
Madaxtooyada JSL, iyo Maareey aha Telefishanka Qaranka ee madaxa
banaan.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka
iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilka loo magacaabay,
Wuxuu goaansaday
1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.
2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda
Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL.
3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka
Somaliland.
Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland waxa uu soo saaray xeer cusub
oo ah maareeyaha guud ee telefishanka qaranka, waxaanu yidhi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) wax a uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/249-1288/082012
ku soo saaray xeerka Abuurid Maareeye Madax bannaan oo maamula TV-ga
Qaranka JSL (Creation of an autonomous National TV Managing
Directorate of Somaliland) .
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland,
Markuu arkay; Baahida loo qabo in Dalku yeesho Telefishan Qaran oo
madax bannaan,
Markuu arkay; Inay lagama maarmaan tahay abbuurrid maareeye u madax
bannaan maamulka iyo maareynta hawlaha baahinta gudo iyo dibedba u
soo bandhigida barnaamijyada horumarineed ee dhismaha Qaranka,
Markuu tixgeliyey; Tijaabadii iyo talooyinkii masuuliyiinta kala
duwan
Markuu Tixgeliyey; Ahmiyada weyn ee abuurida Maareeyahani ugu
fadhiyo danaha Qaranka,
Wuxuu soo saaray Xeerkan
Qod. 1 aad Waxa la abuuray Maareeye madax bannaan oo maamula TV-ga
Qaranka.
Qodob. 2aad Waa Maareeye siyaasad ahaan, kormeer ahaan, talo iyo
tilmaan ahaan hoos imanaya Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta,
iyada oo warbixintana
uu si joogta ah ula socodsiinayo Wasiirka iyo cidii uu xilsaarto
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Line Ministr).
Qod. 3aad Wuxuu masuul ka yahay baahinta wararka, barnaamijyada
Siyaasadeed,
dhaqaale iyo bulsho ee qaran gudo iyo dibedba oo leh maqal iyo
muuqaalba
Qod. 4aad Maareeyaha Telefishanku wuxuu yeelanayaa qaab- dhismeed u
gaar ah.
Qod. 5aad Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa marka Madaxweynuhu saxeexo.
Waxa uu madaxweynaha Somaliland magacaabay la taliayaha arrimaha
siyaasadda ee madaxwe ynaha, ka dib markii uu abiib diiriye nuur oo
xilkan hore u hayay loo magacaabay wasiirka warfaa finta iyo
wacyigelinta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) wa xa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M//XERM/249-1285/082012
ku magacaabay La-t aliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad ee Distoorka Qaranka,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La Taliyayaasha Madaxweynuhu u
leeyihiin Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay,
Wuxuu goaansaday
In Mudane, Daauud Khayre Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado La-taliyaha Madax weynaha ee Arrimaha Siyaasadda.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xog-hayaha Gaarka ah
ee Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|