WARSAXAAFADEED

 

 

 

Ottawa (TNN)-Wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Md. Max amuud Xaashi Cabdi iyo Agaasimaha guud ee wasaarada, Md. Axmed Dalal Faarax,ayaa socd aal shaqo ku jooga dalka Canada...Agaasimaha guud oo ka war bixiyey wixii u qabsoomayna ,wuxuu war saxaafadeedkiisii ku yidhi:

 

"Wuxuu waftigu shir albaabaddu xidhan yahay maalintii Arbacadda 30kii bisha November, 2011 la yeeshay madaxda ugu sareysa hay’adda qaramadda-midoobey u qaabilsan maamulka hawadda ee loo yaqaan ICAO, wefiga jooga dalka Canada waxa ka mid ah wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo Canada ku yimid martiqaad uu ka helay hay’ada qaramada midoobey u qaabilsan maamulka hawada somaliland iyo somalia, sidoo kale waxa isna wefitiga ka mid ah agaasimaha guud ee wasaarada Duulista oo isagu horey Canada ugu joogey fasax.

Qodobadda shirkaas lagu gorfeeyey waxaa ka mid ahaa:

1.1. Gudbinta fariintii Madaxweynaha JSL
1.2. Mustaqbalka Mashruuca CACAS (CARETAKER CIVIL AVIATION FOR SOMAILAND/SOMALIA)
1.3. Qorshaha guud ee wasaaradd aDuulista Hawadda iyo GaadiidkaCirka
1.4. Maamulka Hawadda Jumhuuriyadda SL
1.5. Iskaashiga guud ee Wasaaraddda iyo ICAO

2. Waftigu wuxuu si rasmi ah ugu gudbiyey Ha’aydda madaxdeedda mawqifka siyaasadeed ee xukuumadda JSL ka taagantahay qaabka loo maamulayo hawadda jumhuuriyadda Somaliland.


Taasoo ay u cadeeyeen in aaney marnaba dawladda Somaliland aqbaleynin in cidgaar ah lagu wareejiyo maamulka hawada Somaliland/Somalia iyo in wax ka badel lagusameeyo hesshiiskii lala galey ha’yadaha UNDP iyo ICAO ee lagudhisey “GuddigaFarsamo- Steering Committee” bishee May 2011dalkaKiiniya.

3. Wafigu iyo Ha’ayddu waxay heshiis ku gaadheen qodobaddan hoos ku qoran:

3.1. In shirka qorsheysan bisha December 15-keed lagu qabto magaaladda Nairobi ee dalka Kiiniya ee ay isugu imanayaan guddigga Farsamo ee ka madax banana siyaasaddu(Steering Committee) si qoto-dheerna laguna gorfeeyo qodoban soosocda:

3.1.1. Warbixinta iyo qiimeynta ka soobaxdda guddigii farsamo ee Ha’aydda ICAO u dirtey in ay xoogagaal u noqdaan habsami usocodka mashruuca CACAS iyo guud ahaanba xaladaha madaaradda Somailand iyo Somalia.

3.1.2. In la xoojiyo awoodamaamul ee ay yeelaneyso “Guddigii Madax Banaanayd (Steering Committee)” ee lagu dhisey maagalda Nairobi dalka Kiiniyabishii May 2011, si ay u maamusho qorshaheeda mashruuca CACAS."



Agaasimaha Guud Ee W/D/H Iyo G/cirka
Axmed Dalal Faarax