WAR-SAXAAFADEED

 


 



Hargeysa (TNN)-"Shir ay Madaxweynaha iyo Sadexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen guriga Mada xtooyada JSL xalay oo taariikhdu ahayd 3.02.2012,Madaxweynuhu waxa uu uga waramay isbe del lagu sameeyay qaabkii shirka London ka qabsoomi doona 23.02.2012 waxaanu sheegay
 

In dawlada ingiriisku ogolaatay in dawlada Somaliland ku timaado shirkaas iyada oo ka gooni ah Somalia


Dawlada Ingiriisku waxay xaqiijisay in qodobka ku jira geedi socodka siyaasada (Road Map) uu gaar u yahay TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada ,iyadoo dawlada Ingiriisku cadaysay inaanu qodobkaasi khusaynin Somaliland oo aanu shaqo ku lahayn


Qodobada kale ee Ajandaha ku jira sida Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta I.W.M ,Somaliland waxay kala mid tahay dawladaha gobolka.


Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Koonfurta Soomaliya.


Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobola da hoos yimaada.


Sadexda Xisbi Qaran way soo dhaweeyeen isbedelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii sh irkaas loo tagayay isla markaana waxay sadexda xisbi qaran soo dhaweeyeen hab maamuuska dawlada Ingiriisku siisay Somaliland inay shirkaas kaga qayb gasho.

Waxa la isla qaatay in si wada jir ah Mucaarid iyo Muxaafidba loogu midoobo taabo gelinta Qara nka iyo Aqoonsi raadinta ,waxaa kale oo la isla qaatay in ergo ka kooban (Muxaafid iyo Mucaari d) lagu tago Shirkaas.


Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Ummada Somaliland inay u midowdo nabadda,Horumarinta,Aq oonsi raadinta iyo Dhismaha dalkeena.”
 

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE

Muuse Biixi Cabdi