War-saxaafadeed

 


 

 



Date;15,Dec,2011



Ujeedo: Wefti Xisbiga KULMIYE ah oo Socdaal ku tegaya Dalka Shiinaha



Wefti ka socda Xisbi-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kulmiye, ayaa maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 16,Decemebre, 2011 socdaal ugu kicitimaya Dalka Jamhuuriyadda Shiinaha.

Weftiga Xisbiga Kulmiye waxa hoggaaminaya Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo xubnaha weftiga ka mid ah Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Fulinta ee xis biga Kulmiye, oo ay ka mid yihiin; Mudane Maxamed Kaahin Axmed ,oo ah Afhayeenka xisbiga iyo Mudane Axmed Cabdi Xuseen oo ah xidhiidhiyaha hawlaha xisbiga.

Socdaalka weftiga Kulmiye ku tegayo dalka Shiinaha waxa uu ku saabsanyahay martiqaad ras miya oo hoggaanka sare ee xisbiga talada haya Dawladda Jamhuuriyadda Shiinaha uu ku casuu may hoggaanka xisbiga Kulmiye.

Sida u qorshaysan mudada socdaalka weftigu ku maqnaan doono dalka Shiinaha waa muddo hal todobaad ah.

Masuulliyiinta xisbiga Kulmiye mudada ay booqashada ku joogaan Dalka Shiinaha waxay la kulmi doonaan madax sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriyadda Shiinaha.

Labada dhinac waxay yeelan doonaan wadahadalo ku saabsan xidhiidhka iskaashi iyo wax wad a qabsi oo dhexmari doona labada xisbi xaakim ee labada Jamhuuriyadood, Shiinaha iyo Somalila nd.

Waxa kale, oo weftiga Xisbiga Kulmiye la kulmi doonaan masuulliyiin ka tirsan Xukuumadda Shiin aha iyo madaxda qaar ka mid ah Shirkadaha gabacsi ee Shiinaha iyo kambaniyada caanka ku ah maalgashiga debedda.
 

 




Xasan Siciid Yuusuf


Xogahayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye