WARSAXAAFADEED

 

 


10/03/2012




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) w axa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/03201 2 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.



1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac,



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula ji reen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.

Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul,

Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doo na



1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.





ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL