Warsaxaafadeed

 




AMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Date: 28/04/2011

Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku siamaha Madaxweynaha JSL Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay guddi heer qaran ah, oo agaasinta u diyaar garow ga sannad guurada 20 aad ee xuska maalinta qarranimada Somaliland ee 18 ka May.


Madaxwayneku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) guddidan heerka qaran ee uu u magacaabay, qaban qaabada xuska 18-ka May, oo uu gudoomiye u noqon doono Wasiirka arri maha gudaha, ayaa waxa ay kala yihiin sidan:-


1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
2. Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda.
3. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.
4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga
5. Wasiirka Wasaaradda dhalinyradda, Ciyaaraha, dhaqanka iyo Dalxiiska.
6. Chief Of Protoclka Madaxtooyadda
7. Agaasimaha Maamulka Madaxtooyadda
8. Badhasaabka Gobolka M/jeex
9. Maayarka Caasimadda Hargeysa.

Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa uu ku booriyey xubnahaa uu u magacaabay qaban qaabada xuska maalintaa, in ay muujiyaan taariikhda ku duugan munaasibada ay leedahay maalintan 18ka May, waxaanu faray in ay hawshaasi xil mugleh ay iska saaraan, isla markaana ay si degdeg ah uga hawl galaan agaasinkeeda.

 


ALLAA MAHAD LEH


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.