War
saxaafadeed

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka qasriga
Madaxtooyada ku qaabilay wefti 3 xubnood ka kooban oo uu hogaaminayo
Agaasimaha Xafiiska Qaramada Mid oobay u qaabilsan arrimaha
gargaarka Bini’aadamnimo (OCHA) MrJohn Ging.
Madaxweyne ku xigeenka oo ay kulanka ku wehelinayeen guddida Qaranka
Abaaruhu waxa uu weftiga uga waramay saamaynta ay abaartu ku
yeelatay Somaliland iyo in ay guddida abaaruhu 6 kooxood u kala
direen gobollada si ay u soo taabtaan xaalada dhabta ah ee ka jirta
deegaanadaas gobolada iyo saamaynta ay abaartu ku yeelatay dadka iyo
xoolahaba.
“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan
Ismaaciil Saylici iyo Guddida Abaaraha Qaranka Somaliland waxa ay u
bandhigeen weftiga xaaladda abaaraha dalka taagan, waxaana ay
tilmaameen in roobabkii la filayay inay wadanka ka da’aan xilliga
Gu’gu ay yaraadeen 60%, taasina ay dhalisay in abaaro aad ahi
saameeyeen Galbeedka Sool, badhtamaha Nuugaal, qaybo ka mid ah
Hawdka iyo xeebaha silsilada Golis.
- Waxa kale oo ay guddidu
warbixintooda ku xustay in dadka ku barakacaya abaarahan wad anka
gudihiisu ay gaadheen 45% qiyaas ahaan.
- Warbixinta guddidu waxay kaloo xustay in dalagii soo bixi lahaa
xilli roobaadku uu dhexdhexaad yahay gobollada Sool, Sanaag iyo
Togdheer, hase yeeshee gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo xeebta
silsilada Golis ayaa hoos-udhac wayni ku yimi.
- Dhinaca xoolaha waxay guddidu warbixintooda ku sheegeen inuu
hoos-u-dhac wayni ku yimi xoolaha 60%.
- Meelaha nafaqa-daradu ka jirto xaaladda abaareed darteed waxa ay
guddidu ku sheegeen silsilada Buuralayda Golis oo ay xaalada
nololeed aad u adag tahay, Hawdka ayaa isagana laga dayriyay,
dhinaca Nuugaal ayaa ka mid ah meelaha xaalada abaareed qalafsan
tahay.
- Guddidu waxay warbixintooda ku muujiyeen baahiyaha oo ay kaw ka
tahay in la dhiso Dhaamamka biyaha, meelaha u baahan in dhaamamka
laga sameeyana waxay kala yihiin Salal, Biji, Togdheer, Waaheen,
Oodweyne iyo meelo kale oo ka mid ah xeebaha.
- In la sameeyo wacyigelin iyo tababaro dhinaca digniinaha abaaraha
la xidhiidha.\
- In la helo 3 bilood raashinka
WFP ay ku quudiso dadka oo gaadhaya 24,000HH
- In la dayactiro 2400 Barkadood oo ku kala yaala 180 Tuulo wadanka
ka tirsan.”
Gebo-gabadii warbixinta Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa
weftiga u sheegay inay Somaliland xaaladadeedan abaareed la
socodsiisay wufuud badan oo ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo
beesha caalamka inteeda kaleba, balse aanay wax jawaab ahi kaga soo
noqon.
Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay weftiga in Somaliland
iyada oo duruufta as abaareed qabta hadana ay ka damqanayso
macaluusha taagan Soomaaliya.
Agaasimaha OCHA Mr. John Ging waxa uu Somaliland ku ammaanay
maamul-wanaaga iyo sid a ay xukuumadu u hogaamisay dedaalkii ay
abaarta iskaga caabiday. Waxa kale oo uu Somali land ku ammaanay
dareenka bini’aadamnimo ee ay ka muujisay xaalada Somaliland.
Dhinaca kalena madaxa weftigu waxa uu ka garaabay in ay qaramada
midoobay iyo beesha caalamkuba gaabis ka ahaayeen ka soo jawaabidda
baahida abaareed ee Somaliland oo ah mid la taaban karo. Hase
yeeshee waxa uu ku dhiiri-geliyay Madaxweyne ku xigeenka iyo g
uddida abaarahaba inuu socdaalkiisani ka duwan yahay kuwii hore oo
la heli doono jawaab deg deg ah.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|