Warqad Furan
Marka hore waxa salaan hawada u marinaya dhamaan
shacbiga reer Somaliland iyo wabse ydada madax banaan.
Tan iyo intii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni
isutaageeda, waxa ugu weyne ee ay hantiday waa nabad
gelyo iyo xasiloonaad. Taas oo ah waxa ugu horeeya ee
ummadi ku dhaqmi karto, Waxana aad iyo aad lagamarmaan u
ah in la ilaaliyo wixii taa c arqaladeenaya oo dhan.
Haddaba aniga oo taa tixraacaya waxa xusuusinaya
maamulka So maliland in ay ka digtoonaadaan aadna uga
fiirsadaan in ay iku dayaan in ay cabudhiyaa n axsaabta
siyaasiga ah ee dalka. Indhaweedba waxa aad mooda in ay
dowladu beyr ka qa bto dood dhixmarta axsaabta iyo
xukuumada, taas oo ah sida ugu haboon ee lagu sixi karo
wixii khaldan. Haddaba waxa la yaaable waxa ay dowladu
uga carareeso dood dhexmarta iyaga iyo axsaabta, ma
waxbay isuku ogtahay oo ay diideysa in la ogaado, mise
maamulke enii wuxuu u digarogta wadadii digtaatooriyada
oo ma ogola wax hadlaba. Maamulku haka ditoonaado in uu
qofkii haddlaba cunaha isaga duubo, iyo inay xasiloonida
carqaladeyso mid naba.
Doodu waa misaanka saxa wixii la
dhliilayo, wax dhibaato ah oo ku jiraa majiro in la wada
hadlo oo la saxo wixii khaldan. Haddii taa lawaayo wax
hagaagi kara majiro. Hadaba waxa haboon in xukuumada ka
tanaasisho cabudhinta iyo cagajiidka ay sameeynayso.
Qore: Cali Axmed Sh Musa
Email:
golwaraabe@yahoo.co.uk
|