Waraysi Gaar Ah: Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Hargeysa (TNN)-Gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe,
ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu
kaga jawaabay su’aalo badan oo ay bulshadu iska weydiiso
shakhsiyadiisa iyo weliba hanaanka siyaasadeed iyo maamul ee xisbiga
UCID iyo weliba urur siyaasadeedka Wadani ee uu hoggaamiyo
saaxiibkii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Faysal Cali Waraabe ayaa ku dooday inaan UDUB oo saaxada siyaasada
Somaliland ka baxday, micnaheedu ahayn in taariikhdii marxuum Cigaal
ku baaba’ayso, isla markaana xukuumada KULMIYE keligood awood u
lahayn wada hadalo inay la furan Soomaaliya.
Gudoomiyaha UCID, oo wareysi dhinacyo badan leh shalay xafiiskiisa
kula yeeshay weriye Maxamuud walaaleye, oo Geeska Afrika ka tirsan
ayuu ku sheegay in dareen shaki saarnaa in xukuumadu gacan ku lahayd
sifahii guddida Diiwaangelinta ururada iyo xisbiyadu u reebeen
ururadii hadhay, ururka WADANI-na u muuqdo mid qiil ka haysta
xukuumadda. Waxaanu waraysigii u dhacay sidan:
S: Gudoomiye, ugu horeyn warbixin kooban naga sii halka hawlaha
xisbiga UCID idiin marayaan, marka loo eego doorashooyinka soo socda?
J: Bismilaahi raxaamni raxiim, horta xisbiga bishan bisheedii
sannadkii Hore ayaa ilaahay mahadii la noo soo dhiciyey, oo
maxkamadu noo soo xukuntay. Waxaanan xusaynaa xilligan
sannadguuradii koowaad ee la soo laabashada xisbiga UCID. Markii
naloo soo xukumay dacaayado ayey suuqa noo geliyeen ah xisbigii UCID
wuu baaba’ay dadkii markii hore loo soo adeegsaday inay xisbiga
baabi’iyaan, maantana, Ilaahay mahadii waxaan nahay xisbiga ugu
quwadda weyn Somaliland, shalay annagaa ugu hor xereynay 21-kii
degmo musharaxiintoodii, saddex urur way nagu soo biireen, UDUB
badankeedii way nagu soo biireen. Maanta waxa noo banaanaatay
jagadii xisbiga ugu da’da weynaa, xisbiga UDUB bil ayuu naga
horeeyey samaysankiisii, bishaa soo uu ku qaatay magaca xisbigii ugu
horeeyey. Maanta waxaan taariikhda ku gelaynaa inaan nahay xisbigii
ugu da’da weynaa xisbiyada iyo ururrada Somaliland. Maanta waxa naga
baxay shakigii ahaa tolow UCID ma soo baxayaa-annaga marnaba shaki
naguma jirin oo Ilaahay ayaan ku kalsoonayn, ilaahay mahadii
shakigaasi wuu dhamaaday.
S: Sababaha xisbiga UDUB ku sheegeen inay qaadaceen doorashooyinka
deegaamada waxa ka mid ahaa diidmo Guddida Diiiwaangelinta Xisbiyada
iyo Ururradu ku deedefeeyeen musharixiin jagada Madaxweyne iyo
Ku-xigeen u sharaxeen UDUB, halka, xisbiga UCID hadaad tihiin
idinkuba magacowdeen musharixiinta jagada Madaxweyne iyo ku-Xigeen
aan la idiin diidin, waa maxay faraqa u dhexeeya labada magacaabis?
J: Horta, annagu (UCID) waxba maanu magacaabin, heshiis aanu
samaysanay (Memorandum of Understanding -MOU) ayuu ahaa. Annaga weli
Jamaal Cali Xuseen rasmi ah uma aha musharaxa yaga, iyagu (UDUB)
rasmi ayey ka dhigeen. Heshiis sideed qodob ah oo la doonayo in la
dhaqan geliyo, oo jaranj arooyinkii xisbiga maro ayaan samaysanay.
Isla markiina warqad ayaan u qorn ay Guddida Diiwaangelinta Xisbiyada
iyo Ururrada ugu sheegayno inaan Jamaal Cali Xuseen si rasmi ah u
ahayn musharaxa jagada Madaxweyne ee UCID, laakiin aanu wada galnay
heshiis qo dobo ka kooban annaga iyo Jamaal Cali Xuseen iyo
taageerayaashiisii garabkii UDUB. Hadii Ilaah yidhaahdo, waxii
Golaha Dhexe u baahan in laga sharciyeeyo, waan ka sharciyeyn, waxii
shir we yne u baahana, shirweyne wakhtigiisii ka soo hormara ayaan u
qabanaynaa.
S: Gudoomiye, xidhiidh dhow oo aanad la lahaan jirin xukuumadii hore
ee Daahir Rayaale Kaahin, ayaa idiinka dhexeeya xukuumada xilligan
ee Madaxweyne Axmed. Maxamed Siilaanyo, maxaa sababay? Mase loo
fasiran karaa wefdiyadda laga qeybgeliyo UCID inaad ku qanacsan
tahay keliya Gudoomiye, Faysal?
J: Maya. Annagoo aan nalaga qeybgelin ayaan annigu ku dhawaaqay oo
sheegay in marka arrintu tahay Soomaaliya, wa ain loo midoobo, maxa
ayeelay waa arrin qaran, ee maaha arrin xisbi, maxaa yeelay
xukuumada xsibiga KULMIYE keligeed awood uma lahayn inay wadahadalo
la furto Soomaaliya. Maadama, arrintu mid qaran ahayd, UCID keliya
ma ahayne, gollaha Wakiilada Somaliland-na way ka qeybgaleen. Wax
naga mamnuucaya kaalintayadii mucaaradnimo inaan qaadanana maaha.
Wax mamnuucaya ma jiraan in laga wada shaqeeyo arrin Qaran oo ka
sareysa marxaladii xisbinimada. Halkaan xilligan KULMIYE ka wada
ciyaarnaa waa meel xisbiyada ka sareysa. Annigu (Faysal) horaan u
sheegay oo waxa weeye, waxaa falanqeeya siyaasadeena dad aqoontoodu
liidato, aragtidooda siyaasadeed ku kooban tahay guddaha, oo heer
caalami aanay gaadhsiisnayn, arrintani aduunka oo dhan way ka
dhacdaa, waa arrin Qaran.
S: Sidaad u aragtaa dooda Xisbiga iyo Ururrada ilaa xilligan ka
hadhay saaxadii siyaasada Somaliland? Kuwa hadhi doona doorashada
deegaamada ka dibna, kula tallin lahayd inay u maraan
cabashooyinkooda ama dacwadahooda dariiqyada sharci ee maxkamadaha
awooda u leh?
J: Horta, immika xisbiga UDUB ayaa hadhay, waxaan maqlayey dadka
qaar leh, waxa baaba’aysa taariikhdii Marxuum, Maxamed Ibraahim
Cigaal, ee Somaliland inoo bilaabay. Waxaan leeyahay, horta, Marxuum
Cigaal SNL ragii wax ka sameeyey lixdankii ayuu ka mid ahaa, waa tii
iska baaba’day, Cigaal iyo taariikhda Somaliland way isku tidcan
yihiin (Ilaahay ha u naxariistee). UDUB oo saaxadda siyaasadda
Somaliland ka baxay, taariikhda Marxuum Cigaal kuma baaba’ayso.
Urruadii badankoodu xilligan Qabiil bay noqdeen, 70% waxa lagu
codaynayaa hab qabiil, weliba intay beelo ka tagtay ayey jilibo
tagtay, Gudoomiyaha xisbigaasi waa ayo ayaa la odhanayaa?. Markaa
maanta waxaan arkaa, in marka xisbiyada KULMIYE iyo UCID laga reebo
inta soo hadhay ku salaysan yihiin hab qabiil. Waanad arki doontaaye
hadhow kuwa hadha waxay odhan doonaan, hadaan annagu reer hebel
nahay yeeli mayno xisbi hebel, waa waxa soo socda, laakiin, annagu
hadii ilaah yidhaahdo, dhamaan degmooyinka aanu ka helo musharixiin
badan waxaan doonaynaa inaanan hab qabiil ku soo xulin Duqa degmada,
ee xisbiga ay ka soo baxeen uu isagu ka soo dhex magacaabo
musharixiintii u soo baxday ninka noqonaya Maayarka. Waxaan ku
talinayaa inaan durbaanadda qabiilka loo garaacin sidii lixdankii la
odhan jiray “Dhulka yaa leh? Annagaa leh.. ciida yaa leh?), oo sidaa
aanay innagu dhicin ayaan ka codsanayaa shacabka.
S: Gudoomiye, marar badan ayaad dhaliilo culus iyo eedo musuqmaasuq
u jeedisay xukuumadda xilligan tallada haysa, Iyo inay UCID u
reebayaan soo saarida urur kale, ma jiraan cadeymo xaqiiqo ah oo
musuqmaasuqaa iyo eedahaa ku saabsan ood haysaan? Waa kuma ururka
xukuumadu soo saarayso?
J: Diiwaangelintii ururadii la kala saaray ayaa waxuu ku fadhiyey
shaki ururaddii hadhay qabeen inaanay ku hadhin si xalaal ah ee
dawladu qaar u yeedhinaysay, laakiin, xilligan waxaad arkaysaa in
ururka WADANI dawladda qiil ka haysto. Madaxweynahu waa ninka
sharciga dalka ilaalinaya, tusaale, Gudoomiye, Cabdiraxmaan Ciro
waxuu fadhiyey booskii xisbiga UCID ugu doortay baarlamaanka, isagu
muu keenine, annagaa (UCID) markaanu qeybsanaynay shir gudoonka
nidhi waa kan xubintayadii. Dastuurkeenu waxuu qorayaa in saddex
xisbi keliya baarlamaanka fadhiyi karaan, ururadii hadhay waxay kala
galeen saddexdaa xisbi. Bal saxaafadu ha weydiiso Cabdiraxmaan Ciro,
waxaad tidhi waxaan ahay gudoomiyaha WADANI, xageed ka soo gashaa
baarlamaanka. Gaadiidkii dawladda ayuu wataa, laba milyan oo Dollar,
ayuu maamulaa, ninka ugu lacagta badan maanta gudoomiyeyaasha ordaya
weeye, anniga (UCID) markuu ila joogay kun dollar maanu haysan?
Dadkoo dhan ayaa na ogaa. Maanta isaga iyo Muuse Biixi (KULMIYE),
isagaa (Cabdiraxmaan Ciro) lacag badan, xaguu lacagtaa ka keenay?
Markaa, markaad aragtid xukuumadii oo ka indho qarsanaysa, oo aan
odhanayn, Cabdiraxmaan Ciro, waad khaldan tahay, oo sumcadii dhamaan
Somaliland, ayaad khatar gelisay, oo la leeyahay, waa noocee
dimoqraadiyadii aad sheegayseen, waa sidee Gudoomiyahii Baarlamaanka
oo xisbigii UCID yidhi waan ka baxay, oo labadii xisbi ee kale midna
aan ku wareegin, oo Gudoomiye Baarlamaan weli ah waa sidee? Xisbigee
ayuu ku metelaa Gudoomiyenimadda Baarlamaanka, markaa shaki baa ku
gelaya inuu gaashaan ka haysto xukuumadda, mar hadii ay kala
xidhootay waar is-casil?. Immika shaqadii baarlamaanku waa baylah,
olole doorasho ayuu gobolada ugu baxayaa, shaqada Baarlamaanku
maaha, (Part-time) waa mid dhamaystiran. Immikana xeer-Madaxweye
ayaa soo baxay, markaa waxyaalaha xukuumadda lagaga shakiyayo taa
ayaa kow ka ah.
S: Markaa, ma waxaad u jeedaa inuu ururka WADANI yahay ka aad
sheegayso ee xukuumadu soo saarayso?
J: Annigu (Faysal) sidaas ma odhan, laakiin, waxaan sheegayaa in
waddadii dawladu xaqa u lahayd inay tidhaahdo waa qeyral-sharci
adigoo xisbi ka baxay, oo mid kale aan gelin, xisbiyada, isla
markaana adigoo ururka WADANI ah gudoomisid Baarlamaanka?.
Xeerka-Madaxweyne, ee dhowaan soo baxdayna way sii culaysinaysaa.
S: Shir dhowaan beesha Ciise yeelatay waxay ku saaciyeen in xisbiga
KULMIYE iyo ururadda XAQSOOR iyo WADANI keliya taageerayaan, maxaa
kaaga baxay baaqaa? Miyaan UCID ku lahayn musharaxiin goleyaasha
degaanka beesha Ciise?
J: Annagu (UCID) waan ku leenahay musharixiin goleyaasha degaan
beesha Ciise, laakiin, fikradaasi waxay ahayd mid ay wateen rag gaar
ah. Gobolka Selel, wa ala wada degaa, rag baa ku taliyey xisbiga ama
ururka aan 17-ka xildhibaan-ba ka dhigin beesha Ciise cod ma siin
doono? Laakiin, annaga wakiiladayadii waxay cadeeyeen in meesha la
wada degan yahay, loona baahan yahay in loo qeybiyo dadka wada
degan, ragii fikradaa qabiilka ku dhisan ee weliba ka soo
burqanaysay meelo kale ka horjeeday ayaa annaga noo sharaxan, ee
lahaa waar magaalada ha naga ceebaynina? Kuwii ogolaaday fikradaa in
reer keliya laga sharaxo ayey raaceen oo sharaxdeen. Waxaan filaynaa
marka doorashadu dhaco, hadii ilaah yidhaah, xisbiyada tiro fiican
ka hela.
S: Gudoomiye, dad badan ayaa aamnisan in siyaasada UCID ka
bilaabato, kuna dhamaato Faysal, sidaad u aragtaa fikirkaa?
Miyaanse, magacaabidaada Gudoomiye-ku-xigeeno shirweyne awood u
leeyahay, daliil u ahayn?
J: Horta, annigu, (Faysal) waxaan ahay ninkii fikradda xisbiga UCID
keenay, fikrad walba cid baa keentay oo ay ku aroortaa, haddna,
taasi igama dhigayso inaan xisbigii dadka kale ka leeyahay,
shaqadiisa iyo hawl-maalmeedka xisbiga, waan u siman nahay.
Gudoomiye-ku-xigeenadayada badi waxa lagu doortaa shirweyne, hadii
markaa meeshu banaanaato, waxuu shirweynahu awood noo siiyey
intayada markaa hadhay inaan si ku-meel-gaadh ah u sii magacowno,
laakiin, wax aan keligay Faysal magacaabay ma jiraan, inta badana,
shirweynahii aanu qabsanay sannadkan ayaa lagu magacaabay.
S: Marar badan waxaad ku celcelisay in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
ururka WADANI, Cabdiraxmaan Ciro, ka dego xilka gudoomiye-nimada
baarlamaanka, hadii arrinkaasi suurtoobi waayo, maxaa idiinka
qorshaysan, doorashada-se ma ka qeybgelaysaan? Xisbiyada iyo
ururadda kale immisaa fikirkaa idinkula socda?
J: Xisbiyada iyo ururadda kale dhamaantood way nala qabaan in
Cabdiraxmaan Ciro sharci-daro ku fadhiyo gudoomiyaha Baarlamaanka,
laakiin, anniga wax badan waxa dhibaatada ii soo jiida Runta ayaan
sheegaa, qofkaa ku deydo ayaa ah Ilaahay raali ha ka noqdee Cumar
binu Khadaab, waan ka tashan doonaa, laakiin, immika wada hadalo
ayaa noo socda ururadda iyo xisbiga KULMIYE, arrinka maanta taagan
waa iyada iyo qodobka 6, oo aanu filayno in Cabdiraxmaan Ciro, wax
ka sameeyey. Xeerka no:14, dad baa ku magacaaba xeerka shirqoolka
UCID, oo annagaa naloo sameeyey. Aduunka waa mamnuuc in qof ka mid
ah daneeyeyaasha xeerka la samaynayo uu kaalin ku yeesho samaynta
xeerkaa. Isagoo urur samaysanaya ayuu xeerkan sameeyey, oo isku
tolay, isagoo UCID aasaya, arrinkaa waxaan doonaynaa inaan dawladda
kala hadalo, waxaan ka yeelaynana hadhow ayaan kala tashan doonaa
ururada iyo xisbiga KULMIYE.
S: Musharaxii jagada madaxweyne ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, iyadoo
hawlahii doorashooyinka deegaanku taagan yihiin ayuu socdaal nasasho
ku joogay Jabuuti, ma khilaaf jira darteed ayaa keenay?
J: Maya, hawlo xisbiga ayuu u tegay oo soo qabanayaa, nasasho maaha,
xilligana wuu soo laabtay, hadii ilaah yidhaah waxaan ku ballansan
nahay magaalada Sheekh. Wax khilaaf ah ma jiro, weligeed UCID la
iskuma khilaafin, berrigii dhoweyd ee saaxiibaday la soo adeegsaday
in xisbiga la baabi’iyo mooyee. Xisbiga UCID waa xisbiga keliya ee
isku tusnaa, wax kalena kuma imane, waxa la yidhaahdaa Faysal Waa
Keligii-taliye, oo kala-danbaynta ayey dadkeenu u yaqaanaan
keligii-taliyenimo. Hadii ilaah yidhaahdo mar danbe khilaaf soo geli
mayo UCID, doorkana, waxaan rajeynaynaa in wakhtigii UCID la
gaadhay, oo doorashada deegaanka, baarlamaanka iyo ta madaxtooyadaba
heli doono, hadii ilaah yidhaahdo.
S: Gudoomiye, mar labaad iyo saddexaad, ma ballanqaadi doontaa inaad
ku qanci doontaan natiijada ka soo baxda doorasha deegaanka, waxii
cabashooyin ama dacwado aad qabtaana u mari doontaan dariiqyada
sharci ee maxkamadaha awooda u leh, si nabadgelyo ah?
J: Annaga (UCID) waa nalagu yaqaanaa. Laakiin doorkan maanta ah
annagu gacanta kuma hayno tallada, arrintu maanta Siilaanyo, Faysal
iyo cid kale, ma taagna, intaas oo xildhibaan goleyaasha deegaanka
ayey taagan tahay, taan ka sii qeylinayaa ee leeyahay KULMIYE xil ha
isa saaro oo yaanu u dhaqmin sidii xisbi nala siman oo wax boobaya,
ee ha u dhaqmo sidii xukuumad ah, maalmo dhoweyd siday wax u socdeen
si shufto-nimo ayey ahayd. Immika wasiiro iyo xildhibaano badan ayaa
ku maqan olele goboladda, oo sahaydoodii la siiyey. Qaarkood ayaa la
leeyahay waxa la siiyey Kun kun Dollar inay ka soo saaraan
xildhibaano, waxa jira dad shaqaale ah oo shaqadii lagaga eryey
waxaad u janjeedhaan mucaaradka. Waxyaalahaasi hadday sii socdaan,
oo aanu aragno inay khalkhal iyo nabadgelyo xumo ku keenayso
doorashooyinka, waan ka tashanaynaa.
S: Sidaad u aragtaa dad kala duwan oo reer Somaliland ah, una tegay
Koonfur Soomaaliya ujeedooyin siyaasadeed, xilligan qorshaynaya inay
ku soo laabtaan dalka, in masiirkoodu noqdo?
J: Nimankaa sharci ayaa ka yaalay dalka. Kolay dadku siyaalo kala
duwan ayey isugu socdaan, laakiin, qofkii siyaasad u tegay iyo inuu
Somaliland ka wakiil yahay sharcina wuu ka yaalaa, Maxaweynaha
Somaliland-na wuu ka hadlay,waana denbiile.
S: Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow), oo dhowaan kaga soo baxay
xabsiga cafis madaxweyne, waxuu mar kale qoray hadaladii la mid ah
kuwii dacwadda loogu oogay, xisbi UCID ahaan, sidaad u aragtaa
mowqifka xukuumadu inay qaadato ku haboon?
J: Horta, Somaliland inooma yaal xeer sida Ingiriiska oo ah inaad
qof kasta wax ka sheegi kartid aan ahayn Boqoradda. Innaga xeer inoo
yaala marka laga yimaado diinteena muqadaska ah oo mamnuuc tahay in
wax la sheego mooyee ma jiro. Annigu uma hayo tafaasiil waxii uu
qoray iyo waxa lagu xidhay, laakiin, qofku wuu dhaliili karaa qof
masuuliyad haya, laakiin in sharaftiisa la ilaaliyo ayaa muhiim ah.
Laakiin, hadii xilka uu hayo qofku meeshii ay dalab ka leedahay laga
hadlo ama boqor ha ahaado ama suldaan ha ahaado inuu tilmaamo wax
denbi ah uma arko. Madaxweynahii hore (Riyaale) waxii lagu sheegi
jiray waan ognahay, iyo halkii lala gaadhi jiray. Annigu uma arko in
dadka lagu cabudhiyo maxaad wax u sheegaysaa, qofka wax sheegayana
inuu xaragadda ka tago maaha. Qofkii caytama ee qof madax ah waxaan
jirin ka sheega, annigu waxaan u arkaa inuu qofkaasi isagu wax
is-yeelay, isagoo weliba magaca suldaan ama boqor ama siyaasi sita,
waxaan qabaa inuu isagu wax isyeelay. Hadii dhaliili jirto in si
wanaagsan la isugu sheego waxaan filayaa inaanay denbi ahayn.
S: Halkee ayey ka dhacday in shaqaale dawladeed loogu hanjabo ama
shaqadii lagaga eryo waxaad u janjaadhaan mucaaradka?
J: Hargeysa iyo Berbera-ba way ka dhaceen. Badhasaabo, ayaa jira
iyagoo awoodii haysta dadka xidha, oo baabuurtii ku dhejiyey
calamaantii KULMIYE. Annigu waan ogahay inaanay waxaasi ka socon
dhinaca Madaxweyne Siilanyo, laakiin, isagaa ka masuul ah waxii ka
yimaada. Hadii aanu aragno in waxaasi sii socdaan, waxay ku filan
tahay annigoo beesha caalamka fariin Email-ah u dira ugu sheegayo
inay dhaqaalaha ay doorashooyinka Somaliland u hayaan naga
joojiyaan, maadama, nabadgelyadii khalkhal naga gelinayso. Xaddiga
fariimaha beesha caalamka iiga yimaada ee la igu weydiinayo arrimaha
doorashooyinka sidaan u arko, looma soo diro wasaarada Arrimaha
Dibedda Somaliland. Maxaa yeelay, annigu, waxaan ku caan baxay nin
dantiisa iyo ta xisbiga UCID ka horeysiiya ta Qaranka. Hadaan aragno
inaanay xukuumadda KULMIYE u wadi Karin doorashaa sidii xukuumadii
UDUB, oo khalkhal na gelinayso waan ka tashanaynaa, annagu ma
doonayno wax khalkhal na geliya.
S: Waxaad sheegtay in beesha caalamka aad xidhiidh dhow la leedahay,
oo lagu soo weydiiyo werwerka aad ka qabto qabsoomida doorashooyinka
Somaliland, ma dhici kartaa, sidoo kale in dhaqaale hoose-na idiin
soo maro xidhiidhkiina dhow awgeed?
J: Wax dhaqaale ah oo noo soo mara ama naga soo gala beesha caalamka
si gaar ah ma jirto, ilaa wakhtigii aanu mucaaridka ahayn codadka
waanu heli lahayn, hadaan dhaqaale haysano, waxa nalooga badin jiray
dhaqaale la’aan. Ilaa ku dhowaad labaatan sannadood oo siyaasada aan
ku jiray anniga iyo Somaliland waan isku sid-kanayn, marka
Somaliland la maqlo, Faysal waa la maqlay, marka Faysal la maqlana,
Somaliland waa la maqlay. Sidaa awgeed ayaan beesha caalamka
ixtiraam uga haystaa. Ilaahay waxaan ka baryayaa in doorasho
nabadgelyo ahi inoo dhacdo, aadna waan uga werwersan nahay, maxa
ayeelay way furan tahay, diiwaangelin ma jirto, hay’ado adag ma
jiraan, dadkii oo dhan ayaa wada siyaasi noqday, baarlamaankii ayaa
siyaasi noqday, iyagoo awoodii haya ayey haddana siyaasi noqdeen,
wasiiradii ayaa la leeyahay keena dad reerkiina laga sharaxo,
salaadiintii ayaa wada cararaya, markaa waxaan leeyahay ilaahay
nabadgelyo ha inoogu dhameeyo doorashadaa.
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|