Istanbul (TNN);- Iyada oo laga ambaqaadayo geeddi socodka
wadahadalka u dhexeeya Do wladda Federaalka ee Soomaaliya si looga
dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed, laga na shidaal qaadanayo
heshiiskii ay Madaxweynayaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaa liya,
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Somaliland,
Mudane A xmed Maxamed Silaanyo, ay ku gaareen magaalada Djibouti
bishii Disembar 2014, ayaa Do wladda Federaalka Soomaaliya, waxay
magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha
Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayna xubno ka yihiin
Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo.
Wafdigaasi wuxuu damaanad buuxda u haystaa in uu ergada Somaliland
kala xaajoodo arr imaha siyaasadda ee masiiriga ah.
Waxaa nasiib darra ah in wafdi ka socda walaalaheen Somaliland oo ku
sugan Istanbul, isla Hoteelka uu shirku ka dhici lahaa uu ku guul
darreystay in uu soo fariisto madasha wada h adalka, isaga oo la soo
baxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya matali kara.
Laba dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq uma laha in uu midka kale u
yeeriyo cidda ay tahay in ay matasho. Arrintaasi waxay xad gudub ku
tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo hab dhaqanka caalamiga ah ee
wadaxaajoodka.
Wafdiga Soomaaliya oo shirka la yimid niyad wanaag Soomaalinnimo,
wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul ka tahay
in uu qabsoomi waayay shirkani.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo mar walba u taagan
midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay
wadahadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midni mada iyo horumarinta
shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto.
Wafdiga Dowladda Federaalku wuxuu dib ugu laabanayaa caasimadda
Soomaaliya si uu wa datashi ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo
dhinacyada ay sida tooska u khuseeyaan wada hadalladani.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda
Turkiga marti gelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka
labada dhinac.
DHAMMAAD
Communications Department
Office of the Prime Minister
|