WAR-SAXAAFADEED

 


Sida aad la socotaan waxaa caawa kusoo gebageboobay qasriga Madaxtooyada shirkii qiimay nta wax-qabadka iyo qorshaha mustaqbalka, shirkaas oo socday mudo sadex maalmood ah, oo uu gudoominayay Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Silanyo. Waxaa kasoo baxay war-murtiyeedkan:

1. Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii sano ee la soo dhaaf ay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo...
 

2-Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%.

3. Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.

4. Shirku wuxuu isla qaatay adkaynta nabadgelyadda, la dagaalka argagixisada/budhcad-ba deeda iyadoo kor loo qaadayo tayada Hay’addaha amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.

5. Shirku wuxuu isla qaatay in Gobollada Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle laga sii wado nabada ynta iyo maamul-fidinta, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.

6. Shirku wuxuu isla qaatay in Horumarinta Cadaaladda, toosinta iyo kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha Cadaaladda iyo madax bannaanida garsoorka.

7. Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka faqriga.

8. Shirku wuxuu isla qaatay in qarankani baahi weyn u qabo sidii loo heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo iyo tix gelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.

9. Shirku wuxuu isla qaatay in la dejiyo siyaasadii guud ee dhulka lana illaaliyo degaanka.

10. Shirku wuxuu isla qaatay in bartilmaameedka 1aad yahay aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho dunida, in la sameeyo dib-u-habayn iyo diyaarinta siyaasad qorshaysan, xidhiidh fur-furan iyo iskaashi fiican oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ee Beesha Caalamka, sida Afri ca, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale in la xoojiyo doorka qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.

11. Shirku wuxuu isla qaatay in sanadkan Siyaasadda miisaaniyadda 2013 ku salaysnaato, xo ogana la saaro nabadgelyada, horumarinta Cadaaladda, xoojinta Siyaasadda arrimaha dibed da, Horumarinta Gobollada bariga (Sool, Sanaag bari iyo Buuhuudle), kor u qaadida shaqo ab uurka iyo wax-soo-saarka.

12. Shirku wuxuu isla qaatay ahmiyada ay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi u leeyihiin qaran, sidaa darted xukuumada waxaa ka go’an in doorashooyinka Dawladaha Hoose ugu qa bsoomaan si nabadgelyo ah xiligii loo cayimay.
 

 


Afhayeenka Madaxweynaha JSL

Axmed Saleebaan dhuxul