War deg dega: Wariyihii Gaarka Ahaa Ee Madaxweyne Siil aanyo Oo Ku Dha waaqay In Uu Ka Tagay Gabi Ahaanba Shaqadii Warbaahinta Dawlada Iyo Sababaha Keentay Iscasilaadiisa.

 


"Sababta ugu weyn ayaa ah in laygu Cunsuriyadeeyay warar aan ka diray Guddoomiyaha iyo Madaxda Xisbiga UCID oo ka qayb galay Shir Caalami ah oo ka dhacay dalka Turkiga" Maazim.....


Istanbul (TNN):- Weriyahii Gaarka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland ,Siciid Maasim Axmed Ca waale , Isla Markaana Ka Mid Ahaa Haldoorka Telefishanka Iyo Idaacadda Qarranka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay Inuu Gebi Ahaanba Iska Casilay Shaqadii Uu Ka Hayey Wasaaradda Warfaafinta Iyo Telefishanka Afka Xukuumadda Ku Hadla Ee SLNTV, Isagoo Qoraal Uu Goor Dha wayd Warbaahinta U Qaybiyey Mudane Maasim Ku Sheegay In Madaxda Wasaaradda Warfaafi ntu ay Ku Cunsuriyadaysay Warar Uu Maalmahii Ugu Danbeeyey Ka Soo Gudbinaayey Safar Uu Dalka Turkiga Ku Joogo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Weriye Siciid Maasim Axmed Cawaale Oo hadda Ku Sugan Magaalada Ugu Weyn Dalka Turkiga Ee Istanbul Oo Uu Jaamacad Kaga Jiro Ayaa Qoraal Uu Soo Gaadhsiiyey Warbaahinta Kala Duw an Oo Uu Sharaxaad Kaga Bixinayo Sababta Uu Isku Casilay Wuxuu Dhignaa Sidan:

"Marka Hore Waxan Salaan Qiimo Badan U Dirayaa Dhamaan Dadka Ku Hadla Afka Somaliga Ga ar Ahaan Kuwa Xiiseeya Warka,Warbixinaha Iyo Barnaamijyada Aan Sameeyo, Waxaanan Leey ahay Waad Ku Mahadsan Tihiin Sharafta Iyo Cisiga Aad Ii Yeesheen Oo Aad Idinku Horseed Ka Ahaydeen.

Waxa Aan Door-Biday In Aan Idiin Fasiro Sababta Kaliftay In Aan Ka Tago Guud Ahaan Shaqadii Aan Ka Hayay Warbaahinta Dawladu Leedahay Ee Tv-Ga Qaranka Somaliland Iyo Radio Hargeis a. Sababta Ugu Weyn Ayaa Ah In Laygu Cunsuriyadeeyay Warar Aan Ka Diray Guddoomiyaha Iyo Madaxda Xisbiga Ucid Oo Ka Qayb Galay Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay Dalka Turkiga Kaasi Oo Somaliland U Ahaa Fursad Dahabi Ah waxay ahayd Goob si weyn loogu maamuusay Somalil and oo magaceedu uu la sinaa Dalalka kale ee Aduunka ee Shirka ka qayb Gallay, Ma Garan ka ro Sababta Xisbi Qaran Oo Guul Taariikhi Ah Soo Hooyay Loogu Diido Tv-Ga Qaranka isla markaa na aniga oo Warka Tabinayay ay Masuuliyiinta Tv-Gu Gaar Ahaan Maareeyuhu uu ii eersado Xis bi Qaran oo Somaliland ah.

Sidaa Daraadeed Maanta Laga Bilaabo Waxan Ka Iska Casilay Dhamaan Hawlihii Aan Ka Hayay Warbaahinta Dawladda Gaar Ahaan Tv-Ga Qaranka Oo Noqday Goob Aan Laga Sheegi Karin Gu ulaha Ummada Ee Ay Soo Hooyaan Asxaabta Qaranku". Ayuu Yidhi Siciid Maazim Axmed Cawaal e Weriyahii Gaarka Ahaa Ee Madaxweynaha Somaliland Oo Qoraalkan Isku Casilay.

Weriye Maasim Axmed Cawaale Ayaa Tv-Ga Qaranka Somaliland Waxa Uu Ka Mid Noqday Shaq aalihiisa Rasmiga Ah Bishii July Sannadkii 2007-Dii Oo Markaasi Ay Ka Hawlgali Jireen Shaqaale Kooban Oo Tayo Leh Isla Markaana Isku Duuban Wakhtigaasi Waxa Uu Ahaa Suxufigii Ugu Da'da Yar Ee Ka Shaqaynayay Waxanu Ka Bilaabay Tv-Ga Qaranka Barnaamijyo Dhawr Ah Iyo Warar, 2008-Diina Wuxuu Ku Biiray Shaqaalihii Radio Hargeisa.

Markii Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo Ku Guuleysatay Doorashadii Madaxtooyada Somalilan d Sanadkii 2010-Kii Bishii Ogost Ayaa Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Weriyaha U Gaarka Ah Ee Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Waxaanu Si Hagar La'aan Ah Ula Shaqaynayay Ilaa 2010 Ilaa 17-Kii October Ee Sanandkan.

Sannadkani 2013 Oo Uu U Baxay Fursad Waxbarasho Oo Uu Ka Helay Dalka Turkiga, Taasi Oo Uu Ku Tagay Fasax Uu Ka Haystay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Md.C/Laahi Maxamed Daahir Cakuse Iyo Ku Xigeenkiisa Md.C/Waaxid C/Raxmaan C/Qaadir, Maareeyaha Tv-Gu Waxa Uu Wa khtigaasi Ku Maqnaa Dalka Ingiriiska, Waxaana Intaa Wixii Ka Danbeeyey Uu Maareeyaha Telef ishankaasi SLNTV bilaabay inuu Siciid Maasim ula dhaqmo qaab Qabiili Iyo Cunsuriyadeed.

Hoos Ka Daawo Warka uu Maareeyaha TV-ga Qaranku Ku Cusuriyadeeyey Wariye Maazim Axm ed Cawaale

 

 

 

 

 

 



Timacade News Desk
Istanbul,Turkey