Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Qaar kamida Shaqaalaha Telefishanka Iyo Wariye Xamse Cali Bulbul Oo Loo Magaacabay Madaxa Wararka

 


Isku bedelka Shaqaalaha ayaa ku soo beegmaysa Wakhti uu telefishanka qaranka Somalilan d Wax badan iska bedeleen ....


Hargeysa (TNN) - Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas, ayaa maa nta isku shaandhayn balaadhan ku sameeyay Hawlwadeenadda Telefishanka Qaranka Qaark ood.


Madaxii wararka ee Hore Maxamed Xuseen Cali ayaa laga qaaday booskaasi Iyadoo loo mag acaabay wariye Xamse Cali Bulbul oo dhawaan uu ku soo biiray Bahda Telefishanka qaranka, halka ku xigeenkii Wararka Axmed Saxardiid isna laga qaaday, Waxaana kaalintaasii loo mag acaabay Wariye Cali Axmed Cawaale oo hore uga tirsanaa Idaacadda Radio Hargeysa.

Isku bedelka Shaqaalaha ayaa ku soo beegmaysa Wakhti uu telefishanka qaranka Somalilan d Wax badan iska bedeleen isla markaana uu ku talaabsaday guulo hor leh, tan iyo intii uu madaxweynaha Somaliland soo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka iyo waliba maareeyaha Telefishanka Qaranka.

Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka mid ah wariyeyaasha Telefishanka qaranka ayaa dhinaciisa dedaalkii ugu badnaa geliyay sidii uu warar xiiso badan ugu soo diyaarin lahaa Telefishanka qaranka Somaliland, Waxaanu muddo kooban ku booday kaalinta madaxa wararka ee Telefishanka qaranka.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland