War Deg Deg Ah: Wariyihii Shabkada Soma liland.Org Ee Burco Oo LaXidhay

 

Ciidamada Booliska ee magaalada Burco ayaa maanta xabsiga u ta xaabay wariyhii Somaliland.Org uga soo wara mijiray magaalada Burco Foosi Saleebaan (Awbiindhe).



Burco  (Longlivesomaliland News) - Wariyahan ayaa lagu xidhay amar ka soo baxay badhasaabka gobolka Togdheer Jamac Abdilahi Biin. Inkasta oo ilaa iminka aanay soo bixin war cadeenaya  saba bta wariyaha loo xidhay, ayaa hadana lala xidhiidhinaya xadhigan warbixin ku soo baxday shabakadan wararka ee Somaliland.Org, warbixintaa oo wariye Fawsi Aw Biindhe kaga hadlay  musuqma asaq hadheeyay maamulka gobolka oo uu ku kacay badhasaabku. Warbixintaa oo badhasaabka aad uga cadhaysiisay.


Xadhiga waryahani ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili magaalda Hargeisa ay ku xidhan yihiin Wariyayaasha Horyaal Maxamed  Cis maan Sayid iyo Ahmed Saleebaan Dhuxul, iyo Tafatiraha HCTV  ca ble oo iyagu maalintii tobnaad ku xidhan xarunta CID’da, ilaa  imink ana aan wax danbi ah lagu soo oogin.

Wixii faah faahina ee la xidhiidha arintan kal a soco Somaliland.Org



Source: Somaliland.org