War Deg-Deg ah: Wariyayaashii Baryahanba u Xidhnaa Sharci Darada oo la Siidaayey

 


 


Iyadoo ay Bari ku Beegan tahay Maalinta Xuquuqal Insaanka Aduunka ee 10 December 20 13 ayaa waxaa Sii Daayey Ururka Xuquuqal insaanka Qaranka iyo Wasiirka Waxbarashad a.........


Hargeisa (TNN):-Madaxa wararka ee BulshoTV Siciid Khadar, Cabdisalaan Cabdirashiid oo ah Sawir qaade ka tirsan Bulsho TV, Sawir qaade Xasan Maal dhidar oo Universal TV ka tir sa iyo Tifaftiraha Xogreebnews Cabdicasiis Bashiir Nuur ayaa Xoriyadoodii dib u helay maa nta duhurkii ka dib todobaad ay Saldhiga dhexe ee Hargeysa ku xidhnaayeen.

Weriyeyaashan ayaa Boolisku xidhay wakhti ay qayb ka ahaayeen Mudaharaad warbaahin ta madaxabanaan ee Somaliland kaga cabanaysay sii daynta Nin horaantii Sanadkan weera ray Xarunta Hubaal oo Xukumaddu sii daysay.Xukumadda ayaa ku Eedaysay 4 Weriye ka qayb qaadashada Mudaharaad aan Sharci ahayn.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan iyo Gudoomiyaha Komishanka Xu quuqal Iisaanka Qaranka Fadxiya Jaahuur ayaa Damaanad ku sii daayay Afartan Weriye.

Dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa, Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland iyo warbaahinta ayaa Sharci darro ku sifeeyay Xadhiga Weriyeyaashaasi.

 



Jimcaale Dayib
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
jimcaaledayib@gmail.com