Wariyaha Caanka ah ee C/salaan Ibraahim Hereri OO booqasho ku joogay
wadanka Malaysia & jaaliyada Somaliland Ee Malaysia oo usamaysay
casuumad sharafeed qurux badan
Malaysia (TNN)-Wariyaha Caanka ah ee C/salaan Ibraahim Hereri Oo
todobaadkii u dambeey ay booqasho kujoogay wadanka Malaysia ayay
jaaliyada Somaliland Ee Malaysia usamaysay casuumad sharafeed si
qurux badan loosoo agaasimay.
Kulanka Wariyaha iyo Jaaliyada Somaliland ee Malaysia Oo Kadhacay
Caasimada Malaysia ee Kuala lumpur ayaa ahaa casho sharafeed
wariyaha soo dhawawayn iyo sagootinba looga dhi gay.
Wariye C/salaan Hereri oo ah madaxa barnaamijyada ee Universal TV,
kana shaqeeya Idaac ada Voice of America laanteeda Afka Somaliga
ayaa aad uga mahad naqay casuumada loo sameeyay.
Waxa uu jaaliyada oo ubadan arday kula dardaarmay inay waxbarashada
kudadaalaan. Isag a oo tusaale usoo qaaday sida ay Malaysia ugu
haboon tahay goob waxbarasho.
Wariye C/salaan oo ay ahayd markii ugu horeysay ee uu booqasho
kutago Malaysia ayaa qir ay horumarka uu gaadhay wadanka Malaysia.
Isagoo oo cadeeyay in fikradii uu ka haystey Malaysia ka hor
intuusan iman iyo tan uu maanta ku arkay ay aad u kala durugsan
yihiin..
Ahmed Ismail Abdi (Haji)
Msc. Banking and Finance
Kuala Lumpur, Malaysia
|