Wargeyska Caalamiga ah ee The Economist oo war bixin ka qoray xidhiidhka Diblomaasiyadeed
ee Somaliland iyo Taiwan
Hargeysa (TNN) :-Wargeyska caalamiga ah ee The Economist ayaa shalay
qormo ka qoray xidhiidhka So maliland iyo Taiwan.Wargeyska, ayaa wuxuu warbixintiisa ku soo daray wasiir ka tirsan
xukuumad da Somaliland oo aanu magacaabin oo u qirtay inuu safarada
ku galo baasaaboorkiisa labaad oo ah da lka Ingiriiska.
War bixinta The economist oo uu wargeysku soo turjumay ayaa u qornayd
sidan: “Midkood waa mid yar, oo si cajiib ah u guulaysty oo ah dal
dimoqraadi ah kaas oo uu u cago-jugleeyo deris ka wayn oo
keligiitalis ah oo u haysta inay ka mid tahay geyigooda. Ka kale waa
Taiwan. 9kii September Somaliland oo ah jamhuriyad gooni u taagan oo
dhacda woqooyiga Somaliya, ayaa ka furatay “xafiis wakiil” Taipei,
caasimadda Taiwan. Waxa ay daba socotay Taiwan oo bishii August si
la mid ah uga furatay xafiisa Ha rgeysa, caasimadda Somaliland.
Is-waydaarsiga xidhiidhada diblomaasiyadeed waa u af-genbi
Somaliland oo ku dhawaaqday madax-b anani sanadkii 1991, kadib markii
uu dhacy keligiitaliyihii u danbeeyey ee Somaliya, Siyaad Barre. Si
la mid ah Taiwan, magaca mooyee waa dal buuxa. Waxa ay leedahay
dawlad, ciidan iyo xuduudo. Waxa ay qabataa doorashooyin oo si ka
duwan Somaliya waxa inta badan 30 kii sanadood ee u danbeeyey ay
ahayd mid nabad ah. Waxa ay leedahay baasaboorro.
Sidaas oo ay tahay, hadana Somaliland halgan ayay u gashay inay
aqoonsi hesho. Wax ku dhow laba iyo toban dal ayaa aqoonsan
basaboorkeeda (wasiir dawladda ka tirsan oo haysta jinsiyadda
Ingiriiska [iyo ta Somaliland] ayaa qirtay inaanu isticmaallin
baasaboorka Somaliland; waa ka fudud tahay marka uu isticmaalo
baasaboorka uu siiyay Xafiiska Baasaboorada ee Boqortooyada). Ma
jirto cid u aqoonsan inay tahay dal madax-banaan, islamarkaana kursi
kuma laha Qaramada Midoobay. Muqdisho, caasimadda qaraxyada ee
Somaliya, diblomaasiyiinta joogaa si joogta ah ayay iskaga indho
tiraan jiritaanka Somaliland si aanay uga xanaajin siyaasiyiinta
maxalliga ah ee muranka badan ee u haysta inay ka mid tahay
[Somaliland] dalkooda.
Sida uu sheegay Liibaaan Yuusuf Cismaan, wasiir ku-xigeenka arimaha
dibadda ee Somaliland, Taiwan waxa ay u noqon karta dalkiisa is-bahaysi
qiimo badan, “Taiwan…waxa ay gaadhay horumar dhaqaale oo aanu ka
faa’iidaysan karno,” ayuu yidhi. Waxa uu tilmaamay in dhakhaatiirta
Somaliland mudo toban sanadood ka badan lagu tabobarayay Taiwan,
iyaga oo ku socdaala baasabooradooda Somaliland. Wax a uu ku rajo
wayn yahay in xidhiidhada rasmiga ahi ay keeni karaan faa’iidooyin
dheeraad ah. Berbera, magaalada boodhka badan ee ah magaaalada
labaad ee Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan, shirkad da reer
Imaaraad ee DP World ayaa ka dhisaysa dekad aad u wayn oo cusub. Mr
Cismaan wuxuu rajo ku qabaa in shirkadaha Taiwan inay halkaas [xafiisyo]
ka furtaan sidoo kale, si ay u horumariyaan shi daalka iyo macdan
qodista.
Haseyeesheee, waa siyaasadda juquraafiyadeed ta dabada ka riixaysa
xidhiidhka ee maaha dhaqaalah a. Tobonaan sanadood ka hor, Taiwan
waxa ay la lahayd xidhiidho diblomaasiyadeed xoogaa dalal ah oo ka
tirsan qaaradda oo ay ka mid ahaayeen Koonfur Afrika, markii [dawlada]
midab takoorka ah ka jirtay. Deymo iyo mashaariic caawimo ah ayaa ka
gacan siiyay Taiwan inay xidhiidh la yeelato dalalka faqiirka ah ee
sida Niger, Burkina Faso iyo Gambia. Balse Shiinuhu wuxuu ku
adkaystay in dalalku kala doortaan inay xidhiidh la yeeshaan Bejing
ama Taipei, midkood. Markii dhaqaalihiisu koray, dalalkaasi waxa ay
u wareegeen inay aqoonsadaan Shiinaha. Tan iyo sanadkii 2018,
Eswatini (oo ah boqortooyo aad u yar oo berigii hore loo yiqiinay
Swaziland) ayaa ahayd dalka keliya ee Afrika saaxiib kala sii ah
Taiwan. Hada waxa ay hasataa laba.”
Xigasho: Geeska
|