Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Lala Yeeshay Waraysi Xiiso Badan

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa dhaliilay saameynta siyaasada Xukuummada Somaliland ee arrimaha dibada, Islamarkana waxa uu tilmaamay inaanay uga dhex muuqan sidii la filayay Saaxada lagu lafa-guro arrimaha siyaasada Afrika ee Nairobo Kenya.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maal-mihii ugu danbeeyay socdaal howleed ku joogay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Sidaa daraadeed, wargeyska Ogaal si uu wax uga ogaado dhaq-dhaqaaqyada Waftiga Kulmiye iyo waxyaabaha ay ka wadda hadleen Saraakiil sar sare iyo dublamaasiyiin uu la kulmay ayaa waxa uu khadka Isgaadhsiinta ku xog-waraystay Gudoomiye Axmed Siilaanyo. Waxaana uu sheegay Gudoomiyaha Kulmiye in shirarka ay la yeesheen Siyaasiyiinta dalka Kenye iyo Safiirada ku sugan Nairobi maalmaha kooban ee ay dalkaa ku sugnaayeen inay uga soo baxday inaanu jirin olole iyo dedaal ku wajahan qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo xukuumada ka fuliso wadanka Kenya oo udub dhexaad u ah siyaasada Qaarada Afrika.

“Waxaanu arragnay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Kalonzo Musyoka, waxaa la noogu maqan yahay kullan aanu la yeelanayno Raysal-wasaaraha, waxaanu is arragnay Safiiro. Waxaanu la kulanay Saraakiisha Hayadaha qaramada midoobay…waxaasoo dhan waxaanu ka wadda hadlaynay arrimaha Somaliland oo ay ka muuqatay inaanay qaarkood war badanba ka heyn, xitaa waxaa nooga dha-dhantay Madaxweyne ku xigeenka Kenya markaanu la kulanay in weli ay u haystaan in Edna aadan Tahay Wasiirka Arrimaha dibada. Waan yaabnay meesha ay tegi jireen Cawil Iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaal. Mar haduu soo qaadayna (Edna) waxaa noo cadaatay inaanay malaha is aragba marka Qoladaasi (Wasiirada Xukuumada Somaliland) Kenya yimaadaan, runtu waa sidaa” Sidaas waxa yidhi Axmed Siilaanyo.


Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay in loo baahnaa in mar hore laga gallo Kenya dedaal dheeraad ah oo dublamaasiyadeed. Waxana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi, “Waxaa noo muuqata inay waajib ahayd in mar hore Somaliland Xafiis balaadhan ku yeelato halkan Kenya, waa meesha siyaasada Afrika laga hago ee ay ka socota, dunidana xidhiidho badan la leh” Gudoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland wakiil u magacawday Dalkaas, balse aanu jirin xafiis u furan iyo meel uu leeyahay toona. “Wakiil uunbaa la magacaabay, laakiin Xafiis iyo meel loo furay ma jirto..ninbaa ku magacaaban laakiin, wax lala qabtay iyo meel loo furay mid-na ma jirto. Balse, waa nin aad iyo aad u shaqeeya oo aanu ku hanbalyay-nayno dedaalkiisa.”


Waxa uu sheegay Axmed Siilaanyo inay Xisbi ahaan u tageen dalkaasi, aadna loogu soo dhaweeyay, mar uu arrintaa ka hadlayay-na waxa uu yidhi, “Si aad iyo aad ah oo laxaadleh ayay dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Kenya noo soo dhaweeyeen, dhalin yaro iyo waayeel Caleemo qoyan ayaa lanagala hor yimid..,…Allbaabo fiican ayaa noo furmay .. kulan weyn ayaanu Axada (Beri) la yeelan doonaa Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan oo aanu ugu waramaynaa..”


Gudoomiyaha Kulmiye su’aal laga sii weydiiyay goorta ay u balansanyihiin kulanka Raysal-wasaaraha waxa uu sheegay in lagu jiro Qorsheynta Kulankaasi.


Ugu danbeyna waxa uu ku dooday in socdaalkoodani u muujiyay meel looga baahanaa in xukuumadu uga ololeyso qadiyada madax-banaanida Somaliland, balse aan la sameyn. “Markaan soo ururiyo, waxaa nooga muuqda inay tahay meel aad la inooga baahnaa, inaynu dareen culus siino la inooga baahan-yahay. Waa meel Afrika oo dhami isugu timaado, dunidana xidhiidh fiican la leh weeye, Markaa, waxa la inooga baahnaa inaynu awood weyn iyo muuqaal weyn ku yeelano hadaynu doonayno in qadiyadeenu horumar sameyso.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


 


Ogaal