Waresysi lala yeeshay Siyaasiga
Maxamuud Cabdillahi Sifir




Hargeysa December 02, 2010(TNN)-Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir), oo ah siyaasi reer Somalila nd ah balse muddooyinkii u dambeeyay ku dhex jiray siyaasadda baaxaa degta ee dalka Somaliya, m arna noqday Raysalwasaare ku xigeenka mid ka mid ah dawladihii fashilmay ee Somaliya, loo dhisay ayaa ka hadlay aragtidiisa isbedelka siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay iyo arrimo kale.

Dr. Sifir, oo isagoo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu ka hadlay warar muddooyinkan soo baxayay oo sheegayay inuu ku soo jeedo  Harg eysa iyo aragtidiisa ku waajahan Somaliland, waxaanu ka dayriyay rajo ka soo muuqata nabad iyo degenaansho ka aslaaxa dalka Somaliya. Sifir, wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in mar walba la tixgeliyo rabitaanka shacabka Somaliland, waxaanu sheegay inuu dhawaan Hargeysa iman doono, w axase uu xusay inuu wanaag u imanayo.


Waraysigaas, uu Wargeyska Geeska Afrika, la yeeshay Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir), wuxuu u dhacay sidan:


Sidee ayaad u aragtaa isbedelka siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay?


Sida ii muuqata waxa is badalay nabadgalyadii oo sii adkaatay, wadadii dimuqraadiyada iyo wada  t ashigii oo sii kordhay doorashadii la sameeyay, waxaasina waa waxa adduunku ku horumaro, nabad da oo la adkeeyaa horumarka keena, aafooyinka ka hortagga, waxaasina waa wax suurtogal ka  no qday dareenka dadka, kartidooda iyo aragtidooda iyo wanaagooda, waana wax lagu faano ama lagu bogaadiyo.

Markastana barnaamijyadda aasaasiga ah waxa ka mid ah rabitaanka umadda oo wax waliba  rabita anka umadda ayuu ku xidhan yahay, markaa rabitaankii umadda waa la xaqiijiyay, markaa  arintaasi na wax hadda muran ka taagan yahay maaha oo ma jiro, markaa aad-baan ugu faraxsanahay  isbad alka ka dhacay (Somaliland) ee nabada ku dhacay, dimuqraadiyadda ku dhacay ee habsamida ku dh acay ee adduunka oo dhana wada qirayo.


Mudadii aad Somaliland ka maqnayd, maxaad ku maqnayd?

Koley waxaan ku maqanahay waad ka wada warqabtaan, wayna jirtay in markii doorashadii hore  d hamaatay aan qabtay Xamar, muddo ka dibna waxaan imid Magaalada Nayroobi waxaanan ka qayb-galay dawlada Soomaliya, ujeedadayduna waxay ahayd oo aan aaminsanaa haddii dadkan [Koonfur ta Somaliya] la dhex galo oo wax loo sheego in iyagga qudhooda la jihayn karo oo wado sax ah la m arin karo, dadku waa dad Soomaaliyeed oo isku baahan waana la isku khaldamay oo dagaalaa  dhac ay, markaa waxaan is idhi waxa la odhan doonaa dhibaataduna xagooda ayay ku badnayde  (Soom aliya) oo xageena [Somaliland] daganaansho iyo horumar-baa laga sameeyay, markaa waxaan idhi armooy waajibtahay waa dad wax la isku yahaye in iyaggana loo adeego oo la isku dayo in wax lagu taro ee may ahayn wax laga kala dooranayo oo la odhanayo taasina way xun tahay taasina way wanaagsan tahay.


Markaa suurtogal noqon wayday, dhibaatadiina way badatay, laakiin waxa aad isku daydo waa  ina ad laaca ka gaadhaa, waxan oo aad ogaataa inuu wax kuu dhimayo, inuu wax tarayo iyo inuu cid  k ale wax u dhimayo. Ka qayb-galkiina hadda waxa laga joogaa muddo afar sanadood ah, afartaa   sa nadoodna dibada ayaa ka ahaa oo kama mid ahayn.


Waxa jira warar sheegaya inaad Somaliland ku soo jeedo, taasi ma jirtaa?


Mar walba Somaliland dalkaygay ahayd, imikana waa dalkii hooyo oo cid walba waad ka xigtaa, cid walbana way joogtaa, markaa waan soo noqonayaa waanan imanayaa, wax aan wanaag ahayna u iman maayo.



Mawqifkaagii Somaliland ku waajahnaa ma is bedelay?

Somaliland mar walba waxaan aaminsanaa waxa dadkeeda rabitaankiisu yahay in la ogolaado. Rabitaanka dadkuna wuu is badbadlaa, laakiin ilaa hadda waxa muuqata in wax badala  rabitaankoo dii iyo go’aanadii ay qaateen wax ay ku doorsadaan in aanay meesha oolin, aniga qudhaydana iima muuqato.


Maxaad odhanaysaa beelaha ku dagaalamay deegaanka Kalshaale ee aad codka nabadda ku biirinay saa?


Colaadi waxa ay keento Koonfurta Soomaliya ayaan ku soo arkay, wax ay dhibto mooyaane wax  ka lena ma jiraan, markaa waxaan ugu baaqayaa oo aan kula talinayaa dadka oo dhan iyo kuwa ka  ma qanba inay waxooga wada hadal ku dhamaystaan, xal aan wada hadal ku imana ma jiro, dagaal wax xal ah oo uu keenayaana ma jiro wax dagaal loo galaana meesha ma yaalaan. Markaas waxaan ku baaqayaa in wada hadal lagu dhammeeyo wax kasta oo yimaada.
 

 


Source: Wargeyska Geeska Afrika