Waxaanu Rumaysanahay in Hogaamiye Afrikaan ahi uu ku Dhawaaqi doono
Aqoonsiga Somaliland” Waraysi - Wasiirka A/
dibeda Somaliland
“Runtii aad baan ugu farxi lahayn
hadii dal uuni ku dhawaaqi lahaa ictiraafka Somaliland. Markii
Bangaladesh goonida u go’day, waxaa markiiba aqoonsaday dalka ay
dariska yihiin ee India” sidaa waxa yidhi Wasiirka arimaha Debada ee
Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale, waxaanu intaa ku daray in aanay
Somaliland ka daalayn dadaalka ay ugu jirto sidii ay u heli lahayd
aqoonsi caalami ah.
Waraysiga wasiirkuna wuxuu u dhacay sidan:
S. Waxaa dhawaan qaraxyo lala beegsaday dhawr goobood oo muhiim ah
kana mid yihiin xafiiska ganacsiga ee Ethiopia ku leedahay
Somaliland iyo xafiiskii hayada UNDP, yaad u tirinaysaan in ay
weeraradaasi ka danbeeyeen?
J: Somaliland waxa ka dhacay qaraxyo aan noocoodu hore uga dhicin
geeska Afrika. Dawladu inta itaalkeeda ah waxay ku dedaashay sidii
loo yaqiinsan lahaa cidii ka danbaysay qaraxyadaas loona horkeeni
lahaa cadaalada. Shaki nagagama jiro in Al-shabaab ay ka danbaysay
weeraradaas. Ma aha wax la aqbali karro in Al-shabaab ay wax ku
dhibaatayso iyagoo adeegsanaya magaca islaamka. Islaamku ma aha diin
ogol in qofku naftiisa iyo naf kale toona xaq-darro ku dilo, waa
diin nabadgalyo. Ma ogola dilka qof aan waxba galabsan oo rayid ah.
Waxaanu nahay bulsho islaam ah, dawlada Somalilandna way la
dagaalami doontaa argagixisada, waxaanu xooga saari doonaa sidii
argagixisada cadaalada loo horkeeni lahaa.
S: Intee buu gaadhsiisan yahay xidhiidhka aad la leedihiin Ethiopia?
J: Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia waa mid xoogan .
madaxwaynahagu wuxuu la sameeyaa xidhiidh joogto ah raysal-wasaare
Meles Zenawi waxaanay ka wada shaqeeyaan xidhiidhka iyo danaha
labada dawladood. Anaguna sidoo kale waxaan wada shaqayn joogta ah
la leeyahay dhigayga Ethiopia Seyoum Mesfin iyo ku-xigeenkiisa Dr.
Tekeda Alemu. Labada dawladood waxay iska kaashadaan arimaha
ganacsiga, siyaasada, amaanka iyo dimuqraadiyada. Xidhiidhka labada
shacabna waa mid ku dhisan ixtiraam.
S: Waxaad muddo dhawr iyo toban sanno ah ku hawlanaydeen sidii
aduunku idiin aqoonsan lahaa, waa maxay rajada aad ka qabtaan helida
ictiraaf?
J: Somaliland waxba ula hadhi mayso sidii ay ictiraaf caalami ah ay
u heli lahayd. Ugu horayn, waxaanu ku dedaalaynaa sidii aanu u
gaadhi lahayn koboc dhaqaale, adkaynta dimuqraadiyada iyo aanu
aduunka u xaqiijino kala danbaynta aanu hirgalinay. Ta labaad
waxaanu xoojin doonaa dedaalka dhinaca diblomaasiyada ee aan ugu
jirno sidii aanu ictiraaf bulshada caalamka uga kasban lahayn.
Dawlado badan ayaa hadda isha ku haya qadiyadayada, tusaale ahaan
midawga Afrika oo ay wada shaqayn fiican naga dhaxeyso wufuud badana
hore noogu soo diray, indhahoodana ku arkay horumarka baaxada leh ee
aanu gaadhnay. Midawga Afrika waxaa uu si gaar ah isha ugu hayaa
xaaladaha ka jira Somaliland iyo Somalia oo ay ergay gaar ah u
saareen, taasina waa mid na dhiiri galinaysa. Waxaanu qabnaa in ay
jiraan waxyaabo badan oo aanu Afrika ku kordhin karno.
S: Yaad u malaynaa in uu noqon doono dalka ugu horeeya ee ku
dhawaaqa aqoonsiga Somaliland?
J: Runtii aad baan ugu farxi lahayn hadii dal uuni ku dhawaaqi lahaa
ictiraafka Somaliland. Markii Bangaladesh goonida u go’day, waxaa
markiiba aqoonsaday dalka ay dariska yihiin ee India. Dalalku way
midoobaan waanay kala bixi karaan haday daruuri noqoto. Arinta
somalilandna taas kama duwana. Hogaamiyayaasha Afrika waxaa xil ka
saaran yahay in ay aqoonsadaan Somaliland laakiin taas way ka
gaabiyeen. Waxaanu rumaysanahay in hogaamiye Afrikaan ah oo geesi
ahi uu jabin doono xayndaabka kuna dhawaaqi doono aqoonsiga
Somaliland.
S: Waa maxay aragtidaada ku aadan nabad la’aanta ka jirta Somaliya?
Sideebayse idiin saamaysay?
J: In nabadi ka dhacdo Somaliya waa mid cid kasta dani ugu jirto.
Waana sababta aanu caalamka marwalba uga codsano in dadkaas aanu
walaalaha nahay la caawiyo waayo dan baa noogu jirta in ay nabad
helaan.
S: Diblomaasiyiinta reer galbeedku waxay markasta tusaale u soo
qaataan in dimuqraadiyada Somaliland ka hanaqaaday ay tusaale u
tahay Afrika inteeda kale, idinku waxaad dhawaan qabanaysaan
doorashadii labaad ee madaxtooyada, ma laga yabaa in ay qalalaase
idiin horseedo doorashada ka dib sida hore uga ka dhacday dalal kale
oo Afrikaan ah?
J: waxaanu Somaliland ka soo bilawnay heer aanay waxbaba jirin,
dadkana waxaa hogaamiya cida ay iyagu doortaan. Markii ay dhacday
doorashadii ugu horaysay ee madaxtooyadu, xisbigii mucaaridku waxaa
uu ku andacooday in wax lays daba mariyay, cododka lagu muransanaana
waxaa ay ahaayeen sideetan cod oo kaliya. Dacwadii waxaa la geeyay
maxkamada sarre taas oo leh go’aanka kama danbaysta ah ee arinta
lagu muransan yahay. Dhamaan dhinacyadu waxay ku qanceen go’aankii
maxkamada sare. Hadda xisbiga aan ka tirsanahay ayaa hogaanka dalka
haya. Waxaa jira tartan dhab ah oo hab dimuqraadi ah loo marayo.
Xisbiga tallada haya wuxuu dheer yahay sagaal kursi oo kaliya
axsaabta kale ee mucaaridka kuraasta baarlamaanka. Waxaanu samaynaa
horumar xaga dimuqraadiyadayada marba marka ka dambaysa. Somaliland
waxaa ka jirta dawlad dastuuri ah oo ah xaqiiqada aanu kaga fogaanay
siyaasadii ku salaysnayd qabyaalada ilaa aanu soo gaadhnay heerka
aanu maanta taaganahay.
Waaheen
|