WARBIXIN JAALIYADDA SOOMALILAND EE WALES (1)

 


Cardiff (25 Nov. 2008) Waxa manta shirweyne si qurxoon loo soo agaasimay ka dhacay Madcamka Weyne ee Soomaliland, Docks, halkaas ooy ka soo qayb galeen Jaaliyadda Wales ee Soomaliland kaas oo lagu sharfaayey Guddoomiye Mud.Axmed Xasan Carwo oo xilkii Jaaliyadda ka nastay iyo in lagu soo dhoweeyo Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Mud. Cabdirahman Axmed Cawad. Waxa madasha ka muuqday odayadii Jaaliyadda, aqoonyahanno iyo dhalinyaro matalaayey bulshoweynta Soomaliland ee Wales. Xafladda oo isagu jirtay qudbado, xil-wareejin iyo qado sharaf, waxa lagu furay Aayado Quraan ah.

Waxa hadalka furay Ibraahim Carab oo ka tirsan shaqaalaha Jaaliyadda ee xafiiska SPA. Ibraahim waxuu tilmaamay sida mudada dheer uu Axmed Carwo u gutay waajibkiisa uu u hayey ummadda mushahar la,aan ay ku dheehantay dad jaceel iyo samofalnimo qoto dheer. Waxuu xusay sida wacan ee Axmed shaqaalaha iyo bulshadaba uu isagu waday iyo aragtidiisa, aqoontiisa iyo dabcigiisa oo dhammaan ku wajahan wax-qabad iyo wadajir. Waxuu kale uu Ibraahiim sidoo kale u sheegay in Guddoomiyaha Cusub ee Cabdiraxmaan Cawad ahaa gacan yare Axmed hawsha la waday oo kartideed iyo khibradeedba si mug weyn u leh Gud. Cabdirahman Cawad iyo Gud. Axmed Carwo

Intaas dabadeed waxa lagu soo dhoweeyey Mudane Axmed Xasan Carwo oo hadalkiisa ku bilaabay salaam iyo mahadnaq uu Alle iyo bulshadaba u fidiyey. Waxuuna yidhi:" Waxaa sharaf ii ah inaan hawshan aad igu sharafteen soo hayey muddo aad, iyo aad u dheer aan kaftameey waxaan marar badan is idhi anigoo sanadkii Madaxweyne Riyaale Madaxtooyada galay isagoo Madax/xigeen ah hawshan qabtay, intaanu Madaxweynahu kaa hor tegin meesha bannee... oo waliba isaga waaba la dul joogaaye anniga marna aydaan mucaarid iyo riixid aydaan iila iman. Waa mid xiligan aad u yar. Waana galad iyo abaal aan idiin hayo. Tan maantana sidaan hore idiinku sheegay waxaan ahay nin geedi ah oo bariga dhexe iyo dalkii hooyo Insha Allah dhekhso ugu socda.


Waxa Mud.Axmed Carwo si faahfaahin aha uga hadlay waxqabadka Jaaliyadda iyo waxa qorshaha ugu jira. Waxuuna yidhi: " Waxa xafiiska Jaaliyaddu qabtaa hawlaha bulshada Wales ee ah talo-bixino la xidhiidha waxbarashada, shaqo-gelinta, arrimaha guryaha, arrimah qaxootiga iyo jinsiyadda (Immigration and naturalisation), iyo hawl kasta oo la xidhiidha arrimaha bulshada ( Social Services). Waxa taas wehelisa midda idinku dheer ee ah taakulinta dalkeena hooyo. Waxaanu ku hawlgelnaa waa dhiirigelintiina, iyo dareenkiina aad u sareeya ee dalkeena Soomaliland. Dhinaciina waxaad aad noogu canaanataan inaanu gaabis nahay. Waana canaan fayow oo waxaad rabtaan in hawsha la kordhiyo. Waana xaqiiq ah in marwalba waxa la qabto, wax ka badan la qaban karo. Reer Soomaliland se waxay Cardiif u yaqaanaan xidig ka tilmaaman Jaaliyadaha kale. Waana ammaan aynu wado leenay. Waxa xaqiiq ah in dareenkiinu yahay kan awoodda galiya cid kasta oo daal iyo gaabis ka muuqdo. Taariikhda Cardiff waa mid odayadii inaga horeeyey jideeyeen kolkii halgankii gobannimodoona ee 1950naadkii ay ahaayeen kuwo la barbartaagnaa taakulin dhaqaale iyo rayiba. Waxa xigtay kaalinta cad ee ay ka qaateen halgankii SNM oo watii Siyaad Barre laga sheegay...Cardiff ma SNMbaa leh....

Haddaba mudadii aan xilkan hayey waxa aynu noqonay gacan dheer oo dawlad iyo mucaaridba u adeegta una agaasinta madal ay kaga hawlgalaan sidii magaca iyo maamuuska dalkeena loo gaadhsiin lahaa daafaha dunida. Waxaaba la yidhaahdaa inaynu nahay xafiis dahsoon oo ka tirsin Wasaaradda Debedda ee Soomaliland. Wayna ogyihiin ooy inagu mahadiyaan Wasiir Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Madaxweynahuba. Waad ogtihiin safaradii Madaxweynaha iyo wufuudii kaleba kaalinta uu ka qaatay xafiisku. Kolna hurdo wacan muu helno Agaasime C/Kariim ilaa ay dib uga dhoofaan garoomada London.
Waxa Wales ahaan na soo siyaartay iyagoo hawl qaran gudanaaya Guddoomiye Xigeenkii Wakiilada Cabdiqaadir Jirde, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiye xigeen Samaale , Wasiirada Maxamed Xashi, Wasiir Edna Aadan, Madaxweyne Xigeenka, Labada Guddoomiye ee xisbiyada Kulmiye iyo UCID iyo wufuud xisbi oo kale, Wasiir Cabdi Xasan Buuni, Wasiir Xigeen Cismaan Cali Buuri, Wasiir Xigeen Xildhabaano seddexda xisbi ah.

Dhinaca arrimaha bulshada iyo horumarinta, waxa ina soo gaadhay oo weliba aynu taageero dhaqaaale siinay Guddiga Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Jaamacadda Burco, Kuliyadda Golis. Waxa sidoo kale aynu soo dhoweynay Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud oo wax weyn inaago sheegay hawsha ay bulshada u hayaan, waxa taas mid leeg daris qiime leh ina siiyey Guddoomiy Saciid Gees ee Machadka Nabadda iyo Dimuquraadiyada, iyo Guddoomiyaha Haatuf Group Yuusuf Cabdi Gaboobe. Waxaan la iloobeyn socdaalkii Mayorka Hargeysa Jaciir. Dhinaca dhaqanka iyo hidaha waxa wacdarro murti iyo sugaaneed aan inagaga bakhaylin Abwaanada Maxamed Gaariye iyo Xasan Cabdilaahi Ganay. Abwaan Hadraawi horraantii sagaashanaadka ayuu malaha waxbaba reebin, oo naguma soo noqon....malaha waa la gaadhay xili uu soo rogaal celiyo...Waxa iyana jooga oo ina sugaaya Abwaanada uu ku jiro tiirka weyn ee Cali Sugule, Tarabi, iyo Shaaciir... iyo qaar kaleba.


Annigoo si gooni ah uga soo warami doonaa hawlaha inoo qabsoomay iyo waxa qorshaha inoogu jira, aan halkan ku soo uruuriyo dareenkeyga iyo xusuusta aan Cardiff u hayo. Waxa aan ah nin nasiib wacan oo helay bulsho si sharaf leh ii maamuustay rag, dumar, waayeel iyo dhalinba, una dul qaadatay muddo dheer oon marna 11 sano aan i tusin diidmo iyo garbin. Waxaan xusayaa garabka haweenka Jaaliyadda oo si xishmad, dhaqan iyo asluub diineed gaar isu maamula, hawlaha inta badan nala qabtay qaar u gaar ahna fuliyey. Dhinaca dhaqaale bixinta iyagaa inoogu mudan oo qaatay qaybta libaax, weliba qaar u gaar ah bixiyey sida Jeelka Dhalinyarada ee Minjo Caseeye iyo mashaariic dumar oo kale.Iyagaana runtii ka dambeeya dhaqan ilaalinta iyo asluubta suuban ee Jaaliyadda Cardiff lagu yaqaan. Waxaad tihiin Jaaliyad dareen fog, si xamaasad leh ugu ololeeya ictiraafka iyo dhismaha dalkeena Soomaliland. Waxaa tihiin injiin aan daalin, haraadin oon qaboobin. Waxaan hubaa haddii kulka dareenkiinu ku jiro hoggaanka dalkeena, golayaasha sharcidejinta, kuwa deegaanada iyo shaqaalaha mid direes gashan iyo mid dhar cadba, in dayaxa miynaan gaadhneyna, aynu hiigsan lahayn....

Taas waxa ka dhasha canaan fayow iyo hadal hayn xamxam badan bal se nuxurkeedu yahay ...waxa faraska usha loogu dhuftaa waa ha badiyo..Annigoo og in Cabdirahmaan Cawad yahay nin mar walba tani ku soo dhacaysay, haddana kolkan canaantu waa toos waana daran doori, waa se teenii Cardiff oo kama duwana wiil aabahii garabka ka riixaayo...amba Cabdiraxmaan u arag tii aad Ceeri ku taqaaneen ee jaanta aad ku dari jirteen waa taayadii Bari..... Waxa C/rahmaan anigoo si gaar ah dardaaran iyo tusaaleyn u siiyey una siin doona inuu mudnanta siiyo hagaajinta xafiiska iyo casriyeenta Jaaliyadda dhinaca sharciyada iyo nidaamaka isku xidhka xafiisyada dawliga ah een la shaqaynu. Waa mid aynu muddo wadnay, bal se aan weli dhammaan, ee ha noqoto mid taabo qasha si dhammeys tiran...

Maanta aan ku soo jaro mahadnaqa aan idiin hayo yar iyo weyn, rag iyo dumar inaan is cafino oo muddada dheer een xilka hayey, kolna qalad leygama waayaayo, waxaan se ku niyad samay inaanan marna qalad u badheedhin. Waxaana xaqiiq ah in mar walba waxa aynu qabano wax ka badan la qaban lahaa. Waad salaaman tihiin. Meel kasta oon tagana waa ii hawl bulsho iyo magaciina oon kor u qaado Insha Allah.

Waxa isna ereyo kooban ka yidhi madasha Guddoomiyaha xilka la wareegay Cabdirahmaan Axmed Cawad oo yidhi " Mahad ka dib. Waxaan la soo shaqeeyey Axmed muddadaas oo dhan. Waan aqaan inta qof la yaqaan. Waa nin danta guud wax walba ka hor mariya, dadwadeen ah oo bulshada isku haya. Waxaanu mudadaas dheer ku wada joognay waa danta guud, oo waxa hubaal ah hadday danno gaar ah aanu meesha ku qabno, inaanaan intaaba wada joognayn. Waxa dadka kala kaxeeyaa waa danta gaarka ah, waxa isku xidhaanaa waa danta guud. Waxaan idiin balan qaadayaa inaan hawsha halkan ka sii wadno oon waliba sii kordhino, oo sida Axmed sheegay aan casriyeeno oon ku soo xidhno sharciyada iyo nidaamada cusub ee dalkan. Waxaan ahay nin canaan, toosin iyo tusaaleynba idin diyaar ah oo albaabkeygu idiin furan yahay... Waxaan Axmed Carwo ugu bushaareynayaa in hawsha uu odayga ka ahaa aanu adkeyn doono, meel kastana aanu la garab joogno taageero iyo gargaar. Waynu wada soconaa.."

Sidoo kale waxa magaca odayaasha ku hadlay, Oday Maxamed Qaarlibaax oo mahadnaq iyo amaan dabadeed tilmaamay inay marwalba rabaan in la hawlgalo oon la nasan oo hawsha la kordhiyo, canaan waa naga intaas. " Waanu ogsoonay magaca aad Cardiff iyo Soomalilandba u soo hoyseen, bal se hays dhiganina oo hawsha sii kordhiya. Axmed Carwana waxaan leeyahy mahadsanid, meeshaad tagtana ducaan ku raacinay ee Illaahay wax wanaagsan ha kuu hibeeyo...sidoo kale ayaan duco iyo soo dhoweynba u fidinayaa C/rahman Cawad.." ayuu yidhi oday Maxamed.

Waxa hadalka qaatay Cabdikariim Adan Agaasimaha Jaaliyadda oo isagoo ka wakiil ah shaqaalaha si xoog ah u tilmaamay wax qabadkii Axmed iyo dareenka wacan ee shaqaalaha. " Waxaan ahay nin nasiib wacan oo la soo shaqeeyey Axmed oo ah nin aqoon, akhlaaq iyo hawlkarnimaba aan waxba xafiis ahaan naga hagran. Waxaan hubaa inaan waxba noo qabsoomayn haddaan gacanta iyo maskaxda Axmed nala joogin. Aniga waa ii dareen gaar ah, sidoo kale ayaan u nasiib wacanay oo waxa xilka haddana la wareegay walaal aanu muddo dheer wada shaqaynay oo hawsha nagu seddexeeyey..." ayuu yidhi C/karim. Waxuuna u gudbiyey shahaadad sharaf Jaaliyadda iyo Shaqaalahu ay wadajir u siiyeen Gud. Axmed Carwo oo uu guddoonsiiyey Guddoomiye C/rahman Cawad.
La soco warbixinta waxqabadka Jaaliyadda Cardiff qaybta labaad

 

 


Ahmed Hassan Arwo