Warbaahinta Dunida Oo
Qaadaa-dhigay Hadal Shalay Somaliland Ka Soo Saartay Xaaladda Sii
cakirmaysa Ee Soomaaliya

Warbaahinta dunida qaarkood, ayaa ka hadlay Warka Dawladda
Somaliland Shalay ka soo saartay Xaala dda siyaasadeed ee Soomaaliya,
taasi oo sii cakirantay markii ay qaban kari wayday Doorashada
Baarla maanka oo cod iyo qof ah, taa beddelkeedana uu Baarlamaanka
wakhtigiisu dhamaaday uu muddo-kordh in laba sanadood ah u sameeyay
Madaxweyne Farmaajo, ka dib markii muddo-xileedkiisii dhamaaday
8-dii bishii February ee sannadkan 2021-ka.
Warbaahintu waxay si gaar ah diiradda u saareen hadal ku jiray War-saxaafadeed
Wasaaradda Arrima ha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee
Somaliland ka soo saartay xaaladda Soomaaliya, taasi ay Bee sha
Caalamka ugu baaqday in aanay Somaliland daba wadin Dawladda
fashilantay ee Soomaaliya, balse ay si gaar ah ula Macaamilaan
Somaliland.
Wargeyska Business Week, ayaa qoray War-bixin dheer oo uu Ciwaan uga
dhigay “Naga Saara Siyaasad da ah Somaliland-Soomaaliya”, taasi oo uu
ku muujiyey sida Somaliland u doonayso in Beesha Caalamku ula
macaamisho si Madax-bannaan oo aanay daba wadin Soomaaliyada
fashilantay.
Wargeysku wuxuu sheegay in Somaliland mar kale ku celisay in aanay
ka mid ahayn dowladda Muqdisho isla-markaana ay sii wadi doonto
shaxdeeda siyaasadeed ee ku aadan dowlad madax-banaan, maaddaa ma oo
Somaliland tahay mid 30-kii sanadood ee u dambeeyay
Dimuqraadiyaddeedu ka dhex ifaysey Gees ka Afrika, sannadkana u
diyaar ah inay qabsato doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada.
|