WARAYSIGII DHEX MARAY GAR,ADAG IYO YIROWE [ SHEEKO ]
Ramadaan kariim sanad wanaagsan dhamaan umada muslimiinta meel
kastoo aad joogtaan dhamaan
waraysi dhex maray saleebaan yirowe iyo jaamac gar,adag
JAAMAC .......waar saleebaan bal waran
saleebaan yirowe .......waar jaamac maxaan waramaa sawtan ilaa
gaaroodi dhagax lagasoo gurtay ee sideenii tuuryo la bilaabay
-jaamac gar,adag....... imisaynu dhagax tuuraynay laga barayba laga
badi reer hargaysa hadaanan idin sheegin
- saleebaan yirowe....... kaalay ma afartii cishee aad hagaysa
joogtay ayaad waxan oo kalgacal reer hargaysa ugu
qaaday.
jaamac gar,adag.......... waar niyoow inaga daa ilaaqdoo bal warka
isii maxaad haysaa
saleebaan yirowe........ maxaan dee hayaa sawtan ninkii aadan waqaf
loo diidan yahay maaha inuu xisbiga qabsado
ee meel kasta mudaharaadka laga dhigaayo.
jaamac gar,adag......... horta kaalay inagu miyaynaaan dalka ka
talin oo madaxwayne ka ahayn
saleeebaan yirowe ..... nacam waa ka talinaa ala ha daayee xaaji
axmed maxamuud siiraanyo ayaaba haya talada dalka
jaamac gar,adag ....... guurtidana saw kama talino inagu
saleebaan yirowe.......... nacam xaaji saleebaan ayaaba guurtida
hogaanka u haya
jaamac gar,adag ......... imikana waxaynu doonaynaa inay ka talino
xisbigii ucid
dee adeer sidani cadaalad maaha ma dalkii dhamaa ayaynu rabnaa
inaynu
kaligeen ka wada talino dalkuba sadex xisbi ayuu leeyahay ee hadaynu
laba qaadno
umada kale ma faraaajiinbaa.
saleebaaan yirowe......... ala madaxa ala madaxa ilaahbaan ku
dhaartee madaxa ayaa i kacsan abidkaaba nacasbaad ahayd
bal waxaasi wuxuu ku hadlaayo eega.
dalka hadaynaan ka talin yaa kalee u soo halgamay ee ka talinaaya
miyaanad waar ogayn inaanu dalkan anagu dhisnay oo maal gashanay
waryaa inan yarbaad taheee mar danbee yaan waxaa lagugu maqlin
jaamac gar,adag .............udub oo kaliya ayaa hadhee ayadana
goormaynu ku daraynaa kkkkkkkkk
saleebaan yirowe.............. waar ina mari waxba ma ogide udub
lafteeda anagaa gacanta ku haynee
waar ma cid baa dunida ku hadhay sawtaan cankaa dhigay maaha
kkkkkkkkkkkkkkkkkk
jaamac gar,adag .............. bal waayee inoo ducee oo ducada ilaa
hargaysa gaadhsii burco kaliya haku soo koobin
saleebaan yirowe...............waar bal ina mari aan dahabshiil sii
marnee anaa aqaana sida laguu aamusiiyee
ujeedadaada oo dhan waan fahmayaa iyo filimkaaga suuqaa maalmahan
kugu xun
mar waxaagu waa kiis iska waalwaal .
jaamac gar,adag walaahi mayee inaadeer xaqa in la sheego weeye dee
hadaynu dulmi isku raacno saw cadaab ku wada gali mayno
ilaaahaw cadaalada na garansii oo nin jeclaysiga naga fogee .
sheekadii jaamac gar,adag iyo saleebaan yirowe halkaa ayay ku
dhamaatay ramadaan wanaagsan kaftanku waa furan yahay
laakiin dunuubta waawayn inaga ilaaliya
wabilaahi tawfiiq
Siciid
Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London |
|