Waraysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Fannaanada Maryan Mursal Ciise

 

 “Heesta ‘Cudurrada La Dabar-Goynayo Caashaqa Halagu Darro’, Jacayl Baa Laygu Dhiibay, Laakiin Fankaa Waxay Noqotay In Fankaba La Igaga Eryo”
Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ayaa heesaheedu waxa ay yihiin kuwo xambaarsan dareen uu ka dhadhamayo Jacayl iyo boholyaw, kaas oo uu qofkasta oo baddweynta Jacaylka mar uun galaan dareyba xusuusta labaatiisa beerqaada marka uu dhegaysto codkeeda halaasiga ah. Haddaba wareysi dheer oo wargeyska Haatuf la yeeshay dhawaan Fanaannada weyn ee Maryan Mursal Ciise ayaa waxa uu u dhacay sedan.

S: Kolayba fanka fanaanniintu wakhtiyo kala duwan ayey soo galeen, adiga hablihii aad isku xilliga ahaydeen ama isku dhawaydeen yaa ka mid ahaa?

J: Wey badnaayeen waxay ahaayeen ilaa siddeed gabdhood oo aad u caan ah waxa ka mid ahaa Hibo Maxamed, Faadumo Qaasim, Baxsan, Maandeeq, Farxiya Cali, Xareedo Isaaciil Duniya iyo Magool, laakiin markii dambe ee laysku darey fanaaniintii Radio Muqdisho iyo kooxdii Milateriga waxa noo timid Faadumo Cali Nakruuma, beryihii danbena waxaa nagu soo biiray Saynab Cige, Saado Cali iyo qaar kale oo badan.

J: Fanka waxa la yidhaa waa hidde markaa ma jirtaa cid Faamligiina ka mid ah oo aad ka raacday ?

J: Horta aniga Aabahay Mursal Ciise magaaladan Hargeysa ayuu iman jirey oo gaadiidley ayuu ahaa gobolada u kala goosha, waxaana la ii sheegay heelooyin badan oo halkan looga tiriyey oo ay ka mid tahay “magaalo dhan buu masruufi jiree allow mursal ciise soo celi”

Aabahay laftiisu wuu balweyn jiray xilligiisii oo aanay fanaanniini jirin oo xilligaa Baabuurleey ayuu ahaa waanu balweyn jirtey, waxa kale oo jira Faamligayaga reer Bootaan oo dhan ayaa wada fanaaniin ah oo qaar heesaan, qaarna way buraan-buraan, kuwa aan xiitaa fanaaniinta ahayn ee aan caanka ahayni way buraanburi jireen .

S: Ma jiraan heeso aad adigu laxanka iyo codka aad u samaysay?

J: Haa way jireen, waxa jirtay Riwaayadii hablayahow hadmaad guursan doontaan, heesta ay wada qaadayaan Cabdinaasir Macallin iyo Hibo Maxamed ee magaceedu yahay (wadnaha iyo waax-yahayga kii waraabinaayey dhiigow) anaa laxankaas sameeyey, waa markaan barbaradka ahaa, laakiin hadda marka codka la ii samaynayo sidaa ka dhig iyo halkaa kadu ayey hadda iga taagan tahay, laakiin waagaan yaraa waan isku dayi jirey samaynta codadka.

S: Waxa jira in ninka abwaanka ahi marka uu Riwaayadda samaynayo inuu ujeedo u samayn jirey ama dhacdo ka samayn jirey, oo marka Riwaayada la dhigo uun la ogaan jirey, markaa marka la idin qaybsiinayo heesaha ma ogaan jirteen ujeeddada Riwaayada, mise sida wararka qaar baa odhan jirey waa danbe ayaa la ogaan jirey ujeeddada dhabta ah ee Riwaayada?

J: Abwaanada waaweyn ama fiicfiicani iyaga oo jacayl kuugu dhiibaya ayey siyaasadaysnaan jirtey, waxaad ogtihiin in dawladdii ay dadka cadibi jirtey oo fanaanniinta ay wax ka dareento ay cadibi jireen, oo waad ogtihiin tii aniga laygu cadibey ee Riwaayadii hablayahow hadmaad guursan doontaan ku jirtey oo aan u haystey jacaylka ee ahayd Culimada adduunkee Caafimaadka Baadhaay Cudurada la dabargoyn Caashaqa halagu daro, taas oo dhib badan laygu geystay oo xiitaa shaqadii laygaga saaray anigoo afar dhal ah, oo aan markii dambe Tagsiile noqday, si aan carruurtayda u korsado, habeenkiina iska rogo ayaan wadi jirey, maalintiina Tagsi, taas oo cadho darteed, anigoo fanaanad caan ah oo Soddoh ah ayaa waxa la ii geliyey suuqa wax aanay waxba ka jirin oo show baad samaysay la yidhi, si sumcadayda iyo magacayga loo baabiiyo, taas oo heesta waxaasi laygu geystey aanan anigu lahayn oo Nin Riwaayad jacayl ah iigu dhiibay oo dhibaato badani iga soo gaadhey

S: waxa jirta in aanad adigu weli fankii ka hadhin oo aad weliba horumar weyn ku samaysay, welina gacanta ayaad ku haysaa bal arrintaa ka waran?

J: marka uu qofku qaxo wax badan ayuu dareemayaa, waayo aniga oo xidig ka ah waddankayga ayaan ka qaxay oo qurbaha tegay oo naagtaa madow mooyee wax Maryan Mursal I yidhaahda aan waayey, markii dambe een dedaalay oo koox samaystay oo jaraa’idka laygu soo qoray ayaa maalin aniga oo Bank lacag ka qaadanaya ayaa gabadhii joogtey Banku igu tidhi iyada oo ku hadlaysa af Denish oo ay tidhi ma Maryan ayaad tahay, markaas ayaan ugu celiyey maanta waa maalintii iigu farxada badnayd mar haddii aad garatey inaan Maryan ahay oo fanaanadii Maryan ahay aad garatey waa maalintii iigu farxada badnayd.

Markaa maanta lixdan jir ayaan ahay anoo sagaal jir ah ayaanan shaqo bilaabay, waayo hooyaday wiilal may dhalin sidaa darteed si aanay hooyaday gabdhaha wiilasha dhalay u baryin ayaan nacnac suuqa ku iibin jiray, oo riyadaydii ii rumowday anoo toban jir ah ayaan guriga wax walba soo dhigay, oo cidii wax I waydiisata aan odhan jirey hooyo soo sii, oo carshaantii gurigayaga ka beddelay oo aan daar u dhisay, oo hooyaday tidhi haddaba iska guurso oo adigu guri yeelo, oo aan sidaa guri ku yeeshay.markaa maanta waxaan taaganahay wakhtigii la nasan lahaa ayaan gaadhay , laakiin cid I nasiisaan waayey taasaana igu keliftey in aan masraxa taagnaado ilaa hadda.

S: fanaaniin badani waxay sheegeen inay hadda joojiyeen fankii, markaa ma ku talo jirtaa inaad ka hadhid mise waxaad jeceshahay inaad sii wadato fanka ?

J:anigu markaan yaraa waxaan odhan jirey shaqeyso oo markaad waynaato aad tusbaxa iyo saliga is dul dhigatid oo illaahay agtiisa aad udhowaatid, laakiin hadda waxa igu sii hayaa waxa weeyi dalkaygii oo burburay, calankaygii xabada ahaa oo kala qaybqaybsamay, dadkii oo aan laysku keeni Karin oo meel xun kala gaadhay,ayaan damcay in aan qolo walba dhankeeda ugu ciyaaro oo aan u heeso, waagay isku soo noqdaana aan u heeso, oo qolo waliba maalintooda u ciyaaro ilaa kuwa Itoobiya aan u ciyaaro, Somaalida kale ee calankoodii buluuga ahaa haystana aan u ciyaaro, oo mid walba aan sito oo dadkaygii weeyaana aan qolo walba dhankooda ugu ciyaaro, markay qoryaha dhigaan ee dalkoodana nabad ka dhigaana aan u ciyaaro.

Haatuf