Waraysi
Khaas ah oo Jamhuuriya la Yeelatay Guddoomiyaha Urur Cusub oo Lagaga
Dhawaaqay Washington
Waxa dhawaan lagaga dhawaaqay dalka Maraykanka, gaar ah
caasimaddiisa Washington urur la magac-baxay Water for life Project
si uu wax uga qabto biyo la'aanta ka taagan Somaliland.
Haddaba, si aanu waxa uga ogaano ururkan iyo hawlihiisa ayaa
tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Times London Mr. Cabdixakiim
Maxamed Sheekh la xidhiidhay guddoomiyaha ururkaas Marwo Nura Ahmed
Waris, waxana ugu horreyn la weydiiyey sababaha ay u aasaaseen
ururkan?
Marwo Nuura oo ka jawaabaysay su'aashaas waxa ay tidhi; "Waxa uu
fikirkani nagu dhashay markaanu aragnay baahida biyo la'aanta ah ee
ka jirta dalkeena gaar ahaana caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo
biyo la'aan xoog leh ka jirto, iyada oo maanta dadka Hargeysa ku
nool lagu qiyaaso inay kor u dhaafeen hal milyan oo qof, halka
biyaha magaaladaasna waagii hore loogu talogalay dad aan ka badnayn
toban kun oo qof, waxana iminka Hargeyas ka jira baahi aad ah oo u
baahan in wax laga qabto, waana sababta nagu kelliftay inaanu
ururkan samayno si aanu intii awoodayada ah wax uga qabano baahidaas.
S: Sidee ayaad u hawlgalaysaan, waa maxayse tallaabada koowaad ee
aad qaadaysaan?
J: Marka hore waxaanu doonaynaa in aanu samayno qorshe, qorshahaas
waxa uu bud-dhig noqonayaa in aanu si qoto dheer u baadhno baahida
biyo iyo sida ay suurtogal ku noqon karto in la sameeyo iskaashi ka
yimaad dhinacyada dadweynaha, xukuumadda, qurba-joogga, hay’adaha
calaamiga ah, gaar ahaanna kuwa Maraykanka si loogu hawlgalo wax-ka-qabashada
baahidan darran ee biyo la'aantu keentay, taas marka la helo waxa
markaas bilaabmi kara ku-dhaqaaqidda si hawshan wax looga qabto.
S: Goorma ayaad ku talo jirtaan inaad hawshan bilowdaan?
J: Waxaanu ku rajo weyn nahay in aanu sida ugu dhakhso badan aanu
hawshan uu gudo-galno.
S: Arrintani waxay uu muuqataa mid aad u balaadhan, dhaqaale badana
u baahan, markaa yaa idinka caawinayaa?
J: Horta su’aal aad uu ballaadhan ayaad ii weydiisay waanaad ku
mahadsantahay, fikirkan markii uu nagu dhashay waxaannu ka eegnay
dhinacayo badan, hawl kasta marka la galayana arrinteedu ma yara.
Qorshahayaga waxaannu u qaybinay dhawr weji oo kala ah:
In ururkan aannu sharciyaynay oo uu ka diiwaangalinay dalka
Maraykanka, taasina waxay noo suurtogalin doontaa inaanu dalka
Maraykan ka samayno kaalmo ururin (Fund Raising) oo aanu hay'adaha
samafalka, shirkadaha iyo kuwa khayriga ahba u weydiin doono
dhaqaale, sida oo kalana aanu dadweynaha reer Somaliland ee
qurba-joogga ah iyagana u bandhigno mashruucan si gacan uga geystaan,
waaxannu markaas aad ugu rajo weynahay inay dadweynaheena gudo iyo
dibadba ay mashruucan soo dhaweyn doonaan oo ay ka qaybqaadan
doonaan sidii dalkeena baahiyaha biyo la'aneed ee ka jira aynu wax
uga qaban lahayn innaga oo wadajir ah, waana tiirka koowaad ee
nolosha biyuhu, iyadoo aanay cidna horumar gaadhi karin biyo la'aan.
S: Marwo Weris waxaad ka shaqaysay ama gacan ka geysatay ururro
samofal oo door ah, dadweynaha wax ma uga sheegi kartaa ururrada aad
ka soo shaqaysay ama aad imika ka tirsan tahay?
J: Waa runtaa waxaanan muddo aad u dheer intii itaalkay ah gacan ka
geysanayay kolba meesha ama ururka aan u arko inuu dalka iyo
dadkeena wax u qabanayo. Iminka waxaan xubin ka ahay ururka
Somaliland Forum oo in badan ka qaybqaatay mashaariic horumarineed
oo dalkeenna laga fuliyay, sidoo kale waxaan xubin ka ahay ururka
saaxiibtinimada ee Edna Friends Hospital, Kulliyadda Badda ee
Berbera oo aan iyadana ka qayb qaatay kaalmo ururinteeda, halkan
Maraykankana waxaan ka mid ahaa guddiga sare ee Somaliland Community
Minneapolis
wixii faahfaahin ah ee ururka ku saabsan waxaad kale xidhiidhi
kartaan
nurawaris@yahoo.com
Source:Jamhuuriya Online
|