Waraysi Dheer oo Lala Yeeshay Badhasaabka Gobolka Gabilay oo Ku Sugan Norway

 

Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Mudane Maxamed Axmed Cabdi “Xabiib”, oo socdaal ku maraya dalal ka mid ah Yurub , ayaa waraysi dheer siiyay saxaafada madaxa banaan, isaga oo ku sugan Magaalada Oslo ee dalka Norway, Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S/: Mudane, Guddoomiye Muxuu ku salaysan yahay Socdaalkaagu?

J/: Socdaalkaygu wuxu ku saleysan yahay, maadaama la i saaray masuuliyadda Gobol cusub. In aan ku baraarujiyo baahiyaha gobolkaa cusub dadka reer Somaliland. Gobolkaas oo ah gobolka ugu balaadhan ee wax soo saarka, xoolaha, macdanta iyo ganacsigaba maanta ugu horeeya, in aan baahiyihiisa asaasiga ah soo bandhigo.

S/: Guddoomiye Gobolkan Gebilay waa Gobol cusub, baahiyo badan oo asaasiyana wuu leeyahay. Markaa, maxaa intii aad xilka haysay kuu qabsoomay? Maxayse yihiin baahiyaha imika taagani?

J/: Gobolka waxyaabaha ka qabsoomay intii aanu joognay waxa weeye waxaanu dhisnay Guddi Horumarin Gobol. Guddigaas oo u xil saaran baahiyuhu say u kala muhiimsan yihiin inay iyagu fuliyaan iyo qaadhaanka laga ururinayo Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa inay gacantooda ku dhacaan. Markaa guddigaas oo ah dad aqoonyahano ah, ganacsato ah, wagarad ah. Kuwaas oo ah haddii maanta dadka gobolka cid wax lagu aamino kuwii lagu aamini lahaa.

Waxa kale oo noo qabsoomay in aanu abaabulay Dhismaha Jaamacad. Annaka oo booqasho ku tagnay Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud, si aanu talo iyo tusaale uga soo qaadano jaamacadahaa naga horeeyey. Jaamaddaana waxa Digreeto ku ogolaaday Madaxweynaha JSL Mudane, Daahir Rayaale Kaahin oo aanu mahadaa u hayno.

Waxa kale oo noo qabsoomay in aanu wacyigelin sameynay annaka oo la kulanay Salaadiinta, Aqoonyahanada, Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Dadka ku hawlan ganacsiga, annaga oo ku baraarujinay in gobolka Iskaa Wax u Qabso lagaga shaqeeyo oo qof waliba Muruq, Maskax wixii uu awoodi karo, xitaa ka kelmad wanaagsan odhan kara. Taana waan ku baraarujinay.

Waxyaabaha kale ee noo qabsoomay waxa ka mid annaga oo dhaqaajinay Maamulkii Gobolka oo markii hore ahaa heer Degmo, kuna baraarujinay in Saacad Shaqada la soo galo Saacadna laga baxo. Diiwaanana la saxeexo si loo dar-dar geliyo hawlaha gobolka.

S/: Guddoomiye waxad tahay guddoomiyaha ugu nasiib badan goboladii cusbaa ee la bixiyey, sababtoo ah dadka reer Gebilay waa dad u heelan inay gobolkooda wax u qabtaan. Muddo dheerna gobol raadinayey. Markaa gobolkuna waa gobol hodan ah xagga beeraha iyo wax soo saarka. Wax Hay´adaha ama Dawladda dhexe ku soo kordhiyeen intii gobolnimada la siiyey ma jiraan?

J/: Een, masalan waxa ka mid Madaxweynaha JSL Mubane Daahir Rayaale Kaahin ayaa ugu deeqay laba ceel oo biyo laga soo saaray intii gobolnimadu jirtay. Hadda ka horna ceel baa jiray wakhtigii jiilaalka sanadkii hore la sameeyey meesha Batro la yidhaahdo. Halkaa waxa laga sameeyey laba ceel oo kale oo aad u biyo badan. Ceelashaas oo la filayo inay haqab-tiraan biyaha Gebilay, Kalabeydhka iyo Wajaale. Waxaanan ku rajo weynahay in xagga biyaha haqab beel weyni gobolka ka jiro.

Waxa kale oo aanu helay oo balan qaad noo sameeyey laba bilood gudahoodna wax noogu qabanaya Hay´adda OXFOM iyo Hay´adda HAVAYOKO oo sameyn doona insha allaahu ceelashii Geed Balaadh iyo Dameero Boob. Kuwaas oo ku kala yaal Degmada Wajaale iyo Degmada Allaybaday, iyadda oo xilliga jiilaalka ah dadku ka cabbaan.

Xagga wax soo saarka xoolaha iyo beeraha iyaga laftooda balan qaad baanu haysanaa, Hay´adda IFAD(International Fund Agriculture Development) oo UN-ka ah waxa nooga yimi wefti balaadhan oo ka koobnaa ilaa Todoba Qof. Kuwaas oo ahaa dadka Geeska Afrika wax u go´aamiya oo markaa doonayey inay ka qeyb qaataan wax soo saarka gobolka. Qoladaasina waxay noo balan qaadeen in bisha labaad ee sanadka soo socda ay wax nagala qaban doonaan Xoolaha, Caafimaadka, Biyaha iyo Beeraha intaba.

S/: Guddomiye, wax nooga sheegay Xudduudaha iyo inta degmo ee uu ka kooban yahay Gobolka Gebilay?

J/: Gobolkani wuxu ka kooban yahay saddex degmo, xarunta gobolku waa Degmada Gebilay, Degmada Wajaale oo iyana maanta ah xarunta Ganacsi Somaliland, lana yidhaahdo waa Abu Dubai-dii Somaliland oo cid kastaa ka ganacsato. Degmada Allaybaday oo iyadna ku faanta inay wax soo saarka beeraha hormuud ka tahay, waana dad aan odhan karo dadka Allaybaday tacab badan bay beeraha geliyeen, tusaalena dadka reer Somaliland ka qaataan. Toggii marayey Xudduuda Somaliland iyo u dhaxeysa Itoobiya ayey Daam ka qabteen. 142 balay ayey sameeyeen. Inta malaha u yar saan filayo ilaa 600 oo beerood ayaa halkaasi laga tabcaa. Markaa wakhtiga oo kale khudrada u badan dalka halkaasay ka soo baxdaa.

Gobolka waxa ku yaal 31 Tuulo. Waxa ku yaal afar Dugsi Sare oo ku kala yaal Arabsiyo, Wajaale, Gebilay iyo Allaybaday. Waxa kale oo ku yaal gobolka 16 Dugsi Hoose Dhexe. Dugsiga ugu dadka badan leh ee mucjisada ah waa dugsida hoose dhexe Gebilay. 2700 oo arday baa dhigta. Markaa haddaan sii raaciyo Jaamacaddaa maanta baaqeeda aan wadno ee aan doonayno in nalaga caawiyo, asbaabaha kalifay in loogu horeysiiyo waxa ka mid ah. Gobolka sidaa u dadka balaadhan leh 1200 oo arday ayaa sanadkii dugsiga sare ka qalin jabiya, 240 ama 250 tiro ah baa awoodda inay jaamacado helaan oo ay waalidkoodna raacaan oo u guuraan Hargeysa ama Boorama ama meelaha kale ee jaamacadaha loogu heli karo.

Markaa gobolkii haddii aanu jaamacad helin waxa weeyaan dadkina way ka guurayaan. Itaalna dadkii ma hayaan ay ardaygii ku dabagalaan.

S/: Xudduuda Gobolka Degmooyinkii waad sheegtay oo waxad tidhi Degmooyinka Allaybaday, wajaale iyo Gebilay ayuu ka kooban yahay. Xudduudka ma la kala xaddeeyey oo Goboladan Cusub xudduudadoodii ma la kala xaddeeyey?

J/: Arimaha xudduudada waxa jira xeer hoosaadka Gobolada iyo Degmooyinka oo uu dhawaan saxeexay Madaxweyaha JSL. Waxa la leeyahay gobolada cusub ee imika la magacaabay ee degmooyinka ahaa. Waxa ay gobol ku noqonayaan oo ay xudduudahoodu ku noqonayaan lixdankii halkii ay ahaayeen.

S/: Golaha degaanada waa la soo doortay dalka oo dhan haddana, waxqabadkoodu wuu yar yahay. Degmadan Gebilay iyo gobolkan aad xukunto, waxa muddo aan sidaa u sii fogeyn soo baxay khilaaf, taas oo guddoomiyihii degaanka la riday. Inta badana dadku waxay ku eedeeyaan in dawladda dhexe faraha kula jirto. Golihiinaa degaanku ma ka duwan yahay golayaasha degaanka ee gobolada kale, gobolkase muxuu u qabtay?

J/: Horta guud ahaan markan kaala hadlo arimahaasi golayaasha degaanka ee la soo doortay. Gebigood marka laga reebo golaha Ceergaabo, khilaafku wuu la wada dhashay. Laakiin waa lagu kala dambeeyey. Khilaafka masalan Burco, ha noqoto Gobolka Togdheer, Gobolka Saaxil iyo Gobolka Maroodi Jeex. Khilaafkoogu wakhti buu qaatay, laakiin waxad moodaa khilaafka ugu raadka dheerle ee ugu badan ayaa Gebilay soo gaadhay, kuwa kale laba sanno ayuu khilaafkoodu qaadatay, qaar buu saddex sanno qaatay, way la qabsadeen. Waxanay ahayd horta kolkaan xooggaa ka idhaahdo, golayaasha degaanku wax inagu cusub bay ahaayeen. Ka bacdina marlayba dee dood barasho iyo khilaaf baa jiraya, laakiin imika gobolkan aan ka tirsannahay ee Gebilay wuxu noqday gobolka ugu dheer ee khilaafkoodu soo jiitamo oo ilaa dhawaan soo gaadho. Laakiin hadda doorashadan ugu dambaysay, anoo su´aashaadaa kaa jawaabaya wax dawladda dhexe raad ku laheyd may jirin ee iskood bay u doorteen imika ninkan ugu dambeeyey.

S/: Ka guddoomiye ahaan markii la doortay hambalyooyin badan baa dunida dacaladeeda kaaga timi, waxaanad u eg-tahay nin dadka gobolku ay raali ka yihiin oo guddoomiye gobol oo dhakada lagaga keenay ma tihid. Markaa dadkii sidaa kuu soo dhaweeyey kuna jeclaa, maxaa qorshe fog ah oo aad gobolka ugu talo gashay oo aad doonaysaa inaad gobolka horumarintiisa kaga qeyb qaadatid?

J/: Waxa noo qorsheysan haddii ilaahay idmo gobolka waxa mara dooxyo badan, in mustaqbalka aanu ku soo jeedino Hay´addaha Caalamiga ah in dooxyadaas la xidho oo ay ka faa´iidaystaan oo beero laga sameeyo. Waxa kale oo noo qorshaysan oo Hay´addaha caalamiga ah aanu waydiisanay qaar ka mid ah. In xoolo la iibiyo oo markaa dadka xoolihi ka dhamaadeen ee magaalooyinka ku qaxaya, in la xooleeyo si ay degaankii u camiraan.

Waxa kale oo noo qorshaysan saddex bilood baanu imika xidhnay dhulka iyo beeraha bixintoodii iyo dacwadaha. Waxa noo qorshaysan inaanu ”town plan” u sameeno magaalada.
Waxa kale oo noo qorshaysan in dadweynaha reer Somaliland aanu ku soo dhaweyno, si gobolka caasimadiisu u noqoto meel dadku iska wada dhex arkaan. Waxanu leenahay cid kasta oo qurbo joog ah iyo cid kasta oo danaynaysa in Gebilay degto waan ku soo dhaweynaynaa.

Waxa kale oo noo qorshaysan inay Gebilay noqoto meel loo soo doonto Waxbarashooyin gaar ah sida masalan Jaamacadda Beeraha oo kale, Xanaanada Xoolaha oo kale iyo waxyaabo gaar ah oo aan is leenahay insha Alaahu mustaqbalka ku soo kordhiya gobolka.

S/: Dadkeenu Dimuqraadiyadan cusub socod barad bay ku yihiin, axsaabta dalka ka jirtana dadku way u guur-guuraan oo kolba xisbi bay taageerada ula guuraan. Gobolkan Gebilay xisbiga dalka haystaa taageero badan buu ka helay, ka dib haddana xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye oo xisbiyadda mucaaradka ah xisbiga ugu weyn ah, isaguna taageero badan ku yeeshay. Dadkuna waxad moodaa inay ka bisil yihiin dadka gobolada kale. Markaa ma kala xisaabtamaan qofkay xilka u dhiibanayaan ama doorayaan, wax xisaab ah oo qofkii hore ee la doortay ay ka weydiinayaan ma jiraa, mise waa qofkaasaa wanaagsan iyo iyaga oo raacaya dabeysha doorashada?

J/: Qosol yar! Su´aashaasi waa su´aal adag waana su´aal u baahan in laga baaraan dego, laakiin aniga aragtidayda weli mushtamaceenu wakhti ay xisaabtamaan may gaadhin. Waxan qabaa inay caadifad ku raacaan. Tusaale ahaan golayaasha degaanka oo kale iyagaa soo doortay iyagaa meesha keenay. Haddana maanta meel qof gole degaan ahoo gobol kasta ha joogee lala xisaabtamaa oo dadkii soo doortay dabagalaan ma jiro. Saa uun bay markaa kuwa xildhibaanada ah kuwa kale ula mid yihiin. Wayna wanaagsan tahay mujtamacu in qofkay xil u dhiibtaan la xisaabtamaan, laakiin waxan qabaa waxyaabaha inaga maqan ee aan bulshadu u bislaan bay ka mid tahay.

S/: Wax socota wacyigelintii diiwaan gelinta doorashadan soo socota, qaylo dhaan badan baa ka timi habka loo maamulay, cuqaashi dhinac bay ka qeylinaysaa, dadkii shacabka ahaa ee deganaa gobolada kale qeylo dheer baa jirta, komishanka intii aad halkan joogtay khilaaf baa jira la xaliyey. Markaa sidee bay gobolkaaga uga socotaa diiwaangelintu?

J/: Horta diiwaangelintu may bilaaban weli. Bishan 14-keeda ayey bilaabaneysaa. Hadda wacyigelintii baa socota, arinkaa waxan doonayaa in aan ku yara dul hakado. Sababtoo ah waxa jirta, waxna waa wax qaran ku saabsan, waxna waa wax xisbiyo ku saabsan. Markaa arinkani maanta waa arin qaran, waa arin lagu ogaanayo in tiro-koobka coddeyn kara ee dadka JSL la sugo. Sidad la socotaana Hay´addaha maanta hawsha inala wadaa waa EU. Waa qolada aynu ictiraafka ka raadinayno ee doonaya inay ogaadaan tirada coddeyn karta. Markaa anigu waxan qabaa sidii hore ee loo qorsheeyey aad bay u qurux badnayd, sababtoo ah sanduuq kasta oo meel la dhigayo waa sanaadiiqdii hore ee horta la dhigay wakhtigii baarlamanka la soo dooranayay, goobaha sanduuqyada la dhigayaa. Sanduuq kastana waxa loo asteeyey sideed qof baa ka shaqeyn doona. Laba ka tirsan Arimaha Gudaha oo sugaya in qofku markaa qof degaanka ka mid ah yahay, bixina doona warqada Taysarada. Waxa kale oo jira Laba Komishanka oo bixi doona kaadhka codbixinta. Waxa kale oo jiraya saddexda xisbi qaran oo min hal qof ku leh iyo qof ka socda Maxkamada Racfaanka. Markaa sideedaa qof ayaa goob kasta jooga oo qalabkoodu u dhan yahay. Waxan dadweynaha halkan uga jeedinayaa in aanuu arinkaasi ahayn arin la isku tuur-tuuro iyo arin laga faaloodo toona. Ay tahay arin aynu ka faa´iideysano in si wacan diiwaangelinta looga qeyb galo. Sababtoo ah qaddiyadeenaa ku xidhan. Waxan anigu leeyahay wax kasta yaan hadal la gelinine, diiwaangelintani muhiim bay inoo tahay ee ha laga qeyb qaato,



 



Wareysigan waxa qaaday Cabdirisaaq Cismaan Fadal Oslo, Norway