Warasxafdeed Madaxtooyada Jamhuuri yadda Somaliland

 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qabtay dhaartii Gudoomiyaha Maxkamada sare uu ku dh aarinayay xubinta cusub ee loo magacaabay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Xubintaasi cusub oo uu u soo magacaabay Golaha Guurtidu Mudane Xasan Cumar Hoori, waxa lagu bedelay Marxuumkii dhawaanta geeriyooday alla ha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed Cumar Looshade.

Xubintaasi oo uu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada sare Mudane Maxamed Xirsi Ismaaciil waxa kale oo goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Mudane Jaamac Maxamed Cumar.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka codsaday xubintaasi cusub in uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilka qaranka ee loo dhaariyay.
 

 


Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland