Wararkii ugu danbeeyay dagaalkii ceel bardaale iyo khasaaraha rabshadihii Mudaharaadkii Boorama
 


 

Hargeysa(Longlivesomaliland News )-warkii ugu danbeeyay ee  shaqaaq adii ceel bardaale ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay sedex qofna ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu dagaal saaka halkaasi dib uga bilawday jiida u dhaxaysa ruqi, boodhka, ilaa ceeriga. Waxa ay wararku sheegayaan in ninka dhintay oo magaciisa la yidhaa, Yuusuf Axmed Caalin uu ka tirsanaa ciidan beeleedka deegaanka Borame. sedexda nin ee dhaawaca ah laba ka mid ah ayaa sida la sheegay ka tirsanaa Ciidan beeleedka deegaanka Borame midka kalena uu ka soo jeeday ciidan beeleedka Gabiley.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in labadii nin ee ka dhaawacmay ciidan beeleedka Borame la geeyay Cisbitaalka Boorame, kii ciidan  beele edka Gabileyna la geeeyay cisbaalka Gabiley. halkaasi oo labada  dhaaw acba imika lagu dawaynayo cisbitaaladii la geeyay. Waxa ay wararku xusayaan in mid ka mid ah labada nin ee ka dhaawacmay ciidan  beelee dka deegaanka Borame oo dhaawacu ka soo gaadhay dhabarka uu imika ku jiro xaalad aad u daran oo dhaawaciisu uu halis yahay. Warkan ayay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan cisbitaalada Borame iyo Gabiley.

Dhinaca kale rabshadihii Mudaharaadka ahaa ee maanta ka dhacay  mag aalada Borame ayaa la soo sheegayaa In halkaasi uu ku dhintay nin  ma gaciisa la yidhaa, C/fataax Maxamed Qamaan .Warkan oo ay noo  xaqi ijiyeen ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ninkaasi uu ku dhintay rasaas ay rideen ciidamo galabta halkaasi la keenay si ay dadka u kala dareeriyaan. Ninkan ayaa dhintay ka dib markii isaga iyo koox dhallin-yaro ah oo calankii Agoonka ahaa ee koonfurta somaliya ka taagay  goo btii uu mudaharaadku ka dhacayay markaana ay isku dhaceen ciidamadii Somaliland oo iyagu rabay in ay calanka dajiyaan.

Wararka halkaasi naga soo gaadhayaa ayaa waxa ay sheegayaan in ardayda jaamacadaha ee ka soo jeeda deegaanada Gabiley ilaa xallay lagu ilaalinayay meelo gaar ah oo ay ciidanku dejiyeen. Wararku aanu helaynaa waxa ay sheegayaan in ardaydaasi ka soo jeeda deegaanka Gabiley iyo Hargeysa maanta la keenay magaalada Hargeysa iyo Gabiley iyaga oo ay ilaalinayaan ciidamo police ah.


Warar aan lagu kalsoonayn ayaa sheegayaa in ay dagaalkii saaka ee deegaanka ceel bardaale ay ku dhinteen dad aad u tiro badan kuwo badan oo kalena ay ku dhaawacmeen.


Xaalada nabad gelyo ee deegaanada uu saaka dagaalku ka dhacay ayaa imika dagan iyada oo ay labada ciidan beeleed ilaa imika is horfadhiyaan iyada oo ay ku kala dhex jiraan ciidamo tiro badan oo maanta halkaasi gaadhay.

Dhinaca kalena, Magaalada Borame ee xarunta gobolka Awdal oo saaka mudaharaadku ka dhacay ayaa imika iyaduna dagan.



Wixii warar ah ee ka soo kordha insha allah dib ayaanu idiinka soo gudbin doonaa.


 


Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
Hargeysa, Somaliland.