Warsaxaafadeed Wefdigii Xukuumada JSL ee Jabuuti

 


Weftigii wasiirada Xukuumada Somaliland Ayaa maanta soo gebogebeeyey wadahadaladii ay la lahaayeen Wasiirada Dhigooda ah ee Xukuumada Jabuuti .

Gudiga Wasiirada Somaliland ee booqashada shaqo ku joogey Jabuuti waxa wadahadaladoodu ay qaateen mudo 2 maalmood ah waxana ay si wada jir ah isula qaateen gudiga wasiirada ee dhigooda ah ee ka tirsan xukuumada jabuuti qodobo dhowr ah oay ugu muhiimsan yahiin


‘ in sida ugu dhakhsaha badan loo furo xafiisyadii ka wakiil ka ahaa Somaliland iyo Jabuuti.

Waxa kale oo ay isku afgarteen in la fududeeyo arimaha Ganacsiga e ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah , gaar ahaan isu socodka Dadka iyo Xoolahaba.


Waxa kale oo laisku afgartey in la sii xoojiyo arimaha ay kamid yahiin Nabadgelyada iyo Siyaasada, khaasatan la dagaalanka Argogaxisada, iyo budhcad badeedka.
Wasiiradu waxay isla qaateeen in ay si rasmi ah maalinta berito ah (13ka bishan koowaad usoo saaridoonaan Heshiishyadii labada geesood ay ku gaadheen wadaxaajoodyadoodii oo dhamaystiran.

Wasiirka Arimaha gudaha ee Jamhuuriayada Jabuuuti Mudane. Yasiin Buux oo saxaafada la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay waxyaabaha jamhuuiryada Somaliland ay qabsatey gaar ahaan dhinaca Nabadgelyada iyo geedi socodka Dimoqraadiya.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi( Arimahii Diiwaangelinta ee Jamhuuriyada Somaliland hada ka dhamaystirmay waxay wax weyn ka tari doontaa iskaashiga Nabada ee Somaliland Iyo Jabuuti, iyadoo si cad wakhtigan loo ogaan doono muwaadinka reer Somaliland iyo dadka kale ee ku nool Somaliland.

Wuxuu wasiirka arimaha guduha ee jabuuti u rajeeyay Somaliland inay ku guulaysato doorashooyinka ee kusoofood leh Somaliland.

Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Mudane Cawil Cali Ducaale ayaa isaguna u mahadnaqay Jamhuuriyada jabuuti kaalintii ay ka qaadatey falalkii argogaxiso ee Somaliland la la beegsaday , iyo sidii hagarli ida ahayd ee ay usoo dhawaysay dhaawacoodii , iyadoo weliba kaalin waxku ool ah ka qaadatay , markii Jabuuti loo keenay howlo caafimaad Marxuum Maxamed Ismail bulaale, xoghayahii guud ee xisbiga Udub.

Mudanne Cawil wuxuu sheegay in taageerooyinka Jabuuti ay u muujisay Somaliland una fidisay uu yahay Abaal ay Somaliland dadkeeda iyo Xukuumadeeduba u hayso.

Weftiga Somaliland ee kulankaa ka qaybgalay waxa kamid ahaa, Wasiirka Arimaha Gudaha Abdilahi Ismail Cirro , Arimaha Dibeda Mudane Abdilahi Mohamed Ducale, Wasiirkuxigeenka Warfaafinta Mudane Cali Cilmi Geele, iyo Muha Faarax Daahir Jire


 


Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada,
Ahna Afhayeenka Wefdiga