WARARKII
GOBOLKA GABILEY IYO
WERIYE NIMCAAN

Waxaa maanta
maagalada Gabiley ka bilaaamay qaybtii labaad ee dhismaha dugsiga
sare ee Timacade,iyadoo digsigii hore Timcadde loo baadaly Jaamcad
da Gabolka Gabliey .
Xafladdaasi oo si heer sare ay un soo agaasimeen maamulka
Gobolkau , ayaa waxaa lagu qabtay barxadda dugsigaasi .Ugu
horayntii i waxaa madashaasi ka hadlay Badhasaabka
Goblka Gabiley ,Mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib),waxaana uu
mahad naq balaadhan uu soo jeediyay maamulka waxba rashada
Gabolka Gabiley iyo Gudiga Hormatinta Goblka Gabliey .
Waxaa kale oo uu
badhaasaabku mahad naq u soo jeediyey hayda DRC iyo jaaliyada
Finland.Hayada DRC , oo uu yidhi baadhsaabku waxay dhiseen 4 fasal
iyo hal xafiis oo haatan diyaar ah .Waxkale oo uu badhasaabku
ugu baaqay jaaliyadaha dibada iyo dadweynahaba, in waxtar laxaadle
ka gaystaan dhisma ahJaamacad Gabiley .
Madashaasi,waxaa isna ka hadlay , Gudoomyah Golaha Deeganka
Gabiley Mud ane Aadan Muxumed Bade , oo ka xog waramay
marxaladda Jaamcada laanta Gabiley,oo uu yidhi waxay sababtay in 100
qoys sanadkiiba ka guuraan maaga lada Gabliey, oo u guuraan
magaalooyinka Hargaysa iyo Borama .
Isguna waxa halkaasi ka halday maamulka Waxbarashada iyo cuqaal iyo
wax garadba.Waxaanay dhaamtaanooda baaq u soo jeediyeen
dadweynaha reer Gabiley iyo Jaaliyadaha reer Gabliey,waxana ugu
baaqeen in waxtar laxaadle ka gaysataa dhismaha Jaamcada .
Ugu danbayntii , waxa halkaasi ka hadlay, Godiimiyah Gudiga Hormarka
Gob olka Gabiley,Mudane Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi ,oo ka waramay
dada alka ay ugu jiraan dhisidda iyo sida ugu haboon ee loo dhisi
karo .Waxa uu Gudoomiyuhu intaasi ku daray, in ay la kaashan doonaan
8 fasal oo maanta la bilaabayo, dadweynaha iyo Jaaliyadaha
reer Gabliey
Weriye
Nimcaan Dheeg Ibraahim
Longlivesomaliland News Media
Gabiley Office , Somaliland |
|