Ergada Cusub ee Dhexdhexaadint Nabadaynta Ceelb ardaale oo Ku soo Guulaystay inay Ku Qanciyan Labada Beelood in Lakala Qaado Labada Ciidan
 


Falkaas wadada ka dhacayna waxa uu sheegay in beesha uu ka dhacay lafteedu aanay ogolayn sababtoo ah buu yidhi....Suldaan Axmed Daahir Muuse Cilmi


Gabiley (longlivesomaliland News) - Ergadada dhexdhexaadinta shaqaaqada  ceelb ardaale ayaa maanta saxaafada uga waramay socdaal ay ku soo mareen  deegaa nada colaadu ka taagan tahay ee u dhexeeya Ceelbardaale iyo Baki, halkaasi oo ay sheegeen inay ku soo guulasteen inay ku soo qanciyaan labada beelood inay kala qaadaan labada ciidan beelood ee is hor fadhiya, arinkan lagu dhameeyo si nabada iyo wada hadal.

Waxaa ka mid ahaa odayaashii halkaa ka hadlay afhayeenka ergada cusub ee  dhex dhexaadinta labada beelood ee muranka dhulku ka dhexeeyo Suldaan Axmed Daahir Muuse Cilmi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dhibtii dhulka ka jirtay wax badanbaa noo qabsoomay intii noo qorshaysnayd, ciidamadiina way dhex joogaan, waxbadana way noo hadhsan yihiin. Waxaananu balanqaadaynaa in hawlaha inteeda noo  hadh sana aanu anagu (ergada dhexdhexaadinta) aanu dusha ku qaadano halka ugu  hab oon iyo sida ugu haboon ee aanu u dhamaynayno ilaa iyo dhinac aanu u ridayno.

Waxaanu ku noqon doonaa magaalada hargeysa, waananu iska arki doonaa  xukuu mada iyo cida ay khusayso. waxananu jecelnahay in arinku maanta sidaa inoogu  dh amaado. Umadda reer Somalilandna waxaanu ugu bishaaraynaynaa in dabkaasi  ina ga bakhtiyay. Illaahayna S.W isaga ayaa iska leh mahadaas”

Falkaas wadada ka dhacayna waxa uu sheegay in beesha uu ka dhacay lafteedu  aa nay ogolayn sababtoo ah buu yidhi gudoomiyuhu waxay ahayd arin aan dhaqan iyo caado toona inoo ahayn.

Waxa kale oo uu intaas sii raaciyey in nabada aynu maanta haysanaa ay tahay ta kaliya ee aynu kaga duwanahay dabkaas hareeraheena ka baxaya, umada reeer Somaliland waa inay dhinac uga soo wada jeedsato waxalla wixii waxyeelaya nabada aynu ku naaloonayno.

Sh. Maxamed Sheikh Cali Gadhle oo ka mid ah ergada cusub ee dhexdhexaadinta  sha qaaqada ceel bardaale oo halkaas ka sheegay in wax faro badan oo ka mid wixii  erg adu u socotay u qabsoomay wax faro badana u hadhsan yihiin.waxaanu intaas  raa ciyey in ergadu ballanqaadayaan inay hawshaasi dhamaystirayaan meel kasta oo ay ka gashana ka daba galayaan.

“Waxaan ilaahay waydiisanaynaa waxa inoo qabsoomay inuu inoo taabo galiyo  wax aa inoo hadhayna inuu inoo fududeeyo sidoo aynu u dhamays tiri lahayn ee fidnadaa iyo shaqaaqadaa halkaa ka taagan aynu u damin lahayn ee ddka walaalaha ah  sha ydaan ayaa dhwxgalayee shaydaankaa aynu uga dhexsaari lahayn ee walaal  tinim adoodii, xididtinimadoodii ,tolnimadoodii,wadajirkoodii iyo jaarnimadoodiina u soo  cel in lahaayeen;; sidaa waxa yidhi Sheikh Maxamed Sheikh Cali Gadhle.

Sh Maxamed Cali Geedi oo ah gudoomiyaha ergada cusub dhedhexaadinta ayaa  fa ahfaahin ka bixiyey socdaalkoodii una sheegay saxaafada inay is arkeen  hogaamiy aashii ciidamada beelaha, odayaashii labada beelood, iyo taliyayaasha ciidamada  da wlada ayna isla afgarteen in ciidamada la sii kala fogeeyo si lo yareeyo oo ayna  dhi cin in ciidamadaa labada beelood isasoo gaadhaan.

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay in ay isla afgarteen sadexda dhinac ee  oda yaasha beelaha, hogaamiyayaasha labada ciidan beelood iyo ciidanka dawladu inay iyagu wada shaqeeyaan oo ka wada fadhiistaan, oo ka wada tashadaan inta la sii kala fogaynayo labada ciidan beelood.

Shirarka ergada dhexdhexaadinta ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya inkasta oo aanay jirin go’aano rasmi ah oo kasoo baxay shirarkaasi. Shirkanina waa kii ugu muhiimsanaa ee ay ka soo baxdo natiijo tilmaami karta heshiis iyo in la wada hadlo lana gaadho nabad waarta.
 

 





Weriye Nimcaan Dheeg

Longlivesomaliland News Desk
nimcaan@longlivesomaliland.com
Gabiley Somaliland