“Wararka Sheegaya Inaanu Imaaraadka U Nimid Inaanu Is Aragno
Madaxweynaha Somaalia Waa Mid Aan jirin Oo Aan Sal Iyo Raadtoona
Lahayn, ” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ah xubnaha weftiga ....
Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed
Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warar
sheegayay in Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Axmed
Max amed Maxamuud Siilaanyo iyo Xasan Sh. Maxamuud ay kulan ku yeelan
doonaan dalka Imaaraadka carabta.
Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ah xubnaha weftiga madaxweyne
Siilaanyo ee socdaalka ku jooga Imaaraadka carabta oo maanta u
waramayay Idaacadda BBC-da Laanteedda Afka Soomaaliga ayaa sheegay
in hadafkii ay ka lahaayeen socdaalkooda ay dhamaysteen, isla
markaana ay maalinta Arbacada ku noqonayaan Som aliland.
Isagoo Arimahaa ka Hadlayana Wuxu Yidhi “Sababta aanu dalka
Imaaraadka carabta u nimid waxay ka dambeysay marti-qaad aanu ka
helnay Hoggaanka sare ee dalka Imaaraadka,”
Maxamed Cabdilaahi Waxa uu intaas ku daray “Waxaana intii aanu
halkan joognay kulamo la yeelanay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu
sareeya Imaaraadka carabta oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed B inu
Saa’id Al-Nahyaan iyo Sheekh Mansuur Binu Saa’id AL-nahyaan, waxaanu
ka wada hadalnay cilaa qaadka labada dal iyo mashaariic u badan xaga
horumarka oo aanu ka codsanay dawlada Imaaraadka carabta.”
Wasiirka oo la weydiiyay su’aal ah waxa jira warar sheegayay in lagu
wado in Madaxweyneyaasha S omaliland Iyo Soomaaliya ay kulan ku
yeeshaan dalka Imaaraadka carabta, waxaanu ku jawaabay Sid an “Sidaan
hore u sheegay waxaanu halkan u nimid inaanu ka hadalno arrimo u
badan xagga horuma rka, sida dhaqaalaha, caafimaadka, Tacliinta iyo
xagga wadooyinkaba. Balan aanu xagan (Imaaraadk a) ku lahayn
Madaxweynaha Soomaaliya ma jirto. Shir labada madaxweyne ay dalkan
ku balan sanaa yeena ma jro. wararka sheegaya inaanu Imaaraadka u
nimid inaanu is aragno Madaxweynaha Soom aaliya waa warar aan jirin
oo aan sal lahayn,”.
Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumara oo hadalkiisa sii
wata, waxa uu yidhi “Booqash adii rasmiga ahayd ee aanu Imaaraadka u
nimi way noo dhammaatay. Madaxdii ugu saraysay dalkana waanu kulanay
si wanaagsanna way noo soo dhaweeyeen. Muraadkii aanu socdaalkan ka
lahayna wa anu ka dhamaysanay Berina waxaanu ku noqonaynaa Somaliland
isagoo aan madaxweynaha Soomaaliya aan imanba.” Ayuu Yidhi Wasiirka
Arimaha Dibeda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar.
Guuleed Muxumed Ibrahim
Timavacde News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|