WARAR
GOOS GOOSA

C/Raxmaan Cirro Oo Sheegay In
Mooshinkii Lagu Doonayay Aqoonsiga Somaliland Oo Gudoomiyihii Hore
Ee Baarlamaanka Kenya Is-Hortaagay Uu Haysto Fursad Dib Loogu
Dhaqaajiyo
Shirguddoonka Wakiilada Waxay Qalinka Ku Soo Duugeen Heshiis Aqal
Cusub Loogu Dhisayo Baarlamanka Somaliland
Hargeysa, September 7, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha golaha Wakiilada
Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa sheegay
inuu weli nool yahay Mooshin hore mudanayaal ka tirsan Baarlamanka
Kiiniya ku doonayeen in xukuumadda dalkaasi ku aqoonsato
madaxbanaanida Somaliland, kaas oo uu sheegay in guddoomiyihii hore
ee Kiiniya uu hore isu hor taagay,balse uu hadda haysto fursad cusub
oo mooshinkaasi lagu hor geeyo Baarlamanka cusub ee Kiiniya oo hadda
ay u badan yihiin xisbiga ODM ee uu hogaamiyo Ra’iisal wasaaraha
dalka Kiiniya Raila Odinga, waxaanu Mudane Cirro sheegay in
dhaqaajinta Mooshinkaasi uu u baahan yahay dhaq dhaqaaq badan oo ka
yimaada dhinaca Somaliland.
Guddoomiye Cirro waxa uu sidaasi ku sheegay xog-waran uu shalay
Haatuf ku siiyay qolka VIP-da ee Madaarka Hargeysa, xiligaas oo
Mudane Cirro iyo ku xigeenkiisa 1-aad, Mudane C/casiis Samaale ay ka
soo laabteen socdaal ay ku tageen dalka Kiiniya, halkaas oo ay kaga
qayb galeen shirweyne ay Baarlamanada Afrika ku yeesheen bishan
horaanteedii magaalada Nairobi, kaas oo markii ugu horaysay
Baarlamanka Somaliland si rasmi ah loogu marti qaaday.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay inay qalinka ku soo duugeen
heshiis dhex maray Golaha Wakiilada iyo hay’ada Awepa kaas oo ku
saabsan guri cusub oo ay ku shiraan Baarlamanka Somaliland loo
dhisayo, isla markaana uu ku bixi doono kharash gaadhaya 360,000 oo
uu 10 % kharashkaas laga rabo inuu bixiyo Baarlamanka Somaliland.
Mudane C/raxmaan Cirro oo faah faahin ka bixinaya socdaalkoodii
Kiiniya iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay iyo ujeedada ay halkaasi u
tageen yaa wuxuu yidhi “ safarkaas aanu tagnay wuxuu ahaa shir
nalagu casuumay oo ay lahaayeen Baarlamaanada dalalka Afrika isla
markaan ay ka soo qayb-galeen dalal kale, sida Yurub, Maraykanka iyo
Eeshiyaba, waana markii ugu horaysay ee si rasmiya loogu marti qaado
Baarlamaanka Somaliland shirar noocaas ah.shirkaasi wuxuu ku
saabsanaa cimilada isbedelaysa, waxaana shirkaasi qaban qaabiyay
afar qolo oo kala ah Baarlamanka dalka Kiiniya, Baarlamanka dalalka
Bariga Afrika, ururka Baarlamanka Afrika (PAN Africa Parlimentarian),
iyo hay’ada la yidhaahdo Awepa, anaga casuumadayada waxa si rasmi ah
noogu soo diray hay’ada Awepa, waxa kale oo ka soo qayb galay
shirkaas 25 dal oo Afrikaan ah iyo dalal kale oo ay ka mid ahaayeen
Belgium, UK, Sweden, Germany, Estonia, Latvia, Lituania, Ruushka,
Japan, Canada iyo Maraykanka, waxa kale oo ka soo qayb galay ururada
ay Baarlamanadu leeyihiin ee Koonfurta iyo Galbeedka Afrika , waxa
kale oo ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Kiiniya, wasiirka
arimaha dibada iyo guddoomiyaha baarlamanka Kiiniya, waxa kale oo ka
soo qayb galay safiirada wadamada Afrika iyo Yurub u fadhiya
Nairobi”.
Guddoomiyaha Baarlmanka, c/raxmaan Cirro waxa kale oo uu sheegay in
intii uu shirku socday ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen wufuudii
ka socotay Sweden, Germany, Belgium, UK, South Afrika, Tanzania iyo
wadamo kale, waxaanu sheegay inay ka qayb qaateen go’aanadii
shirkaas lagu gaadhayay “intii shirkaasi socday waxa aanu ka qayb
qaadanay go’aanadii shirka lagu gaadhayay, go,aanadaa oo saddex
qaybood u qaybsanaa, xaalada cuntada ee Afrika ku sugan
tahay,mucaawinadu raadka ay ku leedahay dalalka soo koraya, iyo
isbedelka cimilada dalalka Afrika,” waxaana laga soo jeediyay talo
bixino ayuu yidhi Guddoomiyuhu, isagoo intaas ku daray inay intii ay
joogeen dalka Kiiniya ay u suurto gashay inay la kulmaan M/weyne ku
xigeenka dalka Kiiniya, iyo safiirada wadamada Maraykanka, Ruushka,
Finland, Sweden iyo ururka shaqaalaha Kiiniya ugu weyn oo ay ku
jiraan ilaa 20 Miyan oo xubnood.
Mudane C/raxmaan waxa kale oo uu sheegay inay soo dhamaystireen
wadahadaladii u socday Baarlamanka Somaliland iyo hay’ada Awepa ee
la xidhiidhay hirgelinta dhismaha loo samaynayay golaha wakiilada
Somaliland.
“ waxa kale oo noo suurto gashay intii aanu halkaas joognay inaanu
la kulano oo aanu soo dhamaystirno wada hadal noo socday hay’ada
Awepa kaasoo ahaa in loo dhiso guri cusub oo ay ku shiraan
baarlmanka Somaliland, gurigaasna heshiiskiisii waanu soo saxeexnay
waxaana ku baxay dhismahaa ilaa 360,000 oo 10% laga rabo inay
Baarlamanka Somaliland bixiyaan, inta kalena ay bixiso hay’adaasi,
iyadoo aanu filayno in heshiiskaasi bilaabmo October ”.ayuu yidhi
Mudane Cirro.
Gudoomiyaha wakiilada oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay
wadahadalada ay masuuliyiinta kala duwan ee ay halkaasi kula kulmeen
la yeesheen, waxyaabaha faa’iido u noqon kara ama la odhan karo waa
talaabo ay hore ugu qaadeen dhinaca aqoonsi raadiska ay Somaliland
dedaalka ugu jirto waxa uu yidhi,” talaabada guud ahaan reer
Somaliland u suurto gashay waxa weeyaan markii ugu horaysay ee naloo
ogolaado in shir aanu kala qayb galno dawladaha la aqoonsan yahay ee
Afrika,taasina waa markii ugu horaysay ee ay inoo suurto gasho shir
ay leeyihiin Afrika si rasmi ah laynoogu casuumay, ta labaad waxa
noo suurto gashay Baarlamaanada dalalkaas aanu la kulanay oo mar
walba laga sheegayay magaca Somaliland oo qaar badani aanay
maqlinba, waxaana aanu isleenahay wax badan bay ka tari doontaa
ictiraafka Somaliland amaba inay dalalkaasi ogaadaan inuu jiro dal
la yidhaahdo Somaliland”.
Waxa kale oo Mudane Cirro la weydiiyay inay wax daba gal ah ku
sameeyeen Mooshinkii la doonayay in Baarlamanka Kiiniya la soo hor
dhigo ee ku saabsanaa aqoonsi ay Kiiniya siiso Somaliland, balse
hakad galay,? Ayaa waxa uu Cirro ku jawaabay “ mooshinkaasi waxa
joojiyay guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Kiiniya, oo aan
qadiyadeena aad u taageersanayn, baarlamanka arintaasi waanu ka
hubinay, oo waxaanu hubinay in Ajandahaasi weli nool yahay,
laakiin wuxuu ku xidhan yahay dhaq dhaqaaq inaga xageena ka yimaada,
Guddoomiyaha baarlamanka ee Kiiniya ee haddana waxaanu filaynaa inuu
yahay Guddoomiye arrinkeena taageeri kara, waananu la kulanay, dadka
reer Somaliland ee halkaasi ku nool waxa ka mid ah dadkii codka
siinayay waxaanay noo sheegeen inuu ka duwan yahay Guddoomiyihii
hore ee Baarlamanka, waxa kale oo aanu la kulanay Guddoomiyaha
guddida shuruucda ee Baarlamanka Kiiniya, kaasoo noo xaqiijiyay inay
mooshinkaasi kala hadleen Guddoomiyaha cusub, hadana ay filayaan uun
dhaq dhaqaaq xageena ka yimaada oay badhi-taar badan inooga baahan
yihiin sidii arrintaasi loo hor keeni lahaa Golaha, laakiin waxaanu
hubinay in Mooshinkaasi nool yahay, ayuu muddane Cirro hadalkiisa ku
soo xidhay.
--------------------------------------------------------------------------------
Faransiiska Oo Isu Diyaarinaya Weeraro Cirka Iyo Badda Oo Uu Ku
Qaadayo Budhcad Badeeda Majeerteeniya
Waxaa La Ogaaday In Cabdilaahi Yuusuf Iyo Madaxda Puntland Ay
Taakuleeyaan Hawlgalada Afduubka Maraakiibta
Djibouti/Bosaso/Paris, September 7, 2008 (Haatuf/W. Wararka) - Qaybo
ka mid ah ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalka Djibouti ayaa
heegan la galiyey todobaadkan ka dib markii ay budhcad badeeda
Majeerteeniya (Puntland) ay Arbacaddii dhowayd badda gacanka cadmeed
ku afduubtay markab yar oo ah nooca lagu darxiiso (Yacth) taas oo ay
saarnaayeen lammaane faransiis ahi, waxaana la sheegay in ciidamada
Faransiisku ay isku diyaarinayaan weeraro cirka iyo Badda ah oo ay
ku qaadi doonaan budhcad baddeedka Majeerteeniya oo in ka badan
Toban markab iyo dadkii saarnaa oo tiradooda lagu qiyaasay 140 qof
ku haysta tuulada Eyl ee ku taal xeebaha Majeerteeniya.
Waxay ahayd shan bilood ka hor markii ciidamo Faransiis ah oo
saarnaa dayuuradaha loo yaqaano Helicopter-ka ay weerar gaadmo ah ku
qaadeen koox budhcad badeed ah oo qafaalatay markab (Yacth) ah oo ay
saarnaayeen dal xiisayaal Faransiis ah, kuwaas oo lagu siidaayey
lacag madax furasho ah.
Haseyeeshee qaarka mid ah budhcad badeedkaas ayaa markay soo
gaadheen barriga waxaaka daba yimid ciidamo Faransiis ah oo cirka
kaga soo duulay, waxaan ciidamadaasi gacanta ku dhigeen lix ka mid
ah kooxdii badhcada badeedka ahayd ee markabka afduubtay kuwaas oo
loo qaaday dalka Faransiiska isla markaana halkaas maxkamad lagu soo
taagay.
Maraakiibta ay budhcad badeedku ku haystaan xeebta Puntland waxaa ka
mid ah laba Tanker oo kuwa saliida qaada ah oo laga leeyahay dalka
maleesiya, hal markab oo laga leeyahay dalka Masar, markab weyn oo
laga leeyahay dalka Japan iyo Taag (Tug) oo laga leeyahay dalka
Nageria.
Xogo ilaa hadda laga hayo budhcad badeedka Puntland ayaa waxay
tilmaamayaan In ay ka jiraan ugu yaraan shan kooxood oo mid waliba
adeegsato toban Doonyood oo nooca dheereeya ah iy laba boqol oo nin
oo hubaysan, waxayna maraakiibta u afduubaan lacag madaxfurasho ah
halka budhcad badeeda dunida kale ay iyagu daneeyaan badeecadaha ay
maraakiibtu sido kuwaas oo ay dhacaan.
Budhcad badeednimada ayaa waxay noqotay isha ugu weyn ee dhaqaaluhu
ka soo galo gobolka Puntland tusaal ahaan labada tanager iyo
markabkaa laga leeyahay Japan waxay budhcad badeeduk u xidhay sii
dayntooda lacag madax furasho ah oo marka laysku geeyo noqonaysa
sideed milyan oo dollar iyadoo mar mar iyo dhif mooyaane inta badan
la bixiyo lacagta madaxfurashada ah ee ay dal badaan budhcadbadeedka
Majeerteeniya waxaana la sheegay in kooxahaas budhcad badeedka ahi
ay wakiilo ku leeyihiin dalalka Kenya, Canada, UK iyo Dubia kuwaas
oo marka markab la afduubo soo ogaada cidda weelka leh iyo badeecada
saran taas oo ay ku sicir gooyaan inta ay noqonaysa lacagta
madaxfurashada ah ee ay dalbanayaan.
Dhinaca kale waxa soo shaacbaxaya xogo tilmaamaya in madaxweynaha
xukuumada Imbagathi Cabdilaahi Yuusuf iyo xaakimka Puntland Cadde
Muuse ay xidhiidh la leeyihiin kooxaha budhcad badeeda Puntland,
iyadoo la sheegay in labada nin ba ay qayb ka qaataan lacagta
maraakiibta la afduubay lagu furto.
Waxaa kale oo la sheegay in Cabdilaahi Yuusuf uu muddooyinkan dambe
ku dhiirigelinayey budhcad badeedka gobolkiisa Puntland ka dilaacday
inay hawlgaladooda xoog u kordhiyaan taas oo ay ujeedada uu ka lahaa
ahayd inuu abuuro xaalad nabadgalyo darro oo khatar galisa
nabadgelyada kumanaanka markab ee bil walba isticmaala gacanka Cadan
iyo xeebaha Somalia ee badweynta India si Golaha Amaanka ee QM ugu
qanco in ciiidamo nabad ilaalineed ay ugu diraan Somalia.
Hase yeeshee golaha ammaanka ayaa khamiistii dhowayd ku gacan
saydhay codsigii ay xukuumada C/llaahi Yuusuf ku doonaysay in
ciidamo nabad ilaalineed oo ka tirsan QM la keeno Somalia. Golaha
ammaanka ayaa bishii June ee sanadkan isku raacay qaraar jidaynaya
in xoog milatari waxa lagaga qabto budh-cad badeeda Somalia.
Waxaana la filayaa in Faransiiska iyo dawladaha reer galbeedku
iyagoo tixraacaya qaraarkaasi ay weeraro ku soo qaadaan gobolka
Puntland ee budhcad badeeda Somalia.
Hase yeeshee waxa soo kordhay warar sheegaya in dadkii saarnaa
maraakiibtaa ay budhcad badeedu ku soo ururisay Eyl laga dejiyey
dadkii saarnaa kuwaas oo la sheegay in loo qaaday dhinaca barriga ee
gudaha Puntland, iyadoo ay budhacad badeedu ka cabsi qabto in
weeraro ku soo maqan yihiin.
Dhinaca kale hawl-galadan badan ee ay budhcad badeeda Majeerteeniya
todobaadadan u dambeeyay ay maraakiibta kaga soo afduubtay gacanka
Cadmeed ayaa waxay saameeyeen maraakiibtii waaweynayd ee iman jirtay
dekada Berbera ee dalka Somaliland.
Waxaana la sheegay in qaar ka mid ah maraakiibtaasi ay ka baydheen
dekada Berbera iyaga oo ka cabsi qaba in budhcad badeeda Puntland
qafaalato.
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa: Gaadhi Mark II Ah Oo Xalay Daadku Qaaday
Taliyaha C.I.D Oo Ku Tilmaamay Darawalkii Waday Mid Biimo Ahaa Oo
Naftiisa Haligayey
Hargeysa September 7, 2008 (Haatuf) – Baabuur tagsi ah oo noociisu
yahay MarkII ayaa xalay dooxa hargeysa daad ka soo rogmday ku qaaday
taas oo aanay jirin cid wax ku noqotay, darawalkii waday
baabuurkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe Maxamed Aw Cali uu ka
badbaaday.
Taliyaha CID-da Axmed Aw Cali Shabeel oo isaga iyo koox ciidanka
bilayska oo uu watay ay gurmad ugu jireen sidii ay gaadhigaasi uga
soo saari lahaayeen daadka qaaday oo aanu kula kulanay goobtaasi
ayaa Haatuf u sheegay in ninka baabuurkan watay uu naftiisa biimo
geliyey isla markaana uu daadka soo socda is yidhi dhex mar sidaa
darteedna daadku ku qaaday.
Taliyaha CID-da Mr Shabeel oo ka hadlaya arrintan waxa uu yidhi
“ninka baabuurkan waday naftiisa ayuu biimo geliyey daaadka soo
socda ayaanu is yidhi dhex mar waana nin naftiisa haligayey,
waxaanay ahayd markuu arkay in daadku socdo inuu dib uga noqdo,
arrinkana markii la ii soo sheegay waxaan ku dhaqaaqay inaan
cagaf-cagaf dawlada hoose ka soo kexeeyo dirawalka wadayna aan ka
soo toosiyo gurigiisa ilaa hadana badbaadintii baabuurka ayaanu ku
jirnaa waxaanse wadayaasha gaadiidka iyo shacbiga ugu baaqayaain
asanay naftooda iyo nafaha kale ee ay sidaan aanay biimo gelinin,
darawalkii waday habeenkii dhawayd baabuurkii baska ah isagoo sida
soddon qof oo rakaab ah ayuu ku soo qaaday daadka oo socda waana
caqli xumo iyo jariimad in sedan loo dhaqmo”.
Dhinaca kale darawalka waday gaadhigan tagsiga ah ee daadku qaaday
Mustafe Maxamed oo aanu goobtaa kula kulanay ayaa isaguna sheegay
inuu markii hore soo maray daadka oo intan ka yar markii dambena uu
is yidhi waad mari karaysaa sidaa darteedna daadku ku qaaday isagoo
arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “markii hore waxaan soo maray
daadka oo intan ka yar markii labaad ee aan ka soo noqday xaga suuqa
ayaan is idhi waad mari karaysaa intaa ka dibna daadkii baa na
qaaaday anigii iyo gaadhigiiba Illaahay mahadii weeye haddii isagu
naga badbaadiyey oo waxba ku noqon”.
--------------------------------------------------------------------------------
Wasiirka Maaliyadda Oo Amray Inaan Wax Qaad Ah Lagu Cashuurin
Kastamka Bali-Gubadle Iyo Dadweynaha Degaankaas Oo Arrintan Ka Soo
Horjeestay
Bali-gubadle, September 7, 2008 (Haatuf) – Gaadhi Qaad ah kii ugu
horeeyay oo ay leedahay shirkadda 571 ayaa maalintii shalay si lama
filaan ah u soo galay Kastamka Bali-gubadle, kaas oo ka hor intii
aan la cashuurin ay masuuliyiinta wasaaradda Maaliyaddu ay isku
dayeen inaan kastamka degmadaas lagu cashuurin, taas oo ay si weyn
uga horyimaadeen dadweynaha dadweynaha reer Bali-gubadle, kuwaas oo
ku khasbay masuuliyiinta Kastamka Bali-gubadle inay cashuuraan
qaadkaas.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dadka reer Bali-gubadle, waxay
arrintani muran iyo xiisad ka dhex abuurtay Bileyska iyo dadweynaha
degmadaas, kadib markii ay wasaaradda Maaliyaddu amar ku bixisay
inaan halkaas lagu cashuurin qaadkaas, waxayna dadweynaha
degaankaasi la yaabeen sababta ay wasaaradda Maaliyaddu u
sharciyaysay in qaadka lagu cashuuro keliya degmada Kala-Baydh, isla
markaana loogu diidayo kastamada gobolada kale inuu soo maro qaadku.
Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, ayaa la sheegay inuu xalay
Taliyaha Bileyska ee gobolka uu dhowaan Riyaale magacaabay ee Hawd,
xaruntiisuna tahay Bali-gubadle ku amray in hadda wixii ka dambeeya
ay xidhaan wixii qaad soo mara degaamadaas, balse arrintaas ayay
wararku waxa ay sheegeen in Taliyaha Bileyska ee gobolka Hawd uu
cudur-daar ka bixiyay inaanay Bileys ahaan iyagu awoodi karin inay
is-hortaagaan cashuurta qaadka ee halkaas, sababo la xidhiidha
culays kaga imanaya dadweynaha degaankaas. Waxaanu taliyaha Bileyska
gobolkaasi sida ay tibaaxeen ilo xog-ogaal ahi, uu Wasiirka
Maaliyadda u sheegay inuu ciidamo ilaaliya qaadkaas la keeno
gobolka.
Arrinta keentay inuu qaadku ka leexdo kastamkii hore loogu cashuuri
jiray isla markaana uu soo mari jiray ee Kala-baydh ayaa la sheegay
inay ka dambayso kadib markii dhowaan ay wasaaradda Maaliyaddu
kordhisay Miisaanka cashuurta qaadka, kaas oo intii ka dambaysay
muddadaas ay bilaabeen Qaadlayaashu in ay halkay doonaan mariyaan
qaadkooda, koontarabaan ahaanna ku soo gelaya magaalooyinka dalka,
hase yeeshee qaadkan shalay magaalada Bali-gubadle soo maray ayaa
ahaa mid isagu ogol in loo cashuuro, balse aan la garanayn sababta
ay Wasaaradda Maaliyaddu u diidayso in lagu cashuuro qaadkaas
kastamka wasaaraddu ku leedahay Bali-gudbadle.
--------------------------------------------------------------------------------
Dhinacyada Khilaafku U Dhexeeyo Ee KULMIYE Oo Ku Heshiiyey Inay
Guddi Dhexdhexaadin Ahi Soo Kala Dhexgasho
Hargeysa, September 7, 2008 (Haatuf) – Wada-hadaladii u dhexeeyay
dhinacayada khilaafku u dhexeeyo ee xisbiga KULMIYE, ayaa xalay
yeeshay kulankoodii saddexaad, kaas oo la sheegay inay labada dhinac
ku heshiiyeen inay wada-hadaladooda goob-joog ka noqdaan guddi
dhexdhexaad ah oo ay labada dhinac isla garteen.
Kulankan ay xalay yeesheen dhinacyada KULMIYE ee khilaafku ka dhex
oogan yahay oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin kuna qabsoomay
xarunta Akaadamiyadda Nabadda Somaliland ee Hargeysa, ayaanay labada
dhinac midkoodna wax war ah ka soo saarin, hase yeeshee warar
xog-ogaal ah oo ku dhawdhaw dhinacyada wada-hadalku u socdo ayaa
tibaaxay inay labada dhinac isla garteen guddi ka kooban lix xubnood
oo goob-joog ka noqda wada-hadaladooda oo ay u balameen dhinacyadani
in ay isku soo horfadhiistaan habeenka Arbacadu soo gelayso.
Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee KULMIYE oo ka dhashay
shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ay ku yeesheen
dabayaaqadii bishii August ee in dhaaftay magaalada Burco, ayaan
ilaa hadda wax xal ah loo helin, iyadoo uu khilaafkaasi ka dhashay
qaabkii loo doortay musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka,
waxaanay labadan dhinac tan iyo muddadaas ay yeesheen saddex kulan
oo la doonayay in xal loogu helo khilaafkan cakiran.
--------------------------------------------------------------------------------
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Beeniyey In Ku-Xigeenkiisii
Dalka Baxsaday
Hargeysa, September 07, 2008 (Haatuf) - Guddoomiyaha jaamacada
Hargeysa Prof: Cabdi Haybe ayaa beeniyey warar sheegayey in
guddomiye ku xigeenkiisii Maxamed Maxamuud Faarax (Madoobe) uu dalka
ka baxsaday, taas oo uu ku tilmaamay war aan sal iyo raad toona
lahayn.
War-saxaafadeed uu saaray Guddoomiyaha jaamacadu ayuu ku sheegay in
warbaahinta qaarkood qoreen warar aan jirin oo xaqiiqda ka fog, isla
markaana jaamacadu ka nadiif tahay musuq-maasuq jaamacaduna tahay
muraayadii dalka.
War-saxaafadeedkan jaamacadu soo saartay waxaa kale oo lagu sheegay
in jaamacada ay aqoonsan yihiin jaamacado ka jira dalal kale, isla
markaana ay jaamacadan Hargeysa ay ku tallaabsatay horumar la taaban
karo.
Warsaxaafadeedkaasi oo dhinacyo badan taabanaya waxay u qornayd
sidatan :“Waxaan doonayaa in aan la hadlo cidda ka baxsan kooxda ama
shakhsiga rabba wax bulshada Somaliland leedahay inay u burburiyaan
ama sumcadeeda u baabi’iyaan dantooda gaar ka ah.
Waxaan la hadlayaa maanta cidda jecel jaamacada Hargeysa, cida ka
faa’iidaysanaya, cidda ka faa’iidaysatay, cidda ka faa’idaysan
doonta iyo waliba ciddii hore uga faa’iidaysatay jiritaanka
Jaamacada Hargeysa iyo Qaranka ay u tahay muraayada.
Jamhuuriya waxay ka hadashay arrin laga soo gudbay 3 sanno ka hor,
waxaa la yaableh muddadaas oo dhan waxay uga hadli waayeen arintan
ay maanta soo qoreen ee ay uga aamusnaayeen muddadaas dheer ,hore
ayaa loo yidhi Salaad walba waqtigeeda ayaa la tukadaa.
Waqtigan xaadirka ah cidda rabta una tafo xaydatay muraayada qaaliga
ah ee magaalada Hargeysi haysato in ay ku jajabiso , waxaan idin
xasuusinayaa inayna jirin jaamacada lamagac baxday University of
Hargiesa ka hor February 2000.
Maanta waxaynu haysanaa jaamacad laga aqoonsan yahay jaamacadaha
dalal badan oo shisheeye ah oo ardayda reer Somaliland ay
transfer-kooda toos ugu qaataan horuna aanay u jirin xidhiidhkan oo
kale, waxa ka mid ah:
University of Pretoria (South Africa), Kings College (London, UK),
Peace University ( Costa Rica), Northern Mennonite University (USA),
University of Perth (Australia), Kenyatta University (Nairobi,
Kenya), University of fort (South Africa), Audio-Visual University
(Nairobi, Kenya).
Waxaynu haysanaa Jaamacad ay maanta ka qalin jabiyeen ubad badan oo
anfacay naftooda, waalidkood iyo dalkoodaba, waxaynu haysanaa
Jaamacad in wax lagu daro mooyee in wax laga dhimo ayna haboonayn.
Waxaan ku wergelinayaa cid kasta oo ka naxaysa ama danaynaysa
Jaamacadda inayna u arin in qof dantiisa gaarka h wato balse ay
arkaan runta, runtaas oo ah waxa jaamacadda dhexdeeda yaala iyo waxa
y soo saartay, Dufcaddii ugu dambeysay waxa ka baxay arday dhan 260
oo ka kala qalin jabiyey kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda sida:
Science-ka, Law-ga, Bussiness Administration, Education-ka iyo
Islaamic Studies.
Waxay jaamacadu qabatay waa taas muuqata haddii aan la rabin in la
arko mooyee.
Lacagta fee-ga ee jaamacada waxa bixiya waalidka ama ilmihiisa taas
oo lagu bixiyo Dahabshiil waana xaq in uu ogaado waalidku waxay ku
baxdo, jaamacada Hargeysa wax mashaariic ah oo ay u qorato UNDP ma
jiraan, mashaariic ay Ha’addau siisaanaa ma jirto waxa ay hay’addu
qabata waxaa weeye in ay ka bixiso fee arday awooddi waayey inay
iska bixiyaan fee-ga intay doontaba tiradoodu ha noqotee, waxaa jira
mashruuca Legal Clinic ka oo ka kaaba ardayda dhigata Faculty-ga
dhinca practical-ka.
Jaamacada Hargeysa dad badan ayaa jecel kuna faraxsan, hadaba
qoladayadan maamulka heysaa waxaanu ka mid nahay inta ku faraxsan
jaamacada iyo ardayda dhigataba waxaanu u hurnay waqtigayagii iyo
cilmigayagiiba, jaamacadu maaha meeshii ugu horeysay ee aanu maamul
ka qabano Somaliland iyo Somaliyadii horeba waxaanu qabnaa in aanu u
qabanay wax wacan hogaankana sidii la rabay aanu ugu haynay sababta
tahay maalintii aanu jaamacada aanu qabanay tirada ardayda
dhiganaysay waxay dhamayd 200 oo qof maantana tirada ardayda dhigata
ay kor u dhaaftay 3000.
Jaamacada Hargeysa waxaa ka qalin jabiyey shan dufcadood, halkaas
waxaa ka muuqata horumar aad u weyn in ay jaamacadu ku talaabsatay
hawlo badan oo balaadhanina ay hadhsan yihiin.
Markaana aniga Cabdi Haybe ahaan iska hadlo dad badan ayaa I taqaan
ardayda aan wax baray kuma koobna uun jaamacadan Hargeysa, ardayda
aan wax soo baray aad ayey u badan yihiin Hargeysa in joogta oo wada
rag waaweyn maanta, iyo in dalka dibediisa joogtaba, qiimayntaydana
iyaga ayaan u daynayaa.
Hawsha loo igmaday waa in aanu ubadka wax barno, jaamacadana horumar
gaadhsiino una samayno xidhiidh caalami ah oo ka sii badan intan
aanu hadda la leenahay xidhiidhka, in aanu soo saarno arday tayo
leh, iyo in aanu soo helno oo aanu shaqaalaysiino macalimiin tayo
sare leh, in aanu ilaalino waqtiga ardayda, macalimiintana u helno
waxbarasho gaar ah.
Waxaa nagu khasab ah in aanu difaac taa ku liddi ah u diyaar nahay,
waxaan dhamaan dadweynaha iyo ciddi aaminsan inuu baxsaday
guddoomiye ku xigeenkii jaamacada sid algu sheegay wargeyska
Jamhuuriya in wax uu ka baxsadaa ama cid uu ka baxsadaa aanu jirin
qof wal oo jaamacada ka tirsan ama arday ha ahaadee ama shaqaale ama
maamulba ha ahaadee waxaa uu sannadkii ku leeyahay bil fasax ah,
guddoomiye ku xigeenka jaamacaduna waxaa u baxay fasaxiisii sidii
awalba caadada ahayd, cid uu iska qarinayaana may jirto oo sida
lawada ogyahay waxaa uu si sharci ah uga duulay madaarka Hargeysa”.
--------------------------------------------------------------------------------
“Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu Waxay Bilaamaysaa 14-Ka October”
Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta, Ismaaciil Muuse Nuur.
Hargeysa, September 07, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha Guddida
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland Ismaaciil Muuse Nuur ayaa
sheegay in hawsha Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay si toos ah uga
bilaabi doonaan gobolka Saaxil 14 October, 2008, isla markaana ka
dhigeen in gobolada Somaliland ay gobolba mar ka bilaabaan
Diiwaangelinta isagoo intaas ku daray in muddada Diiwaangelintu ay
socon doonto ay ku egtahay ilaa 22 January, 2009-ka.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu sheegay inay qorteen shaqaale
tiradoodu gaadhayso 360 qof oo ay ka qaateen Jaamacadaha Hargeysa,
Burco, iyo Camuud, isagoo tilmaamayna inay u dhiman yihiin 350 qof
oo shaqaale ah oo ay ka qaadan doonaan shacbiga Somaliland inkastoo
guddoomiyaha guddida Diiwaangelintu sheegay in qalabkii hawshaasi
lagu fulin lahaa uu badankiisu soo gaadhay, hadana ilaa waqtigan
xaadirka ah Komishanka Doorashooyinku may samaynin wax wacyigelin ah
oo ku saabsan hirgelinta Diiwaangelinta taas oo xeerka
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha xeer Lr 37 -207 ee ay goleyaasha
baarlamaanku ansixiyeen uu Komishanka Doorashooyinka waajib kaga
dhigayo in Diiwaangelinta ka hor ay wacyigelin ka sameeyaan geeddi
socodka Diiwaangelinta, maadaama oo ay qabyadaasi jirto oo aan wax
wacyigelin ah laga siin dadweynaha Diiwaangelinta waqtiguna gabaabsi
yahay waxaa adkaan doonta sida bulshada iyo nidaamkan ku cusub ay
iskula jaanqaadi doonaan, iyagoo Doorashooyinka madaxtooyada
qabsoomidoodana ay Komishanku u cayimeen 29 March, 2009-ka, iyadoo
ay dhowaana dhalinyarada gobolka Saaxil oo ka cawday qaabka ay
Komishanku u maamuleen xulashada shaqaalaha Diiwaangelinta ay
sheegeen in ay qaadici doonaan Diiwaangelinta haddaan saamigooda
gobol la siin, haseyeeshee arrimahan oo wax laga waydiiyey
guddoomiyaha Diiwaangelinta oo shalay waraysi siiyey idaacada laanta
afsoomaaliga ah ee BBC-da ayaa isagoo ugu horayn ka hadlaya halka ay
u marayso diyaargarowgii hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu waxa
uu ku bilaabay hadalkiisa “ hawlahayagii meel wanaagsan ayey noo
marayaan waqtigiina wuu soo dhowaaday qalabkana intiisa badnayd way
noo timid, qalabka inta ka hadhsana waxay na soo gaadhaysaa 14
September, intaas ka dib tababaradii iyo hawshii ayaa la galayaa”
S: 14 October, 2008 ayaad u qoondayseen in hawsha Diiwaangelintu ka
bilaabanto gobolada Somaliland muddo intee le’eg bay soconaysaa
Diiwaagelintu ?
J: Waxay noo soconaysaa ilaa 22-ka bisha January 2009.
S: Ma isku wakhti kaliyaa ayey Diiwaangelintu ka bilaabmaysaa
gobolada ?
J: Maya gobol kastaba hal mar ayaa laga bilaabayaa gobolka ugu
horeeyaana Saaxil buu noqonayaa, sidaana waxaynu u yeelnay maadaama
u nidaamkani inagu cusub yahay si aynu u kaantarooli karno haddii
wax mushaakilo ahi inagu yimaado, iyadoo goob joog loo wada yahay
Komishankii, xisbiyadii iyo Xukuumadii goobta lagu joojin karo wixi
inaga horyimaada.
S: qalabka loo adeegsanaya Diiwaangelinta muxuu yahay ?
J: Waxaa la adeegsanayaa qalabka ka kooban Lap Top, printing,
Digital Camera iyo aalada suulka qofka qaadaysa wayna isku wada
samaysan yihiin, kooxkastana waxay ka kooban yihiin 8 qof waxaanay
qaadanayaan qalabkaasi, kooxkastana waxa kale oo ay qaadanayaan baag
ay ku jiraan Foom kii lagaga shaqaynayey goobkasta oo
Diiwaangelineed.
S: Immisa goobood ayaa u qoondayseen Diiwaangelinta gobolada
Somaliland ?
J: Waxaanu u qoondaynay goobkasta oo laga Codayn jiray, waxaynu
lahaan jirnay 985 goobood oo ku kala yaalla gobolada dalka, intii
uun baa haddana ah goobo Diiwaangelineed hadhowna marka ay
Diiwaangelintu dhamaato waxay isku badelayaan goobo Doorasho.
S: Waxaad shaqaalaha ka qadateen Jaamacadaha Hargeysa, Burco,
Camuud, habkeebaa u xulateen shaqaalahaasi ?
J:Hawshan Diiwaangelinta waxaa loo baahan yahay cid aqoon u leh
Aqoonta Computer-ka ee IT-ka la yidhaahdo, farsamadana waxa laga
heli karaa ardayda Jaamacadaha Hargeysa, Togdheer, Camuud sida
gaarka ah uga dhigatay Culuumta Computer-ka , min 120 arday ayaanu
ka qaadanay Jaamacad kasta, oo isku noqonaya 360 arday, horena
waxaanu u qaadanay 45 nin oo tababareya kooxahaas dabeeto imika
waxaa noo hadhay 350 aanu ugu talagalnay dadwaynaha si aanu fursad
iyagana u siino cidii kale ee garanaysa cilmiga IT-ga si aanay
Jaamacadaha oo kaliya ugu eekaan.
S: Cabasho badan ayaa ka soo yeedhaya gobolada oo ku saabsan qaabka
shaqaalaha aad uga qorateen jaamacadaha eedayntaas sideed u aragtaa
?
J: Cabashooyinkaasi way nasoo gaadheen runtiina aad baanu uga
fiirsanaynaa 350 baana wali noo hadhay tirada noo hadhsan ayaanu
cabashooyinkaa jira wax kaga qaban doonaa oo aanu ugu tallogalnay
gobolada dalka oo dhan.
S: Dadku sidiisaba waa reer guraa wakhtigaasi Diiwaangelintuna waxaa
dhici karta inuu ku soo beegmo xilli jiilaal ama xagaaga siday u
suurta gali kartaa in qofkastoo muwaadin ahi ba uu u helo kaadhka
codbixinta ?
J: Horta Diiwaangelinta Komishanka Doorashooyinka may keenin waa
xeer ka soo baxay baarlamaanka Somaliland oo ay anisixyeen Wakiiladu
iyo Guurtudu, madaxweynuhuna saxeexay, markii Doorashooyinkeenii
hore oo bilaa Diiwaangelin ahaa laynagu dhaliilay ayey khasab
noqotay in dadka codka bixinaya la Diiwaangeliyo, nidaamkani maaha
mid aynu maanta inagu bilownay caalamka kalaba wuu ka jiraa
dalkastana wuu leeyahay bulsho reer guuraaya.
S: Maxaa lagu cadaynayaa qofka Somalilander ah iyadoo ay jiraan dad
Somaliland u dhashay oo ku nool kililka Shanaad ee Itoobiya iyo
gobolada Soomaaliyaba sidee ku sugaysaan ?
J: waxaa jira xeerka jinsiyada oo ay goleyaasha baarlamaanku
ansixiyeen nuxurkiisuna odhanayo qofkii Somaliland deganaa 1960 kii
isir ahaan u daganaa Somaliland ayaa reer Somaliland ah, wasaaradaha
Arrimaha Gudaha ayaa doorweyn ka ciyaaraysa iyagaana bixinaya
jinsiyada, anaguna ka dib ayaanu bixinaynaa kaadhka lagu codaynayo,
Nidaamka la dajiyey oo lagu hubinayo ayaa jira dad la adeegsanayaana
way jiraan Cuqaasha, laba xubnood oo wasaarada Daakhiliga ka socda,
dalkeenuna way isyaqaanaan mana qabo in wax mushaakil ahi ka imanayo
aqoonsiga Jinsiyada Muwaadinimo.
Arrinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ayaa ahayd arrinta ugu weyn
ee la odhan karo waa arrimaha dib u dhigay muddadii Doorashooyinka
golahayaasha Deegaanka iyo madaxtooyada ee dalka ka dhici lahaa
horaantii 2008 ee aynu hadda ku jirno, ilaa waqtigan xaadirka ahna
arrinka Diiwaangelintu waa qodobka ugu adag ee horyaala Guddida
Doorashooyinka Qaranka taas oo ilaa waqtigan xaadirka ahna aan wax
talaabo ah laga qaadin dhinaca wacyigelinta Diiwaangelinta waxaanay
dad badani u arkaan waqtigan xaadirka ah marka la eego qabyada ka
jirta hawlaha muhiimka u ahaa iyo muddada loo qabtay Doorashada
madaxtooyada inaanay ku suurta gali karin iyadoo muddadii ay u
cayimeen Komishanka Doorashooyinkuna inay ku qabsoonto Doorashada
madaxtooyada ay ka hadhay muddo 6 bilood iyo badh ku siman.
--------------------------------------------------------------------------------
Kooxaha Maxkamadaha Oo Maamul Islaamiya Kaga Dhawaaqay Kismaayo Iyo
Awooda Sii Kordhaysa Ee Ay Kooxahaasi Ku Yeelanayaan Koonfurta
Somalia
Kooxaha islaamiyiinta ee qabsaday Kismaayo ayaa sheegay inay
shareecadda islaamka ku dhaqayaan magaaladda Kismaayo oo ay dhawaan
ka qabsadeen maleeshiyo beeleed uu hogaamiyo Bare Hiiraale.
Kooxdan islaamiyiinta ah ayaa shalay ku dhawaaqay dhismaha maamul ku
dhisan shareecada islaamka inay ka sameeyeen magaalada Kismaayo,
kaas oo ay sheegeen inuu ka kooban yahay xoogaga qabsaday magaaladda
iyo dad ka tirsan deegaanka Kismaayo.
Maamulkan ay maxkamaduhu ka dhiseen Kismaayo ayaa waxa uu ka kooban
yahay guddoomiye, ku xigeen iyo dhawr guddi oo kala ah guddida
amaanka, dhaqaalaha, dacwada, warfaafinta iyo arrimaha bulshada.
Madaxa xafiiska warfaafinta ee maamulkan cusub ayaa warbaahinta u
sheegay in uu maamulku noqon doono mid dadka si buuxda ugu dhaqa
shareecadda Islaamka.
Qaab dhismeedka maamulkan Kismaayo loo dhisay ayaa ah sidan:-
Shiikh Abuukar Al-Zeylici, Guddoomiye
C/qani Maxamed Yuusuf, Guddoomiye ku xigeen
C/raxmaan Cali Axmed, Xafiiska Amniga
Maxamed Sahal Iidle, Ku xigeenka Xafiiska Amniga
C/weli Aadan Dheriyow, Xafiiska Maaliyadda
Ibraahim Axmed Cusmaan, Ku xigeenka Xafiiska Maaliyadda
Khaalid Maxamed Aadan, Xafiiska Dacwada
C/raxmaan Axmed Aadan, Ku xigeenka Xafiiska Dacwada
Shiikh Xasan Yacquub, Xafiiska Warfaafinta
C/fataax Ibraahim Cali, Ku xigeenka Xafiiska Warfaafinta
Shiikh Xasan Yacquub oo maamulka loo dhisay magaalada Kismaayo
Afhayeen u ah ayaa waxa uu sheegay in maamulkani yahay mid dadka ku
dhaqi doona Shareecada Islaamka, isagoo xusay in Shareecada Islaamka
ay tahay waxa kaliya ee ay dadka Muslimiinta ah Cadaalad ku heli
karaan.
Kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama koonfurta somaliya ayaa
baryahanba awoodoodu isa soo taraysay, kuwaas oo gobolada J/Hoose,
J/Dhexe, Sh/Hose, Bay/ iyo Bakool intooda badani ay ku jiraan
qacantooda, iyada oo dawlada Mbagathi ay ka soo laalaabatay
goboladaasi.
Awooda kooxaha islaamiyiinta ah ayaa ku soo beegantay xilli ay
jiraan wadahadalo u dhexeeya Dawlada Mbagathi iyo mucaaridkeeda,
kuwaas oo dhawaan la sheegay inay heshiis wadda gaadheen hase
yeeshee kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama guddaha Somalia ayaan
iyagu ogolayn haba yaraatee inay heshiis la galaan, isla markaana
diidan hesheeska Xukuumadda iyo mucaaridka iyagoo sabab uga dhigay
joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Somalia.
-------------------------------------------------------------------------
Maraykanka Oo Ciidan Khaas Ah U Duraya Somaliya Si Looga Hortago
Budhcad Baddeeda
East Afrika, September 7, 2008 (W. Wararka) Dowladda maraykanka ayaa
shaaca ka qaaday in ay qaban qaabinayaan si dii ciidan badmaaxiin ah
loogu diri lahaa xeebaha somaliya ee ay budhcad baddeedu faraha baas
ku hayso.
Ciimadan ayaa ilaalin doona xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya
ee had iyo jeer ay ka dhacaan falalka Afuubka ah ee ay ku kacaan
budhcad badeedu.
Mas’uul u hadlay dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadani ay
iskugu jiraan kuwo adeegsan doona maraakiibta dagaalka iyo
diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helicopter oo dul haadi
doona biyaha badda.
Maraykanka ayaa ciidamadaasi si gaar ah u tababaray 22-kii bishii
August ee aynu soo dhaafnay.
Balse masuulkan u hadlay dawlada maraykanka ayaa waxa kale oo uu
sheegay hawlgalkan ammaan sugida ee xeebaha gobolka ay ciidamada
Maraykanku ka fulinayaan ay dhiirigelin doonto gaadiidka badda ee
ganacsi.
Waxaa laga baahan yahay ayuu mas’uulkan yidhi “gaadiid badda ee
ganacsiga in ay wixii farriimo ah si degdeg ah u soo wargeliyaan
ciidamada Maraykanka”.
Falalka afduubyada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka
Cadmeed waxay gaadheen heerkii ugu sarreeyay ee abid ay gaadhaan,
iyadoo ciidamo ajnabi ahi ay ku sugan yihiin xeebahaasi.
By:Adam Ege
Xigasho:Haatuf News
|