WAR SAXAAFADEED

 

 

Hargeysa (TNN)-War saxafadeed  maanta ka soo baxay xafiiska Telefiishanka caalamiga ah ee Horn Cable TV (HCTV) xaruntiisa magaalada London oo uu ku saxeexan yahay Mulkiilaha iyo Gudo omiyaha Telefiish anka caalamiga ah ee Horn Cable TV mudane Farxaan Xaaji Cali Axmed waxa uu ku magacaa bay wakiil cusub oo ay Telefiishanka Caalmaga ah ee Horn Cab le TV ku yeellan doonaan waq ooyiga Ameerika. Wakiilkaas oo ah weriyaha ruug cadaaga ah Cali Cabdi Xaraare ee deggan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Mudane Cali Cabdi Xaraare oo isagu ah weriye in badan ka soo shaqeeyay Idaacadaha caalamiga ah ee Voice of Amerika iyo BBC da laamaho oda ku hadla Afka Soomaaliga, iyo weliba TVga bulshada ku dhaqan gobokaasi.

Aqoonyahan Cali Cabdi Xaraare waxa uu ku dhashay magaalada Hargeisa, halkaasi oo ku d hamaystay waxbarashada Hoose ilaa sare,waxa dabeetana galay oo uu wax barashadii Ja amicadda ku dhammaystay ,Technical and Commercial teacher's collage ee Muqdisho .Dabee tana waxa Cali Xaraare uu markiiba shaqo ka bilaabay mashruuc la oran jiray Bay project oo saldhigiisu ahaa magaalada Baydhabo.Mashruucaasi ayaa muddo gaaban Cali Cabdi Xarare waxa ay wax barasho ugu direen dalka Masar ,halkaasi oo uu markii uu soo dhamaystay uu ku soo noqday isla Bay Project.

Burburkii dowladdii dhexe ee Somalia ayaa wax yar ka hor Cali Cabdi Cabdi Xaraare ,waxa uu u ambabaxay dalka Yemen halkaasi oo uu muddo afar sano ah Macallin ka ahaa gobollo kala duwan oo dalkaasi ka tirsan . sannadkii 1994 ayaa Cali Xarare isaga oo macallin ah waxa uu shaqo ka helay oo ku biiray laanta Af-Somaliga ee idaacadda BBC da halkaasi oo uu muddo u ga soo warrami jiray

Cali Cabdi Xaraare ayaa muddadii uu BBC da u shaqaynayey ahaa weriye firfircoon oo ka dh ex muuqda weriyaashii idaacdda waqtigaasi u soo warrami jiray .Waxa uu xilligaasi si weyn ugu caan baxay qaybtii laxaadka lahayd ee uu ka qaatay ka war hellida dadkii Somalida ahaa ee Doonyuhu kula qaraqmeen xeebaha waddankaasi .


Cali Xaraare waxa kale oo uu ahaa weriyihii ugu horreeyey ee BBC da wararka uga soo teb in jiray Shirkii dib u heshiisiinta Somalida ee sannadkii 2000 lagu qabtay dalka Djabouti .
Cali Cabdi Xaraare ,waxa uu waraysiyo ka qaaday Madaxweynayaal,Ra'isal wasaareyaal,oo dad Mansabyo sare ka hay Somalia,Yemen Kenya ,Djabouti iyo madax kalabe .

Sannadki 2002 ayuu hada Cali Cabdi Xaraare isaga oo jooga dalka Yemen waxa uu ku guulay stay Fiisaha Bakhtiyaa nasiibka ee Maraykanka . waxan uu uu u dhoofay dalka Maraykanka gobolka Minnesota . Markiiba Cali waxa uu ka qayb qaatay Somali community TV ay dadka Somalidau daawadaan,muddo yar kadibna waxa Cali Cabdi Xaraare uu ka mid noqday raggii dhidibada u taagay e aasaasay idaacadda VOA ,laanteeda Af-Somaliga . Muddadii Cali joog ay VOA waxa Malaayiin Somali ahi ay aad ugu xausuustaan Barnaamijkii uu muddada dher daadihinayey ee Cawayska Washington. Barnaamijkaasi ayaa Cali gaarsiisey halkii ugu sar raysay oo barnaamij gaaro ,kaasi oo Somali badan oo dacallada dunida ku nooli ay aad u xii sayn jireen .

Barnaamijkaasi Cawayska Washington ayaa gaaray heer ay dad badani Mobilada kala socda an,farriimo la isugu gudbiyo,iyo weliba isaga oo noqday barnaamij waqtiga uu baxayo mid dad badani ku tala galaan oo ay sugaan. Cali Cabdi Xaraare ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin ah Qosolyahan iyo Aqoonyahan oo kaftan badan ,firfircoon weliba dadka ka qoslin kara ,islamarkaasina ururiya sheekooyinka maadda iyo qosolka ee Somalida.

Cali Cabdi Xaraare oo haatan ku nool gobolka Minesota ayaa ayaa nasiib wanaag ku soo biir ay oo ka mid noqday weriyayaasha TV caalamiga ah ee Horn Cable. Cali waxa waxa uu qaab ilsan yahay Woqooyiga America ,waxaana dad badani ay filayaan in uu Cali soo gudbin doo no wararkii iyo barnaamijyadii looga bartay.

Telefeshiinka Caalamiga ah ee Horn Cable TV waxa uu mar walba ka haqab tiraa bulsho wey nta Afka Soomaaliga ku hadasha ee ku nool Geeska Afrika iyo qurbo-joogga Soomaalida ee deggan dunida daafaheeda wararkii u danbeeyay iyo barnaamijyo xiiso badan. Ramadaan Kareem.

 

 



Farxaan Xaaji Cali Ahmed

Mulkiilaha iyo Gudoomiaha Telefiishanka Caalamiga ah ee HornCable TV (HCTV)