War Saxaafadeed: Magacaabid Madaxda Olalaha Doorashada Ee Xisbiga Kulmiye

 


XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND
(KULMIYE)



REF: XK/G/0148/09
DATE: 17/07/2009


KU: DR. MAXAMED CABDI GABOOSE =GACANSAAR=

KU: MD. CALI MAXAMED GUULEED (MAARSHAAL) =GACANSAAR=

OG: XUBNAHA HOGGAANKA SARE EE XISBIGA =XARUNTA =




UJEEDDO: MAGACAABID MADAXDA OLOLAHA DOORASHADA
EE XISBIGA KULMIYE



Mudaneyaal,


Ololihii doorashadu waa ka inoo bilaabmaya, waxaana  lagama  maa rmaan ah in xisbigu dhiso qaabkii aynu ololaha u maamuli lahayn.


Talooyinkii la soo jeediyey waxa sida aan u arko u mudnaa aragtida odhanaysa in hawsha kaanbaynka loo maamulo saddexda Gobol ee bariga oo Burco xarun u noqoto iyo saddexda Gobol ee galbeedka oo Hargeysa u noqoto xarun, iyadoo mid waliba leedahay  qaab  dh ismeed dhamaystiran min tuulo ilaa xarunta Gobolka.


Waxa kale, oo xarunta Xisbiga ka dhisnaanaysa Guddi mus-danbe ed ah oo uu madax ka yahay Musharaxa M/weynaha, ayna ka mid yihiin xubnaha hoggaanka Xisbigu, madaxda Baarlamaanka iyo  xub nihii kale ee loo baahdo.


Hadaba, waxaan u magacaabayaa dhismaha Guddiyada ololaha iyo hoggaamintoodaba saddexda Gobol ee bariga DR. MAXAMED CABDI GABOOSE. Sidoo kale, Saddexda Gobol ee galbeedkana waxaan u magacaabayaa MD. CALI MAXAMED GUULEED (CALI MAARSHAAL).



Guul baan Xisbiga u rajaynayaa.



Wa Bilaahi Tawfiiq



MD. AXMED MAXAMED SIILAANYO
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE