War saxaafadeed
Ref: UDUB/XS/F-4/09 Date 02/09.09
Uma yeedhinayno Somaliland waxa ay qabsanayso, laakiin waxanu la
garab joogeynaa taageero mug leh dhinaca siyaasada iyo horumarkaba.
Waxa dalka booqasho ku jooga wefi ka socda xafiiksa qaramada
midowbay u qaabilsan arrimaha siyaasada ee Somalia iyo Somaliland
United nations Political Office for Somalia . Wafdigaas waxa
hogaaminayey Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midowbay u jooga Somalia
Mr. Charles Petrie ( Deputy Special Representative of the Secretary
General).
Wakiilku waxu shalay kulamo la yeeshay, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda,
Qorsheynta Qaranka, Arrimaha Gudaha iyo caddaalada, wakiilku waxu
kaloo kulamo la yeeshay shalay Xisbiyada qaranka iyo madaxda labada
gole ee Wakiilada iyo guurtida.
Wakiilku isagoo ka war bixnaya ujeedada safarkiisa ayuu sheegay inay
u yimaadeen sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka Xafiiska
siyaasada ee United nations Political Office for Somalia UNPOs iyo
Somaliland mustaqbalka dhow iyo ka dheer.
Waanu qirsaan nahay in Somaliland wax badan qabsatay, dawladooda iyo
shicibkooduba ay sameysteen dawlada iyo golayaal shaqaynaya. Waa
inaanu ku taageerno wax qabsigeeda iyo horumarka ay gaadhay
Somalialnd ayuu yidhi wakiilku., Waxanu ka cudur daaranayna mudadii
badnayd ee aanaan Somaliland waxba la qaban. Laakiin hadda waxanu
qorshaynaynaa inaanu xafiis ka furano dalka Somaliland. Waxanuna
Somaliland ka caawinaynaa sidaanu kor ugu qaadin lahayn dhinaca
siyaasada oo joogitaankayagu gacan ka geysan doono si arrinta
Somaliland ee dibada loo xoojiyo, beesha caalmakuna u fahamto.
Uma yeedhinayno Somaliland waxa ay qabsanayso, laakiin waxanu la
garab joogeynaa taageero mug leh dhinaca siyaasada iyo horumarkaba.
Ku xigeenka wakiilka Xoghaya guud waxu sheegay inay war bixinta
Somalialnd u gudbinayaan Xogyaha Guud ee QM iyo Golahaba ammaankaba.
Umaanu iman inaanu xal u helo arrimaha siyaasada ee Somaliland ka
taagan, hase ahaate waxanu dhegaysanynaaa war bixintiina.
Somaliland waxay ay lee dahay dhaqan ay ku xaliyaan khilaafaadkooda
waxanuna rajaynaynaa inaanu maqalo iyadoo aad xalisheen khilaafkiina
sidaad kuwo horeba u xaliseen.
Wakiilku waxu hoosta ka xariiqay inay hadda u soo jeesteen inay wax
la qabtaan Somaliland, iyagoo meelo badan wax kala qabanaya dawladda
Somaliland.
Cumar Jaamac Faarax
Guddoomiyaha Siyaasada Xisbiga UDUB
|