War saxaafadeed Laanta Xisbiga Kulmiye ee Birmingham
Shir ay qabsadeen gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee Birmingham oo uu
gudoominayey Gudoomiya ha laanta Birmingham Abdikhaliq sheikh Osman
Nuur ayaa qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 1da April .
Shirkan ayaa ahaa mid ay u dhamaayeen dhamaan sagaalka xubnood ee ka
tirsan gudida laanta Birmingham. Waxaa shirkaas lagaga wada hadlay
qodobo dhawr ah kuwaas oo looga dan lahaa sidii loo dardar gelin
lahaa hawlaha xisbiga ee Gobolka West-Midland ee caasimadiisu tahay
Birmingham isla markaana ah magaalada labaad ee Ingiriiska.
Waxaa xusid mudan in magaalada Birmingham ay tahay qalcad ka mid ah
ah qalcadaha ugu waaweyn ee xisbiga kulmiye ku leeyahay qurbaha .Waxay
door weyn oo muuqda ka qaadatay ololaynti doorashadi ugu danbaysay
ee xisbiga kulmiye ku qabsaday talada dalka ee ka qabsoontay 2010
kii.
Shirkan ay gudidu qabsatay ayaa hor dhac wuxuu u noqon doona shirar
is daba jooga oo ay taageerayssha xisbiga kulmiye qabsan doonaan
maalmaha soo socda.
Shirkan oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo is afgarad ayaa
waxaa laga soo saaray qodobadan hoos ku qoran:
1- Dardar gelinta hawlaha xisbiga ee laanta Birmingham
2- Qabsoomida shir lagu soo dhawaynayo taageerayaasha ururadi ku soo
biiray Xisbiga doorashadi golaha degaanka ka dib.
3- Waxaanu aad u taageersanahay shirki golaha dhexe ee xisibiga
kulmiye ku qabasday magaalo madaxda Somaliland Hargaysa, waxaanu
leenahay dhamaan Madaxweynaha iyo masuuliinta xisbiga hambalyo.
4- Waxaanu sidaa si le’eg u tahniyadayneynaa una taageersanahay
go’aanki geesinimada lahaa ee uu qaatay madaxweynaheenu Muj Ahmed
Mohamed Mohamuud (siilaanyo) ee ku saabasana inaanay Somaliland ka
qayb gelin shirka London ka dhacaya dhawaan ee khuseeya dalka
jaarkeena ah ee Somaliya.
War saxaafadeed Xafiiska laanta
Gu. Abdikhaliq Sh Osman
Gu. ku xigeenka kowaad Mahamuud Hirsi Duudu
Somaliland Guul iyo Gobanimo
|