War Saxaafadeed Ka Soo Baxey Madaxda Hogaanka Sare Ee Beesha Muuse Dheriyo Ee Somaliland Kuna Canbaareynayaan M -Puntland

 


Doha (Longlivesomaliland News)-War saxaafadeed ay ka soo saareen madaxda hogaanka sare ee beesha Muuse dheriyo ee Somaliland shir iyo gorfayn ay in mudo ah ku jireen oo ay ku eegayeen xaalada guud ee Beelaha Gabooyaha ee guud ahaa wadankii la odhan jiray Somaaliya ayaa waxay ka soo saareen  Camba areyn ay u jeedinayaan maamulka isku sheega Maamul goboleedka Puntland  wax aana u qornaa Press release ka ay soo saareen sidan:

Waxaanu isla aragnay markii aanu in mudo ah ku jirnay gorfayn aanu ku eegayno xaalada Beelaha Gabooye guud ahaan gaar ahaan Gabooyaha Puntland in ay ka jirto maamulka isku sheega ama dowlada isku sheegta Puntland in aan xaquuqdii ay ku lahaayeen Beelaha Gabooye ee deegaanka ah ee Puntland aan xuquuqdii ay ku lahaayeen deegaanka ay u dhasheen ee Puntland aanay ka helin dowlada ka jirta goboladaas oo aanay ka muuqan guud ahaan maamulka deegaanada ka jira hadii ay noqoto golaha wasiirada barlamaanka iyo maamulada gobolada iyo degmooyinka taas oo ah mid laga damqado ama muujinaysa cadaalad la aanta iyo xaqsoor la aanta ka jirta maamulkaas Puntland.

Puntland oo ay degan yihiin beelo Gabooye ah oo baaxad weyn leh oo kala ah beesha Madhibaan iyo beesha Tumaal oo tiro iyo tayo fiican ku leh gobolada Puntland isla markaasna ku abtirsada degaanadaas ayaa wax laga xumaado ay tahay in aanay weli ka muuqan maamulka iyo dowlada ka jirta Puntland iyo nidaamka ay samaysteen oo iminka dhawr iyo toban sano shaqaynaya.

Hadii aanu nahay beehsa Muuse dheryo oo ku abtirsata Somaliland oo maanta ay ka jirto dowlad iyo maamul ku yimid cadaalad iyo xaq soor ay ku wada qanacsan yihiin dhamaan beelaha dega ama ku wada abtirsada Somaliland oo dhamaan ay beeluhu ku wada jiraan ama ay ka wada muuqdaan maamulka iyo dowlada in beelaha yar yar iyo kuwa waaweyni dhamaantood ay intii macquul ah ku qanacsan yihiin isu tanaasulka iyo maamul wanaaga ka jira Somaliland taas oo u horseeday dadka iyo dalka Somaliland nabad iyo wanaag oo aanu beel ahaan ku qanacsan nahay maamulka iyo demoqraadiyada ka hana qaaday Somaliland isla markaana beel ahaan aanu ka helnay qaybtii ama saamigii aanu ku lahayn.

Mar kale waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa maamulka Puntland ee dhawr iyo toban jirsaday ee ay noqotay mid iska caado noqotay in la dulmo ama xaqooda la duudsiyo beelaha aanu soo xusnay ee Madhibaan iyo Tumaal oo aanay ilaa iyo iminka suurto gelin in la xuso oo ay helaan saamiga ay ku leeyihiin ka beel ahaan dowlada ka jirta Puntland waxaananu u sheegi lahayn beelaha iska maamusha deegaanka Puntland inay dhamaatay wakhtigii isla weynida iyo is yaraysugu oo ay ku qancaan waaqiciga jira iyo xaqa ay u leeyihiin beesha Madhibaan iyo Tumaal inay helaan xuqooqda ay ku leeyihiin deegaanka ay u dhasheen sida beelaha kale ay uga qayb noqdeen maamul qaybsiga iyo haybada wadaninimo ee Puntland isla markaana waxaanu u soo jeedinaynaa maamulkaas Puntland inay tusaale u noqoto Somaliland sida wanaagsan ee quruxda badan ee beelahoodu ay wax u qaybsadeen iyada oon la eegayn hayb iyo magac taas oo si simana looga qayb gelayo dowlada iyo maamulka.

Waxaanu si toos ah u gaadhsiinaynaa baaqan Madaxweynaha Golaha wasiirad Barlamaanka Hogaan dhaqameedyada iyo mujtamaca reer Puntland inay ka tanaasulaan dulmiga iyo cadaalad la aanta ay kula kacayaan beelaha Madhibaan iyo Tumaal ee wallaalahood ah ee qarniyada badan wada noolaayeen taas oo dareenkeedu xanuun badan yahay foolxumada ay leedahay in la duudsiyo beelo ka mid ah deegaanka Puntalnd isla markaana aan la siin xaqa iyo xurmada wadaninimo oo ay beel ahaan ku lahaayeen deegaanka ay ku abtirsadaan iyada oo hadii wax laga qaban waayo xaqsoor la aanta lagu hayo beesha Madhibaan iyo Tumaal ay keeni doonto in aanu dhawaaqayaga gaadhsiino beesha Caalamka si culays loo saaro maamulkaas Puntland.

Dhanka kale waxaanu u soo jeedinaynaa wallaalahayga beesha Madhibaan iyo Tumaal inay dedaal u galaan sidii ay u heli lahaayeen xaqooda wadaninimo ee ay ku leeyihiin dowlada iyo maamulka Puntland oo aanay marnaba ka seexan wax kasta oo ay ku qaadato sidii ay uga mid noqon lahaayeen nidaamka beeleedka ka jira Puntland maamulka iyo goaan qaadashda aayaha iyo nidaamka maamul ee Puntland taas oo aanu hubno inay gaadhi doonaan Insha Allaah hadii ay naf iyo maalba u huraan sidii ay u heli lahaayeen xurmadii beeleed ee ay lahaayeen ee ay baal mareen beelaha Daarood ee samaystay Puntland ee iyaga uun isku koobay dowlada isla markaana aan siin xaqoodii beel ahaaneed.

Waxa kale oo aanu baaqayaga ugu yeedhaynaa in badan oo ka mid ah beelaha Madhibaan iyo Tumaal oo wax garad ah oo qaarkood ay ku sugan yihiin Somaliland oo soo galay Somaliland isla markaana leh salaadiin iyo madax dhaqameed ka yimid Puntland ka dib markii ay xuquuqdoodii beeleed ka waayeen Puntland inay halgan u galaan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen Puntland oo ay halgan uga geli lahaayeen sidii ay beeshooda Madhibaan wada hadal iyo dedaal ugu geli lahayd inay u hawl gasho helitaanka xuquuqdooda beelood si ay u hesho xurmadii iyo xaqii wadaninmo ee beel ahaaneed inay ka hesho dowlada Puntland oo ah maamul jira oo shaqaynaya waxaananu ku boorinaynaa wallaalahyo beelaha Madhibaan iyo Tumaal in la dhaafay wakhtigii is yaraysiga iyo duudsiga oo ay ku tusaale qaatan dedaalka aan kala goa lahayn oo ay geshay beesha Muuse dheriyo oo maanta gaadhay intii macquul ah xaqii iyo xurmadii beeleed ee ay lahayd waxaananu u sheegaynaa in aanu ku farxi lahayn in aanu aragno beelaha Madhibaan iyo Tumaal oo hela xuramadii iyo xaqii wadaninimo ee ay ku lahaayeen deegaanka ay ku abtirsadaan ee Puntald halkii ay doolaal ku ahaan lahaayeen Somaliland.
Sidoo kale waxaan u soo jeedinaynaa qurba joogta beelaha Madhibaan iyo Tumaal inay dedaal u galaan sidii ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen dedaalkaas iyo sidii ay u midayn lahaayeen beelahooda oo wax walba loogu bixin lahaa gaadhista xuquuqdoodii beeleed ee deegaanka ay ku abtirsdaan ee Puntland taas oo noqonaysa guul u soo hoyatay beelahooda iyo guud ahaan Gabooye oo dhan.

Warsaxaafadeedkan oo ay soo saareen Hogaanka sare ee beehs Muuse dheriyo ee Somaliland waxa ka mid ah aqoonyahan yahankii iyo madaxdhaqameedkii soo saaray:

1:Suldaanka Guud ee Muusa dheriyo: Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Ismaaciil.
2:Suldaanka Guud ee gabooye ee Somaliland:Suldaan Axmed Ismaaciil Cismaan Buuri.
3:Boqorka Beesha Gabooye :Boqor Xaaji Muuse Cabdi.
4:Cheif Caaqilka Beesha Muuse dheriyo: Cheif Caaqil Cabdi Cige Huube.
5:Caaqil Muuse Dheriyo: Xasan Haybe Caateeye.
6:Gudoomiyaha Qurba Joogta Muuse dheriyo:Axmed Maxamed dhinbiil.
7:Aqoonyahan:Dr. Cabdilaahi Maxamed Jaamac Faantamas.
8:Aqoonyahan: Cali Maxamuud Saban.
9:Aqoonyahan: Barkhad Cabdi Cige,Mr Gaboye.
10:Aqoonyahan:Mustafa Ismaaciil Dhinbiil.



By:mustafadhimbil@yahoo.com