War saxaafadeed ay soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

War saxaafadeedka oo dhammays tiranna sidan ayuu u qornaa

"Wadahadalladii u bilaabmay axsaabta qaranka ee 16-kii May ee lagu  falan qe ynayey dhammaystirka hawlaha doorashada madaxtooyada ee Somaliland waxa ka dhashay heshiiskii axsaabta qaranka ee 27-kii May 2009 ee diyaarga rowga doorashada madaxtooyada.

Iyadoo heshiiska laga ambo qaadayo Komishanka Qaranku waxay bilaabeen in xisbiyada qaranka ka wada shaqeeyaan dhammaystirka arrimaha soo socoda:

1. Guddida farsamada ee Diiwaangelintu waxay isku raaceen hawlgalka hab-raaca dhammaystirka hawlaha server-ka (parameters).

2. Waxa gebogebo taagan xeerkii hab-dhaqanka axsaabta qaranka ee  doora shada madaxtooyada.

3. Waxa la isla qaatay dhammays tirka wixii gal daloolo sharci ah si loo  same eyo lifaaq wax-ka-beddel ee doorashooyinka 20/2001 iyo Xeerka  Diiwaang elinta.

4. Waxa dhammaystirmay oo ay dawladdu bixisay saamigii kharashka  dawlad da ee doorashada madaxtooyada oo lagu shubay xisbaata Komishanka,  taas oo dhan SL SH 7,200,000,000/= una dhiganta hal milyan oo dollar.

5. Komishanka Qaranku wuxuu dadweynaha, axsaabta, dawladda ku  baraaru jinayaa inay hareeraha iska taagaan sidii looga midho-dhalin lahaa  qabsoomi da doorashada madaxtooyada oo qaban qaabadeedii la gudog alay. "