War
saxaafadeed
Date: 11/08/2011
Fadhigii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada JSL, oo uu gudoominaayey
Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane,
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood dheer ka dib
lagu go’aamiyey:-
1. In ay Somaliland diyaar u tahay Gurmadka Caalamiga ah ee loo
fidinayo dadka ay bara kiciyeen abbaaruhu ee mandaqada geeska Africa
siiba Soomaaliya.
2. Sidoo kale Waxa la magaacay Guddi Heer Qaran ah oo ka soo tala
bixinaysa kaalinta Gurmadka ee Somaliland, iyo sidii Qaadhaan loogu
heli lahaa dadka ku tabaalaysan soomaaliya.
3. Iyo In Cidallaale cidii taakulo u sida Dadka ku macaluullaya
soomaaliya loo fasaxay Dekeda Berbera isticmaalkeeda loona soo marin
karo Dadkaa Macaluushu saamaysay iyo in ay Somaliland uga sii gudbin
karaan Cuntada ay u sidaan Soomaaliya.
Xubnaha Guddida oo Dhan 7 Xubnood waxa ay kala yihiin sidan :-
1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
2. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Mudane, Axmed X. Cali Cadami
3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed
4. Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta Sh. Khaliif Cabdilaahi
Axmed
5. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Mrashiid Sh. Xasan
6. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan
7. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta. Cali
Cabdi Saayiq
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|