WAR
MURTIYEED

Aqoonyahanka Somaliland-Koox Madaxbannaan:
Fulinta Talooyikii Guddiga Dhexdhexaadinta
(16.05.2009, Hargeisa, Somaliland)
I. Hordhac
10kii bisha May 2009, waxaa Huteeka Ambassador ku kulmay koox aqoo n
-yahanka Somaliland ah kana kooban 12 xubnood si ay u gorfeeyaan
fulinta Talooyinkii Guddiga Dhedhexaadinta ee la soo saaray 29kii
April, 2009. Kulanka waxaa daaddihinayey Dr. Maxamed Fadal, Agaasim
ah haya’dda (SORADI). Ka qaybgalayaasha kulanku dhammaantood
waxayahaayeen dad muddo dheer ka soo qaybgalay dibu-dhiska iyo
taxanaha geeddi-socodka Somaliland , waana shakhsiyaad karti
dheeraad ah u leh in si run ah gorfeeyaan xeeladihii lagu hirgelin
lahaa talooyika kor ku xusan oo ah habraac muhiim u ah iskaasiga iyo
wada shaqaynta daneeyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Waxaana ka mid ahaa:
Cabdilqadir X Ismacil Jirde (Ku-xigeenkii hore ee Guddoomiyaha
Golaha
Wakiillada), Shukri X. Bandare (xubin Komishankii doorashooyinka
kana
mid ah Guddida Afrika ee Demuqradiyaynta); Ibrahim Jamac Cali -Rayte
(xubin golaha wakiillada ahna Sharci-yaqaan). Fawsi Aw Yoonis (Ururka
Sharci-yaqaannada Somaliland ); Abdi Ahmed Nour (Madasha Nabadda
iyoIsmaamulka-FOPAG), Bobe Y. Ducale (Xidhiidhiyaha Cilmi-baadhista,
Akademiyada Nabadda iyo Horumarita-APD), Haroon H Axmed Qulumbe
(ActionAid), Jacfar Mohamed Gadaweyne (SONSAF); Mohamed Hassan
Ibrahim (Cilmi-baadhe-APD), Sucaad Ibrahim abdi (Cilmi-baadhe-APD);
Ayaan Cashur (UK-Chatham House – goob-jooge)).
II. Maxaa laga Filayey Dhexdhexaandintii
Kooxdan Aqoonyahanka Madaxa-bannaan ee Somaliland waxay si mug leh u
falanqeeyeen dadaalkii Guddiga Dhexdhexxdinta iyo guulaha laga
gaadhi karo iyadoo caqabado badani horyaalleen. Kooxdu waxay
bogaadinaysaa sida Madaxweynaha labada guddoomiye ee xisbiyada
siyaasigu ugu dheganuglaadeen doonista shacabka, oo ay ka sidoo kale
ay guddigu hore u soo jeedisay, in ay kulmaan, wada fadhiistaan kana
wada doodaan waxay ku kala aragti duwan yihiin jawi wada hadal iyo
sulux ah..
Kooxda Aqoonyahanka Somaliland waxay u arkaan in talooyinkii Guddiga
Dhexdhexaadintu habraac muhiim ah u yihiin dhammaan dhinacyadu in ay
iska kaashadaan in Doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto waqtiga loo
qorsheeyey. Dadaalkii Guddiga Dhexdhexaadintu wuxuu dardar geliyey
in dadka reer Somaliland iyo saaxiibbadooda caalamkuba daneeyaan
siday hawsha u wadaan.. rajada laga qabo dadaalka Guddiga waxaa lagu
soo ururin karaa saddexda arrimood ee kala ah:
1. In ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan - Dabdamis
2. In ay abuuraan is aaminaad dhex marta dhinacyada muhiimka ah ee
ishaya
3. In uu ka soo baxo qoraal lagu shaqeeyo oo dabar-heshiis noqda
lana
wada saxeexo oo habraac u ah xal u helidda dhibaatooyika doorashada
Somaliand ku soo fool leh.
Dabdemis
Rajada ugu wayn uguna muhiimsan hawsha Guddiga, waxaa kooxdu ku
sifeeyeen in ay tahay “Dabdemis”). Guddiga Dhexdhexaadintu waxay
dhinacan ka soo hooyeen guul la yaab leh. Waxaa hoos u degey, aadna
isu dhimay xiisadihii isbiirsaday iyo hubaal la’aantii ka jirtey
Somaliland, kana dhalatay khilaafka siyaasadeed. Waqtigan waxaa si
kalsooni leh loo odhan karaa in ay fursad fiicani jirto si
dhinacyada
siyaasaddu u sii wadaan wada hadalkooda.
Isaammin:
Natiijada ama midhaha heshiis kastaa waa abuuritaanka isaammin dhex
mara kuwa iska soo horjeeda si ay suurtogal u noqota hirgelinta
wixii
lagu heshiiyey horena looga dhaqaaqo meeshii hore loo kala joogey si
wadjir ahna loo abuuro jawi iskaashi. Heshiiskan dhex maray saddexda
xisbi waa in uu u adeego ujeeddadaas. Kooxda Aqoonyahanka
Madaxabannaan ee Somaliland, Guddiga Dhexdhexaadinta iyo qaybo kaloo
firfircoon kana kooban bulshada ayaa diyaar u ah ka qayqaadashada in
jawi ku habboon loo abuuro loona hubiyo in heshiiskaas si buuxda loo
taabbogeliyo. Haseyeeshee, in kastoo guud ahaan xaaladdu yara
hagaagtey, ilaa hadda ma muuqdo horumar laga sameeyey isaamminaad
hoggaamiyeyaash siyaasadda iyo inta ku dhawi.
Heshiis la Saxeexo:
Kooxdu waxay rumaysan tahay, in Guddiga Dhexdhexaadintu ay keenee n
qodobbo talooyin ah , oon la odhan Karin waa heshiis dhammay stiran.
Waxaa habboon in tallaabo labaad oo talooyinka heshiis loogu rogayo
la
qaado lana habeeyo Xeer Anshax ay saxeexaan saddexda hoggaamiye.
Iyadoo la ogyahay in madaxweynuhu si cad u sheegay aqbalaadiisa,
haddana, haddana waxay Kooxda Aqoonyahanka Madaxa Banaani u arkaan
in baahi cad loo qabo in qoraal la kala saxeexdo, si daneeyeya ashu
isu aamminaan, si llola wadaago taageerayaasha caalamaig ah iyo in
la kaydiyo qoraal anfaca ubadkeenna iyo facyada soo socda guud
ahaanna oo taariikhdu xusi doonto.
III. Hirgelinta Talooyinka
Kooxda Aqoon yahanka Madaxa-bannaani waxay mudnaanta siinayaan in
talooyinka Guddiga Dhexdhexaadinta saddex qodob oo ka mid aad loo
sii gorfeeyo, lana dejiyo habraac xeeladaysan lagu taabbogeliyo;
qodobbadaasina waxay ku saabsan yihiin: In muddo-kordhin dambe aan
la samayn, Guddiga Doorashooyinka iyo in si siman Xisbiyada
siyaasiga
Qaranku uga wada faa’iidaystaan hantda guud.
Muddo-kordhinta:
Kooxdu waxay eegeen taladii Guddiga dhexdhexaadinta ee in
Muddo-kordhin Dambe aan la samayn, waxaannuna u aragnaa “in aan
muddo-kordhin dambe la samayn haddii aanay si muram la’aan ah u iman
duruuf ama xaalad aan waxba laga qaban Karin loona baahan yahay in
lagu sii qeexo xeer”.
Kooxda Aqoonyahanku, iyagoo ku salaynaya waayo-aragnimada Somaliland
waxay caddaynayaan suurtogalnimada labo arrimood oo sabab u noqon
kara muddo-kordhi oo kal ah: a) Muddo-kordhin ku timaadda in lagu
fashilmo qabashada doorashada waqtigii loogu tao galay
b)Muddo-kordhin ka dhalata xaalad lama filaan ah. Muddo-kordhita la
samaynayey ill 2006dii waxay ku sifoobayaan fashilaad ku timid in
doorashada lagu qabto waqtigii loogu talo galay (waxase xaalad lama
filaan ah lagu qeexi karaa qarayadii 29kii Oktoobar). 2006dii ka hor,
muddo-kordhinta waxaa loo arkayey inay macquul tahay taxanaha
doorashadana wax ka dhinnaayeen sababuhuna ahaayeen xasillooni darro
iyo haya’dihii loo baahnaa oo qabyo ahaa ama aan dhisnayn. Hase
yeeshee, waqtigaa ka dib, muddo-kordhinta waxyeelladeeda taban ayaa
ka miisaan cuslaatay danta ugu jirtey horumarka Somaliland iyo
taxanaha dimuqraadiyadda. Haddii muddo-kordhin uun la wado ayna ka
mid noqoto hab-maamulkeenna, markaa waxaynu abaal marinaynaa
fashilaaddeenna. Arrintaasina waxay keenaysaa in lays dhigto ciddii
marba talada haysana ayba ka lunto dadaalkii ay ugu taami lahaayeen
qabashada doorasho si dib loogu soo doorto.
Markaynu arrinka ka eegno dhinac kale, bulshada caalamku waxay u
haystaan muddo-kordhinta karti darrada Somaliland ee ku dhaqanka
ismaamul wanaagga, iyo fashilaad xaggeenna ka timid, fashilaadna
caalamku ma abaal marinayo. Sidaasi darteed, ku dhaqanka
muddo-kordhintu waxay shiiqinqysaa sumcaddii iyo saaxiibtinnimadii
laynoo hayey ee shacabka Somaliland dadaalkooda lagu kasbaday ilaa
1991kii.
In kastoo ay jirto xaqiiqada ah , in dhaawac inagu filani ina soo
gaadh ey durba, haddana weli waxaynu karti iyo awood u leenahay in
aynu ka soo kabanno, haddii aynu liishaanka saarno kuna daalno
xallinta dhibaatada innagoo eegayna rajadeenna mustaqbalka.
Balse,si wax looga qabto muranka sharci, waxaynu u baahanahay in
hoggaamiyeyaasha siyaasa ddu la yimaaddaan rabitaan iyo isaamminaad
masuuliyadi ku jirto, mana aha oo guddoomiyeyaasha xisbiyada oo keli
ah, waxaase kale oo xilku saaran yahay hoggaamiyeyaasha Aqallada
Sharci-dejinta. Xalka kama dambaysta ahi wuxuu ku iman karaa in la
soo saaro sharci ku salaysan in lagu heshiiyo sulux iyo wada xaajood
dhab ahoo daacad ah oo hoggaa miyeyaasha laga helo. Waxaannu ugu
baaqaynaa goleyaasha sharci-dejinta iyo Madaxweynaha Somaliland inay
gutaan masuuliyaddooda
sharci-dejineed iyo fulineedba ee ay u hayaan dadka Somaliland iyo
in
ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed intaan la gaadhin doorashada 27da
Sept. 2009ka. Sharciga cusub waa in lagaga gudbo xaaladdan
jiq-ku-siida ah iyo qalalaasaha distooriga ah ee inagu raftay ilaa
2006kii, si loo tayo-geliyo habsami uga faa’iidaysiga awoodda iyo
rabitaanka shacabka horena loogu tallaabsado horumarinta dalka iyo
geedi-socodka dimuqraaddiyadda.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Komishanku door muhiim ah ayay ku leeyihiin in ay ka ciyaaraan
horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland. Komishankii hore, waxaa loo
aqoonsan yahay in ay masuuliyaddoodii si hagar la’aan ah oo laga
tusaale qaato u guteen iyadoo duruufo qallafsani ku xeernaayeen.
Xubnihii Komishankaasi waxay u qalmaan in dadka Somaliland iyo
hoggaanka qarankuba u aqoonsadaan siday dadka iyo dalka ugu
adeegeen.
Komishanka hadda jira hawl culus
baa hortaal, waxaase ka sii adag in
xubnaha Komishanku isu diyaariyaan ama isu habeeyaan isuna
abaabulaan hawsha iyo caqabadaha horyaal.
Kooxdan Aqoonyahanku dood dheer ayay ka yeesheen iyagoo ka eegaya
qodobkii talooyinka Guddiga Dhexdhexaadinta. Nuxurka dooddu wuxuu
ahaa in la gorfeeyo, dhinac kastana laga qiimeeyo faa’iido iyo
khasaareba arrinka Komishanka in la xalliyo iyadoo la isla meel
dhigayo
tayayntooda. Haddaba, waxaa loo badnaa aragtida ah marka la eego
xaaladda iyo duruufaha jira kana dhalatay muddo-kordhin soo
noqnoqotay iyo dibudhacyo ku yimid doorashada madaxtooyada, in aan
fursad dambe la siinin xaalad khatar keenta ahna dibudhac kale ee
Waqtiga doorashada 27da Sept. 2009ka. Sidaasi darted Kooxdu waxay
isla garteen
arrimahan:
Ugu horrayn: In la beddelo Komishan oo dhan waa tallaabo khatar ah
in
la qaato. Muddada inooga dhiman doorashadu waa saddex billod oo keli
ah. Markaynu sidaas u eegno arrinta, waxaa muuqata in aynan fursad
haysan layskuna kobo kuwa hadda xilka haya. Xataa , haddii wax
kastaa
hagaagaan ama laysla meel-dhigo, waxaa adag xubno cusub oo la qaataa
waqtiga ay u baahan yihiin in ay hawsha la qabsadaan. Sidaasi
darteed,
waxaan u aragnaa in siyaabo kale la isku dayo.
Ta labaad: Sida ugu habbooni waa ku xoojita Komishanka xubno cusub
hadday suurtogasho iyo in loo abuur kaabayaal kale oo xoojiya hawsha
Komishanka. Waqtigan waxaa jira qaabab kale oo la shaqaynaya loona
baahan yahay in kartidooda la sii dhiso. Dhianac kale haddii laga
eego, habkooda masuuliyadda maarayneed iyo saadkaba waa lagu xoojiyo
karaa cid kale oo aqoon dheeraad ah u leh hawsha. Xubnaha
Komishankii
hore ka jooga oon weli xisbiyada siyaasiga ah ku biirin waxaa lagu
xoojin karaa inay Komishanka lataliyeryaal u noqdaan
Ta saddexaad, Kooxdu waxay rumaysan tahay in dhibaatooyinka haysta
Komishanku ay yihiin qaar ay iyagu isu gaysteen. Sidaasi darted,
Komishanku haddii aanay ogsoonaan baaxadda hawshooda iyo xaaladda ay
ku sugan yihiin iyo in ay iyagu is habeeyaan tallaabooyinka kor ku
xusani waxtarka laga rabo ma keenayaan. Waxaa kaloo muhiim ah in
dadka Somaliland oo keli ahi aanay danaynayn xaaladda, ee waxaa
kaloo
danaynaya bulshada caalamka ee ina taageeraya inagana rajaynaya in
aynu wax ka barano waaya-aragnimada khilaafyadi qalaasaha watey ee
ka dhacay gobolka Bari Afrika sida Kenya ee dhaliyey dagaal ka
unkamay isdhaaf nattiijaddii doorashada.
Serverka (xogtii diiwaan-gelinta):
Arrinta serverku waxay u muuqataa wax aan sugnayn, hubaal la’aan
badanina ka jirto marka arrimaha doorashooyinka lagadoodayo. Markaan
dib u milicsano qoraalkii hore ee10kii March 2009 Kooxdu ma
taageerin oo keli ah taxanahaas balasé waxay aqoonsadeen doorka
muhiimka reer Somaliland ka ciyaareen murginta hawsha serverka
waxaana la aqbalay inay tahay xaalad dibudhac ku keeni karta
natiijada in xog sugan laga helo habka serverka. Dibudhaca ku yimid
Waqtiga doorashadu wuxuu fursad siiyey in serverka laga fila karo
soo saarista natiijadii
diiwaan-gelinta.
Kooxda Aqoonyahanku waxay iswaydiinayaan maxay shirkadihii iyo
haya’dihii ka masuulka ahaa Serverku u sheegi waayeen waqti sugan oo
natiijo la soo saarayo iyo qiyaasta boqolkiiba intee lagu guulaystay
hawshan, si cid kasta oo hawshan danaynaysaa u qorshaysato hawsho
oda. Ayaamahan u dambeeyey, Labo ka mid murashaxiinta madaxwaynaha
ayaa muujiyey werwerka ka haya serverka. Kooxdani waxay rumaysan
tahay in hanti badan maaliyad iyo maskaxba lihi ku baxday Taxanihii
diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo caalamka iyo Somalilandba isugu
tageen, welina waxaan rumaysanahay in hawlgalkaasi sax ahaa
khayraadkaasna meel ku habboon lagu aaddiyey. Sidaasi darteed,
qolyihii qandaraaska qaatay iyo kuwa hawsha gacant ku hayaba waxaa
looga baahan yahay in ay warbaahinta ka caadeeyaan waqtiga ay
hawshan ku dhammaynayaan iyo dhibaatooyinka hadday jiraan caqabado
ku ah hawshooda ka midho-dhalinteeda si looga gaadho ujeeddadii
barnaamijka laga lahaa. Intaas ka dib, hoggaamiyeyaasha Somaliland,
haya’daha ku lug leh iyo dadka ayay u taal go’aan ka gaadh ista iyo
dhammaystirka hawshas iyo natiijada laga filayo in ay ka soo baxdo
in la qiimmeeyo ahmiyadda ay u leedahay Doorashada madaxtooyada ee
soo fool leh.
Kooxdu ma inkirayso in hay’adaha ku shaqada lihii bixiyeen xogo ku
saab san sida hawshu u socoto; balse, waxaannu leenahay xog ku filan
ama dhammaystiran lama hayo guud ahaan, sidaasi awgeed,
ku-tidhi-ku-teen badan baa suuqyada gelaya, gaar ahaan marka
hoggaamiyeyaashu soo bandhigaan hubaal la’aantooda faaiidada hawshan
serverka iyo saamaynta ay ku yeelanayso doorashada. Wax kastoo ka
soo baxaba, diiwaangelintu waxay xukuumadda Somaliland iyo dadkaba u
ahayd hawl muhiim ah, caalamkuna taageeray si isbeddel macno leh
loogu tallaabsado si aynu u gaadhno ujeedada in doorashada uga
dhigno mid xor iyo xalaal ah.
Ugu dambayntii, Kooxdu waxay is tustay in ay muhiim tahay in hay’ada
ha waddaniga ah ee ay khusaysaa fiiro gaar ah u yeeshaan kana
doodaan mustaqbalka sidii loo xafidi lahaa xogaha diiwaan-gelinta
iyo in la haggaajiyo taxanaha diiwaan-gelinta siday ula mid noqon
lahayd
hal-beeg ahaan caalamka si loo dejiyo liiska codbixiyeyaasha oo
sugan.
U Adeegsiga Warbaahinta iyo Hantida Guud Doorashooyin Xor iyo Xalaal
ah
Kooxda Aqoonyahanka Somaliland ee Madaxabannaan waxaa ka go’an in
loo hawlgalo siday dalka ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyin xor iyo
xalaal ah. Warbaahinta iyo hantida kale ee guud oo si xaqsoor leh
looga wada faa’iidaystaa waa rukun muhiim u ah mabda’a doorasho xor
iyo xalla ah. Hantida guud waxaa laga iibiyaa, laga dhisaa laguna
socodsiiyaa lacagta dadku cashuurta u bixiyaan mana aha hanti koox
siyaasadeed gaar u leedahay. Sidaasi darteed, xeer gaar ah waa in
loo
dejiyo, waana in khayraadkaasi si caddaaladi ku jirto dhammaan
xisbiyada siyaasiga iyo murashaxiinta u wada isticmalaan.
Maadaama, Madaxwaynaha iyo labada guddoomiye mabda’iyan aqbql een
talooyinkii guddiga , Komishanka doorashooyinku waa in ay horseedaan
dodo xisbiyada dhex mara si ay u saxeexaax xeer anshax iyagoo
muujinaya inay ka daacad yihiin habraaca taxane doorashooying xor
iyo xalaal ah nabadna ku dhammaada. Qodobbada lagu salaynayo Xeer
Anshaxa,
waxaa ka mid ah:
i. Guddi Joogto ah
Abuuritaanka Guddi Qaran oo Joogto ah oo ka masuul noqda hubinta in
hantida qaranka si xaqsoor leh uga wada faa’iidaystaan dhammaan
xisbiyada siyaasadda iyo murashaxiintuba. Waa in la xaqiijiyo in
murashaxiinta iyo xisbiyadooda si buuxda xor ugu yihiin, layskana
hortaagin si ay ugu gudbiyaan farriimahooda codbixiyeyaasha, hantida
guudna wax ka helaan. Guddigaas oo u madaxbannaan hawshooda waxay
wada shaqayn la yeelanayaan komishanka Doorashooyinka, saddexda
xisbi qaran, iyo daneeyeyaasha hale doorashooyinka.
ii. Warbaahinta Guud oo la wadaago
- In la dejiyo habraac hawleed
dhammaan murashaxiinta xisbiyada
siyaasiga ah iyo in waqti is le’eg ay ka helaan baahinta Radio
Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka SL. Iyo Wargeyska Maandeeq. Waana
in aynu waaya-aragnimadeenii hore ka faa’idaysanaa.
- Xoojinta habraaca sharci. Waxaynu u baahan nahay in sharci gaar
loo
dejiyo sharci Baahinta Siyaasadeed iyo sharci Saxaafadeed, oo lagu
kala hago adeegsiga saxaafadda.
iv. Hantida Ma-guurtada ah iyo Arrimaha Awoodda Fulineed
1. In la hirgeliyo dhammaan shuruucda ku saabsan arrintan.
2. In aan gaadiidka dawladda, dhismayaasha maaliyadda la adeegsan
sharciguna oggolayn.
3. Saraakiisha xukuumadda ee Fulineed, awooddooda waqti hawleedkoodu
waa hanti la wada leeyahay. Dhammaan shaqaalaha dawladda waa ka
mamnuuc sharci ahaan in ay la kala saftaan xisbiyada iyo
murashaxiinta. Balse taasi iskama hortaagayso in ay codkooda
dhiibtaan ama u codeeyaan murashaxa ay doonaan.
Kooxdan Aqoonyahank Madaxa-Banaan ee Somaliland waxay ku
guubaabinaysaa bulshada caalamku, in aanay ku koobnaan
indho-ku-haynta ololaha ito maalinta codaynta, balse kor-joogaan
sida hawshu u socoto iyo hubinta sidii loo horumarin lahaa dhaqan
doorasho xor iyo xalaal ah oo nabad ku dhammaada.. Kor-joogayaasha
caalamiga ahi waxay ka qaybgeli karaan hawlaha Guddiga Joogtada.
Waxa kale oo aanu ku guubaabinaynaa daneeyayaasha muhiimka ah in la
sameeyo wacyigelin guud ee bulshada laguna daro dhammaan shaqaalaha
kuna saabsan waajibaadka sharci iyo anshax ee dhammaan muwaadiniinta
si loo xaqiijiyo Doorasho Xor iyo Xalaal nabadna ku dhammaata. In
Habkii
Anshax ee Warbaahinta Somaliland dib loo habeeyo oo la waafajiyo
baahida manta kadibna ay saxaafadda oo dhammi ay wada saxeexaan una
hoggaansanaadaan.
Ugu dambayntii, waxaanu ku baraarujinaynaa dhamaan qaybaha kala
duwan ee bulshada Somaliland in ay xoog ugu dhiirnaynaa in ay mar
walba xusuusnaadaan jidkii adkaa ee ay u soo mareen nimcada nabadda
iyo deganaanshaha ay haystaan manta, guulaha ay ka gaadheen dhismaha
dawladooda, habka dimuqraadiga ah iyo horumarka ay ku talaabsadeen
oo hadda ay sannadkii 18naad ay u dabbaaldegayaan.
WBT
Hargeysa, Somaliland, 16/05/2009.
Cumar
Faarax
cumarfaarax2@gmail.com
|